Macnaha ereyga "Suugaan"

E reyga ”Suugaan” oo laga wado maansada iyo waxyaalo kale ma aha erey ay
soomaalidii hore macnahaas u yaqiinneen ee waxa uu macnahaas yeeshay xilligii
kacaanka, laakiin waxa uu ereygu jirey isaga oo macneyaal kale leh. Xilligii
kacaanka iyo intii ka danbaysey dad badan oo maansooday baa ereygaas
maansooyinkooda ku daray, waxa ayna dadkaasi u badan yihiin dad aan u maansoon
sidii dhaqankii hore. Dad badan oo kacaankii soo gaarey oo ah dadka u
maansooda sidii dadkii hore ereygaas maansooyinkooda laga heli mayo, waxaana
dadkaas ka mid ah Galayax, Aadan-Carab iyo Khaliif. Ereygu sida aan u fahmey
la uu macne ma aha kalmadda qalaad ee ”Litteratuure”, waayo haddii wax laga
qoro sida geela oo dhaqo ama beeraha loo tacbado waa ”litteratuure”, waxaa se
laga yaabaa in uu ereygu la macne yahay ”Fiction” oo ah hadal kasta oo xallad
ama sawir leh sida maansada, filimada, sheekooyinka iyo riwaayadaha.
Maahmaahdu in ay ”Fiction” tahay shaki baa igaga jira, waxa aan se u
malaynayaa in ay isugu jirto wax ah iyo wax aan ahayn.
Waxaa jira hadal ay dhawaanahan dad sheegaan oo ah in ay suugaantu u ka la
baxdo ”Tix” iyo ”Tiraab” oo ka la ah hadalka habdhaca ama miisaanka leh iyo
midka aan lahayn, dooddaasina labo siyaalood ayey u khaldan tahay, waxa ayna
ka la yihiin in ereyga ”Tiraab” uu yahay dhawaaq kasta oo afka ama qalinka ka
soo baxa ee uusan suugaanta hoos joogin iyo in dadka sidaas u hadlay ay
xarafka ”T” uun ka duuleen ee aysan aqoon af ka duulin. Gabayga ama tixdu in
ay tiraab yihiin eeg meeriska soo socda
Intii toban cisho ah baan markaan, taxo u kaadshaaye
Sidaan ahay talmiid baan laxniga, uga tiraayaaye
Goortaan tartiibshaan wax un, kaga tiraabaayeCismaan Keenadiid
Suugaantu guud ahaan saddex qaybood bay u ka la baxdaa, waxa ayna ka la yihiin
hadal aan tix ahayn oo macaan sida sheekooyinka, hadal miisaan leh ama ay
qaafiyadi u weheliso oo ay soomaalidu maanso u taqaan iyo wax muuqaal ahaan la
isu tuso sida riwaayadaha iyo filimada. Faahfaahinta saddexdaas qaybood wakhti
dheeraad ah bay u baahan tahay oo lacag la’aan idiin ku ma sharraxi karo.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida