Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Ma taqaanaa saxaabiga Quraanku rabitaankiisa ku soo dagi jira?

W/Q: Khaalid Xasan
Diimaha 2
4.8k
·

5/2/2019

Ma taqaanaa saxaabiga Quraanku rabitaankiisa ku soo dagi jira?

I slaamka oo ah diinta labaad ee ugu dadka badan diimaha maanta ka jira
adduunka waxa bilowgeeda, dhismeheeda iyo fidinteedaba iska kaashaday dad
badan inkasta oo magacu raacay Maxamed oo ahaa aasaasaha diintan. Ka qayb
qaadashadaasi waxay ahayd mid noocya badan oo leh naf, maal, muruq iyo
maskaxba.

Ninka aynu kaga hadlayno qoraalkani waa saxaabi kaalin mug wayn ka qaatay
dhismaha iyo fidinta Islaamka sidoo kalana aragtiyihiisa gaarka ah ee isaga u
muuqda ku sandullayn jiray Maxamed inuu soo dajiyo waxyi diimaynaya ama haddii
aynu si ka yara qurux badan hadalka u dhigno waa saxaabi talooyinka uu soo
jeediyo Ilaahu u dhago nuglaa. Saxaabigani waxa uu kamid ahaa laba nin oo
Maxamed Ilaaha ka baryay inuu diinta ugu gargaaro oo ku xoojiyo xilligii ay
bilowga ahayd tabartana yarayd, waa saxaabiga Cumar Khaddaab. Cumar wuxuu ahaa
nin tolkii caan ka ah aadna ay u jeclaayeen. Wuxuu ahaa aftahan dagaalyahan
ah, nin qallafsan, dabeecad xun, dumarka neceb sida la soo guuriyayna jeclaa
tumashada iyo khamriga islaamka kahor intaasna waxa uu dheerayd qawmiyad
jacaylka xididaysatay ee uu carabnimada u qabay.

Cinwaanka qormadan ayaa ugu filan didmo inta badan akhristayaasha musimiinta
ah wuxuuna ula muuqdaa mid aan u cuntumin Ilaaha ay rumaysan yihiin inaysan
jirin cid la wadaagta talada, garaadkiisa iyo ogaalkiisuna sarreeyaan oo way
ku adag tahay inay suuraystaan Ilaah qof oo uu abuuray talada u daba-
fadhiisanaya ama sharciyaynaya arrin shakhsi ku adkaystay in la jideeyo oo
diinta lagu daro, waxa aan rajaynayaa marka aynu mawduuca ku sii durugno oo
tusaaleyno qaar kamida goobaha uu Cumar Ilaaha adeegyo la talin ah u fidiyay
in sawirku u caddaan doono ahristayaashaas ka booday cinwaanka.

Diinta Islaamka waxaa jira waxyaabo loogu yeero arrimaha ay isla qaateen
Ilaahay iyo Cumar (ﻣﻮﺍﻓﻘﺎﺕ ﻋﻤﺮ ﻟﻠﻘﺮﺁﻥ), waxyaabahaasi waxay u badnaayeen
arrimo uu Cumar iska jeclaaday inay sidaa ahaadaan Ilaahayna isagoo Malakul
Jibriil iyo Maxamed la kaashanaya uu Quraan iyo aayado u bedeley. Nuxurka
hadalkani waa in Ilaahay qaatay ra’yigii Cumar oo mararka qaar ahaa ra’yi
xittaa nabigu uuna rabin oo la dhacsanayn. Hadaba waxaa is waydiin mudan
waxyaabahan uu ilaahay Cumar ku raacay ma waxyaabo uu isagu garan waayey baa?
Maxamed iyo Cumarse haddii ay arrin ku kala aragti duwanaadaan keebaa
hadalkiisu waxyi ahaa oo mudan in odhaahdiisu xaqqa asiibto? Maxaase keenay in
waxyiga Ilaahu noqdo mid u nugul faragalinta cumar ama mid cadaadis haddii uu
la kulmo is bedelaya sida sharciyada waddamada qaarkood maanta loo bedelo
marka cadaadis heer caalami ah ay la kulmaan.

Cumar Bin Khadaab oo markan aynu u magacaabi karno jagada la taliyaha Ilaaha
arrimaha uu soo jeediyay ee Ilaahuna ku raacay waa ay badan yihiin sida
axaadiista arrintan ku soo arooray aynu ka dheegan karno balse culimada
Islaamku meelaha qaar waa ku kala aragti duwan yihiin sidaa darteed waxa aynu
ku gaabsanaynaa qodobada ugu muhiimsan ee aan mad-madawgu ku jirin.

Waxaa laga weriyey Ibnu Cumar inuu yidhi: “Cumar Binu Khaddaab wuxuu yidhi:
Rabigaygu wuxuu igu raacay saddex, maqaamka Ibraahiim, xijaabka iyo
maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Beder”.
وعن ﺍﺑْﻦِ ﻋُﻤَﺮَ، ﻗَﺎﻝَ : ﻗَﺎﻝَ ﻋُﻤَﺮُ : ” ﻭَﺍﻓَﻘْﺖُ ﺭَﺑِّﻲ ﻓِﻲ ﺛَﻠَﺎﺙٍ : ﻓِﻲ
ﻣَﻘَﺎﻡِ ﺇِﺑْﺮَﺍﻫِﻴﻢَ، ﻭَﻓِﻲ ﺍﻟْﺤِﺠَﺎﺏِ، ﻭَﻓِﻲ ﺃُﺳَﺎﺭَﻯ ﺑَﺪْﺭٍ ”
ﺭﻭﺍﻩ ﻣﺴﻠﻢ ‏(2399‏)
Arrinta maxaabiista lagu soo qabtay dagaalka Beder oo tiradooda lagu qiyaasay
todobaatan waxa uu Cumar ku taliyay in qudha laga jaro dhammaantood balse
Maxamed waxa uu qaatay taladii Abu-Bakar oo ahayd in madax furasho laga qaato
lana sii daayo, kadibna waxa soo dagtay aayad lagu canaanayo Maxamed inuusan
qaadan taladii Cumar ee ahayd qudh-goynta maxaabiista (مَا كَانَ لِنَبِيٍّ
أَنْ يَكُونَ لَهُ أَسْرَى حَتَّى يُثْخِنَ فِي الْأَرْضِ تُرِيدُونَ عَرَضَ
الدُّنْيَا وَاللَّهُ يُرِيدُ الْآخِرَةَ).

Waxaa kaloo jira xadiis odhanaya sidan;
ﻋﻦ ﺃَﻧَﺲِ ﺑْﻦِ ﻣَﺎﻟِﻚٍ، ﻗَﺎﻝَ : ﻗَﺎﻝَ ﻋُﻤَﺮُ ﺑْﻦُ ﺍﻟﺨَﻄَّﺎﺏِ ﺭَﺿِﻲَ ﺍﻟﻠَّﻪُ
ﻋَﻨْﻪُ، ” ﻭَﺍﻓَﻘْﺖُ ﺭَﺑِّﻲ ﻓِﻲ ﺛَﻼَﺙٍ : ﻓَﻘُﻠْﺖُ ﻳَﺎ ﺭَﺳُﻮﻝَ ﺍﻟﻠَّﻪِ ! ﻟَﻮِ
ﺍﺗَّﺨَﺬْﻧَﺎ ﻣِﻦْ ﻣَﻘَﺎﻡِ ﺇِﺑْﺮَﺍﻫِﻴﻢَ ﻣُﺼَﻠًّﻰ، ﻓَﻨَﺰَﻟَﺖْ : ‏( ﻭَﺍﺗَّﺨِﺬُﻭﺍ
ﻣِﻦْ ﻣَﻘَﺎﻡِ ﺇِﺑْﺮَﺍﻫِﻴﻢَ ﻣُﺼَﻠًّﻰ ‏) ، ﻭَﺁﻳَﺔُ ﺍﻟﺤِﺠَﺎﺏِ، ﻗُﻠْﺖُ : ﻳَﺎ
ﺭَﺳُﻮﻝَ ﺍﻟﻠَّﻪِ ! ﻟَﻮْ ﺃَﻣَﺮْﺕَ ﻧِﺴَﺎﺀَﻙَ ﺃَﻥْ ﻳَﺤْﺘَﺠِﺒْﻦَ، ﻓَﺈِﻧَّﻪُ
ﻳُﻜَﻠِّﻤُﻬُﻦَّ ﺍﻟﺒَﺮُّ ﻭَﺍﻟﻔَﺎﺟِﺮُ، ﻓَﻨَﺰَﻟَﺖْ ﺁﻳَﺔُ ﺍﻟﺤِﺠَﺎﺏِ، ﻭَﺍﺟْﺘَﻤَﻊَ
ﻧِﺴَﺎﺀُ ﺍﻟﻨَّﺒِﻲِّ ﺻَﻠَّﻰ ﺍﻟﻠﻪُ ﻋَﻠَﻴْﻪِ ﻭَﺳَﻠَّﻢَ ﻓِﻲ ﺍﻟﻐَﻴْﺮَﺓِ ﻋَﻠَﻴْﻪِ،
ﻓَﻘُﻠْﺖُ ﻟَﻬُﻦَّ : ‏( ﻋَﺴَﻰ ﺭَﺑُّﻪُ ﺇِﻥْ ﻃَﻠَّﻘَﻜُﻦَّ ﺃَﻥْ ﻳُﺒَﺪِّﻟَﻪُ
ﺃَﺯْﻭَﺍﺟًﺎ ﺧَﻴْﺮًﺍ ﻣِﻨْﻜُﻦَّ ‏) ، ﻓَﻨَﺰَﻟَﺖْ ﻫَﺬِﻩِ ﺍﻵﻳَﺔُ ” ﺭﻭﺍﻩ ﺍﻟﺒﺨﺎﺭﻱ ‏(
402 ‏)

Waxaa laga weriyey Anas Binu Maalik in Cumar Binu Khaddaab yidhi: rabbigay
saddex ayuu igu raacay, waxaan ku idhi rasuulka: rasuul allaw aan ku tukanno
maqaamkii Ibraahim, isla markiiba waxaa soo degtey aayadda odhanaysa (Kana
yeesha maqaamu Ibraahiimka meel lagu tukado – ﻭَﺍﺗَّﺨِﺬُﻭﺍ ﻣِﻦْ ﻣَﻘَﺎﻡِ
ﺇِﺑْﺮَﺍﻫِﻴﻢَ ﻣُﺼَﻠًّﻰ).
Aayadda Xijaabkana waxaan idhi: rasuul allaw way fiicnaan lahayd inaad
haweenkaaga amarto xijaabka cid waliba afkay la geleysaaye kadibna sida uu
filayay Cumar ma soo dagin aayad faraysa xijaabka taas ayaana ku khasabtay
inuu qaado tallaabo lagu tilmaami karo anshax xumo isaga oo bilaabay inuu
dabagalo xaasaska Maxamed marka ay habeenkii u baxaan xaajo gudashada oo ka
daba tuuro hadalo aanan qurux badnayn sida “Safiyaay waan kuu jeednaa” Safiya
waa mid kamida xaasaska Maxamed ee Cumar kaadida ku dhajiyay bannaankana uga
dhaartay, tallaabadani waxay Maxamed ku kalliftay inuu dhagaysto talada Cumar
oo faro dumarkiisa xirashada xijaabka sidaasna waxa ku soo dagay aayadaha
xijaabka.
Ta saddexaadna waxay ahayd markii haweenkii Maxamed qabay ka shireen nabiga
hinaase ama masayr dartii, kolkaas oo Cumar ku yidhi waxaa laga yaaba markuu
idin furo in Ilaahay siiyo kuwa idinka khayr badan, isla markiiba Ilaahay
ereyadii Cumar waxa uu saaray laxan iyo muusik waxana Maxamed ku luqeeyey
aayaddan ( ﻋَﺴَﻰ ﺭَﺑُّﻪُ ﺇِﻥْ ﻃَﻠَّﻘَﻜُﻦَّ ﺃَﻥْ ﻳُﺒَﺪِّﻟَﻪُ ﺃَﺯْﻭَﺍﺟًﺎ ﺧَﻴْﺮًﺍ
ﻣِﻨْﻜُﻦَّ‏).

Goobaha kale ee Cumar ra’yigiisa waxyigu u hogaansamay waxa kamida mamnuucidda
iyo xaaraantimaynta khamriga oo markii Cumar soo jeediyay arrintan Maxamed
mamnuucay cabitaanka khamriga xilliyada salaadda balse Cumar waxa uu ku
adkaystay in gebi ahaanba khamriga la mamnuuco oo ma cajabin aayadda hore ee
mamnuucidda waqti gaara ku xaddidaysa sidaa darteed ayay ugu danbeyn soo
degeen aayadaha faraya in khamriga cabitaankiisa laga fogaado.

Markii uu dhintay Cabdullaahi Saluul oo ahaa madaxa munaafiqiinta waxa uu
damcay Maxamed inuu ku tukado maydkiisa balse arrintaas waxa ka biyo diiday
Cumar oo ku taliyay inuusan ku tukan inkasta oo uuna Maxamed dhagaysan
hadalkan kuna tukaday sida axaadiista qaarkood tilmaameen waxa soo dagtay
aayad lagu canaananayo Maxamed (Ha ku tukan waligaa qof kamida
-munaafiqiinta- oo dhintay, qabrigiisana ha istaagin – ولا تصل على أحد منهم
مات أبدا ولا تقم على قبره).

Maxamed laftiisa waxaa laga weriyey inuu yidhi haddii aan aniga la isoo dirin
cumar baa la soo diri lahaa, hadduuse jiri lahaa nebi iga danbeeyana Cumar buu
ahaan lahaa ( ﻟﻮ ﻟﻢ ﺃﺑﻌﺚ ﻓﻴﻜﻢ ﻟﺒﻌﺚ ﻓﻴﻜﻢ ﻋﻤﺮ، ﻭﻟﻮ ﻛﺎﻥ ﺑﻌﺪﻱ ﻧﺒﻲ ﻳُﻨﺘﻈﺮ ﻟﻜﺎﻥ ﻋﻤر)

Xadiiskii Ibnu Cumar waxa ku jirtey inuu yidhi: wax kasta oo dhaca dadkuna
isla lafa guraan Cumarna uu aragtidiisa dhiibto, Quraanku wuxuu u soo degi
jirey sida Cumar yidhi.
ﺣﺪﻳﺚ ﺑﻦ ﻋﻤﺮ ” : ﺃﻧﻪ ﻗﺎﻝ ﻣﺎ ﻧﺰﻝ ﺑﺎﻟﻨﺎﺱ ﺃﻣﺮ ﻗﻂ، ﻓﻘﺎﻟﻮﺍ ﻓﻴﻪ، ﻭﻗﺎﻝ ﻓﻴﻪ ﻋﻤﺮ ؛ ﺇﻻ
ﻧﺰﻝ ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ ﻓﻴﻪ ﻋﻠﻰ ﻧﺤﻮ ﻣﺎ ﻗﺎﻝ ﻋﻤﺮ)

Cumar fargalintiisa waxyigu kuma ekayn oo kaliya xilligii Maxamed noolaa ee
quraanku soo dagayay balse markii uu dhintay ee uu isagu hoggaanka khilaafada
islaamka la wareegay waxa uu mamnuucay arrimo bannaanaa waqtigii Maxamed oo
aynu ka xusi karno guurka Mutcada iyo xajka nooca loo yaqaan tamatuca, sidoo
kale aayadaha quraanka qaar kamida ayuu joojiyay shaqadooda sida Aayadda 38aad
ee Maa’ida oo faraysa in tuugga iyo tuugadda gacanta la jaro balse Cumar
xukunka aayaddaas ma dhaqan gelin waqtigiisii xilli ay tuugadu badatay.

Sida ka muuqata tusaalayaashan kooban ee muujinaya saamaynta uu ku lahaa Cumar
waxyiga iyo sharciyada Islaamka waxa inoo caddaanaysa in quraanku u afduubnaa
Cumar oo rabitaankiisa ayna cidina is hor-taagi karin, go’aankiisa adag ee aan
ka noqoshada lahaynina marar badan ku khasbi jiray Maxamed iyo Ilaahiisaba
inay u tanaasulaan rabitaanka Cumar.

Waxaa is waydiin mudan Ilaahay ma u baahan yahay la taliye? Hadii Ilaahu qaato
talada Cumar siduu yidhina waxyiga usoo dago maxay tahay baahida loo qabo
Ilaaha iyo waxyigiisaba sidoo kale saw khalad maaha in lagu dooddo quraanku
inuu yahay hadalka Ilaaha oo barax la’? Ilaaha sida la sheegay ma jirto cid
talada la wadaagta (لا شريك له ), inuu qof la dhaco taladiisa oo ku raaco
waxay muujinaysaa ogaal yaridiisa taas oo aan kamid ahayn sifooyinkan
ilaahani ku tilmaaman yahay.

Cumar ma ahayn ninka kaliya ee saamaynta ku lahaa Islaamka horseedayna
diimaynta arrimo la qurux badnaa balse waxa jiray rag badan oo doorar kala
duwan ka ciyaaray qaabaynta dhigaallada Islaamka ee maanta ina horyaalla.
Arrimahanina waxa ay daboolka ka qaadayaan xaqiiqada Islaamka iyo Quraanka oo
lagu hafro ilaah ay sheegeen inuu samada fadhiyo.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...