Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Maangal miyaa nacaybka loo qabo dadka isku jinsiga?

W/Q: Nabad Ruqyo
LGBT+ 1
1.8k
·

7/24/2020

Maangal miyaa nacaybka loo qabo dadka isku jinsiga?

A fkaarta iyo dhaqammada naceybka ee ku wajahan dadka isku-jinsiga ah waa
mid asal-ahaan aan caafimaad qabin oo asalkeeda yahay caqli xumo iyo baqdin
micno aan sameyneynin.
Mabda’a 1-aad oo lagama maarmaanka u ah oo ay cuskadaan waa saynis diidmo ama
iska indha-tirid xaqiiqoyinka cilmi-baarisyo fara badan caddeeyeen oo la
inkiri karin. Qofka nacebyka badan maba daneenayo inuu adeegsado sharraxaad
ama muujinno ka duwan kan saynisku dhigayo oo caqli gal isagoo aaminsan inuu
xussayo xaqiiqoyin. Taa bedelkeed, wuxu naceybkiisa ku difaacaa doodo qofka
caqliga la saxiibka ah uu si fudud u beenin karo. Kow waxaa ka ah dooda ah
‘isku-jinsinimadu waa dhaqan aan dabicii aheyn’ in kastoo, in ka badan 500
xayawaan nidaamka isku-jinsiga ah ay ku dhaqmaan. Intaa waxaa dheer ‘dabiici’
iyo “xumaan” xiriir caqliya uma dhexeyo madaama ay jirto waxyaabo dabiici sida
sunta ‘cyanide’ oo xumo ah iyo sidoo kale waxyaabo dabiici aan aheyn sida
daawada oo wax wanaagsan ah.

Gay Swans Fight To Defend Nest | FM 101.9

Si fudud ayey hadana uga laabtaan doodda hore oo hadana waxay u bedelaan
dooddooduin qofka isku jinsiga ah inuu yahay mid u ololayo ku dayashada
xayaawanada. Taasina, waxay kashifaysaa caqli xumada jirto. lakiinse waxa
muhiimka ah ayaa ah inay si cad umuujiyaan ujeedka ah “waa uun xanuun isku
jinsinimadu waana gunaanad xiriiranyo doodaha kale oo dhan. Mid kaste,
natiijideeda ugu dambeynta waa inaan nahay qowmiyad asal-ahaan xanuunsan,
xanuun aan ka duwaneyn cilmi-nafsiga. Dadkan Naceybka badan makala jecla in
urur iyo dakhtar kaste ee ku taquusay caafimaadka maskaxda ka horyimaadaan
aragtidooda. Si xoog leh wuxu u aaminsan yahay ‘isku-jinsimada waa doorasho,
waa dhaqan shaqsiga laga reebi karo, waana lagu abaabin karaa doonista jinsiga
ka duwan’ in kastoo, ururrada dhan ee ku taqasusay beddelidda dareenka galmeed
ku guuldareysteen arrintaa.

Mabda’a labaad oo sii wadayo saynis diidnimada waa inay sayniska mucaraad ku
yihiin, naceybyaalka (dadka necebka badan) kuma bararuugsana baaxadda iyo
kakanaanta dareennada galmeed iyo jeceylka beni’aadanka iyo inay jirto wax ka
baxsan doonista jinsiga kaa duwan iyo ‘isku-jinsinimo’, xisaabta waxaa ka
maqaan dadka aan lahayn dareen galmeed, dadka aan lahayn jeceel dareen, dadka
dareen u qabo jinsiyadaha oo dhan iyo dadka dareen kaliya u qabo shaqisiga ay
la wadaagaan xiriir jaceyl oo dhow. Kibirkooda wuxuu gaaray inay hoos-dhigaan
dareennada oo dhan oo kuwooda ka dhigaan ‘kan wanaagsan’ iyadoo wareer darteed
uu isku qalday oo isku-daray ‘tiro yaraan’ iyo ‘xumaan’ waana mowqif caqliga
ku gefayo sida indho buluugnimadu tahay sifo tira-yar oo weli lagu tilmaamin
‘xumaan’ si la mid ayey dareennadu xumaan ulahayn,

Markaa, ka mid tahay koox laga tiro badan yahay tixraacaada lama ixtiraamo, in
badan ahaanshahaaga iyo dhaqammadaada waxaa lagu timaamayaa xumaan, lakiin mar
kaste waa inaan maskaxda ku hayno in ereyga ‘xumaan’ uu caadi ahaan yahay
eraybixin bulsho abuurtay. Oo sidey bulshadu isku bedbedesho ayuu micnuhuna
isku bedbedelayaa. Naceyb-yaalka ( qofka naceybka badan) wuxu dooni inuu naga
gado in naceybkiisu yahay wax u dhow xaalad dabiiciya in kastoo, naceybka
‘isku-jinsinimda’ lagu arkiin noolaha kale, taasoo muujineyso naceybka inuu ka
yimid barbaarin ku dhisan afkaar naceyb ku saleysan kala duwananshada.

Madba’ saddexaad waa ku ganbashada diinta guud-ahaan, qisada Nebi Luud waxay
ku xirtay qalbiga muslimka inuu nebcaado isku-jinsiga maadaama qowmiyadaas
lagu halaagay dhaqammadooda isku-jinsiyeed Sida loo fasiray arrinta. Laakiin,
su’aashu waa maxaa horseeday halaagga? Ma kufsi keliyaa? Mise kufsi iyo
dhaqamo isku-jinsiyeed? Kaba soo qaadba in waxa la cambaareynayo tahay kufsiga
iyo dhaqammada isku-jinsiga, waxaa kala hor imaanaya fariinta ku jirta qisada
iyo tilmaamka ilaahay caadil ah, waayo? siddee udhacday inuu ku abuuro shaqsi
dareen uusan raali ka aheyn isla jeerkaasna uu weydiiyo isla shaqsiga inuu ka
soomo xiriir galmeed iyo dareen jaceyl noloshiisoo dhan, isagoo og boqolkiiba
sagashan inaanay surtagal ahayn! Haddii xaakim, labo kiis oo isku mid ah si
kala duwan u xukumo shaki kuma jirto in caddaalad darro dhacday, waayo?
caddaaladdu kama maraanto in si isku mida lagula dhaqmo wixii isku mida. Sidoo
kale hadduu macalin imtixaamayo labo arday, oo mid uu u ogolaado inuu si xor
ah u isticmaalo kombiyutrka oo caawin kaste heli karo isla markaana kan kale
ku shuruudeeyo in afka iyo indhaha duubto, gacmihiisa xarig lagu xiro siduu
kaliya lugaha uuga shaqeyo imtixanka. Farqiga u dhexeeyo xalaadooda waa xukun
aan caddaali ahayn. Cadaalad darradu waxay ka timid xaalad duwanaasha weyn u
ilaahay xallin waayey isagoo awoodo. Dareenka isku-jinsiga wixi laga filo waa
inuu horseedayo dhaqangelin dareenka isku-jinsiga. Xaqiiqo waxaa ah in nooluhu
caadi ahaan ka maarmi karin galmo iyo jeceel xiriir iyadoo taasina tahay
dabeecad kale oo Ilaah abuuray.

Mabda’ kowaad ee falsafadda akhlaaqda waxay leedahay ‘waajibka sameey’ waxaa
ka horeeyo ‘horta waajibka ma sameeyn karta’ haddu qofku awoodin eed ma leh.
Dhammaan dadka isku-jinsiga surtagaal uma ah inay noloshooda oo dhan ka
soomaan waxay dadka kale maalin walba raadsadaan. Arrintaan doonista isku-
jinsiga ayuu ilaahay cadalaad daro kale galayaa madaama u horay usii doorbidin
qolada uu siinayo adkeysi siyaad ah oo ay kaga hortagaan dareenka isku-jinsiga
oo sidaasna ugu sahlanaanayso ooffinta amarkiisa.

Illaa intaan waxaa uun falaqeynay ‘kadib difaaca’ naceybka saldhigiisa runta
ah inta badan ma ahan sababaha aan kor ku xussay, asalka rasmiga ee naceybka
waa aaminaadda sarraynta ragga (Patriarchy) oo ah hoos-dhigidda haweeneyda ula
kac ama ula kac la’aan. Waa siistemka Keliya oo sharraxayo sababta si qaasa
loo neceb yahay nimanka isku-jinsiga halka dumarka ee isku-jinsiga ah nifaas
ka heleen naceybka, Xadgudubka ninku sameeyo ayaa ka xun kan dumarku
sameeyaan. Dhanka isku-jinsinimada waa ‘boqol-le’ iska dhigay ‘konton-le’ ayey
dhahaan.

Aragtidooda ama iyaga sey u arkaan, xaaladda waxaa si xumeenayo in qaar ka mid
ah nimanka isku-jinsiga ah u dhaqmaan si la mida haweeney, naagnimada dhan
ayaa sun ah hadaad tahay haween ama isku-jinsi nin ah labada dhinca in lagu
takooro waxaa sal u ah hoos-dhigga iyo naceybka ahaanshiyaha ama uekaanshiyaha
naagnimo. Mudannimo gaara ayey raggu leeyihiin waaney caddahay, awood iyo
tixgelin ballaaran ayey bulshada siisay, maxaa dhici haddii koox rag ah
xalaaleynayo ‘naagnimada’ cod, awood iyo tixgelin sida la siiyo? Nidamka dhan
ayaa burburaaya sidaa darteed naceybka halkuu ahaan lahaa mowfiq ‘shaqsiyeed’
waa geedisocod difaacayo qaab-fikireed ku dhisan kala sarreyn aan ogoleyn wada
noolaansho siman oo xor ah.

Dhanka kale, isku-jinsiga haweenka xisaabta kuma jiraan, inta badan dareen
galmeedka haweenka uma madax-bannaana sida ninka. Waxaa loo arka inayba tahay
dareen u adeegayo dareenka ninka. Xitta raaxeenta dhex marto labo haween isku-
jinsi ah ayaa loo arka dhaqan u adeegayo kan ninka taa bedelkeed raxeenta dhex
marto labo nin isku-jinsi ah waa dembi weyn. Maxaa yeelay waa dhaqan aan u
adeegaynin dareenkooda. Waxay la qabsadeen in had iyo jeer la tixgeliyo
dareenkooda, sidaas awgeed waxay iska dhaadiciyeen inay xaq u leeyihiin booska
galmeedka, wax kaste oo galmo ku saabsan oo aysan jecleysan waa in la cirib-
tiro mana jirto wax ee ka neceb yihiin ficilka dhex maro niman isku-jinsi ah.
Yaqyaqsi iyo naceyb baahsanee uqabaan.

Raad yeellada yaqyaqsiga lama yareen karo waa aabaha iyo hooyada dhalay
naceybka iyada oo ah bad gooniya oo xittaa kuwa aan aamiinsaneyn sareenta
ragga ayaa ku dabaashaan, dhibaatada waxay gaartay heer ay ku khasabtay in
qofka isku-jinsiga ee soomaaliyeed soo maro safar dheer siduu uga xoroobo ka
yaqyaqsiga dareenkiisa. Bulshada uma qabto yaqyaqsi la mid haweenka
lesbiyaanka. Yaqyaqsigu wuxuu gooni uyahay hal dareen iyo jinsi, sababtu waa
maxay? Eexda yaqyaqsiga waxaa sidoo kale ka warramay dhaqammada geedisocodka
maskaxda markay arrinta gaarto jaceyl muujinta isku-jinsi nimeed, dadka
difaaca qaab-fikirkaan waxay leeyihiin waa xaalad dabiiciya, waxaana caddeyn u
ah caam ahaanshaha yaqyaqsiga balse in la saaxiibtanka qof sku-jinsi
yareeneyso yaqyaqsiga ama baabi’ineyso dareenka gebigiisba.

Sharraxadka ugu haboon waa tan leh ‘yaqyaqsi’ wuxuu la saami yahay qiimaha
galmeed. Qofka kugu qiimo galmeed yar ( yacni aad galmo ahan uga heshid)
dhankada ayaa dhaqameedkiisa galmeed kugu yaqyaqsi badan. Tusaale haweenka
guud-ahaan waxay ka yaqyaqsadaan dhaqammada lesbiyaanka( haweenka isku
jinsig)! balse yaqyasiga nimanka u qabaan isku-jinsi nimanka ah mala saami ah
kan haweenka. Laakiin waxaa shaki ka jirin in barbarinta naceybka dhalisay ay
xoojinayso siina buunbuunineyso ifafaalahan.

Sababta naceybka iyo takoorka kama dambeystiga ah waa yaqyaqsiga nimanku
dareemaan. Waana caaddifada kaliya oo ku dhiirrigelinayso inay isku dayaan
inay cirib-tiraan jaceyl muujinta isku-jinsga meel kaste oo ay awoodaan.
Kibirka sidaas u weyn iyo mala’awaalka ragga aaminsan sareynta. In badan waxay
ku celcelinayaan in isku-jinsinimada ka timid doorasho lakiin dhab ahaanti
dareenka dalbashada iyo dookha ku yimid halkaan waa NACEYBKA. Kaa oo muujinaya
geedisocod caqlixumo iyo qalbi xaasidnimo tifqaayo.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...