Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Ma nooc kamida khamriga oo xalaala ayaa jira?

W/Q: Khaalid Xasan
Diimaha 1
6.7k
·

8/11/2018

Ma nooc kamida khamriga oo xalaala ayaa jira?

KH amrigu waa shay xaaraan ah oo ay diinta islaamku reebtay sida ku xusan
Quraanka hase yeeshe qaar baa jira xalaal ah oo nebigu cabbey intuu noolaa
xattaa markii la reebay cabitaankiisa kadib. Nebigu wuxuu cabbi jirey nooca
af-carbeedka loo yaqaan (نبيذ) oo aan u malaynayo af-ingiriisiga maanta inuu
noqonayo (Wine) , waxaase su’aal ah Wine -ku ma khamri baa mise maaha?

ﻗﺎﻝ ﻓﻲ ﻟﺴﺎﻥ ﺍﻟﻌﺮﺏ : ﻭﺍﻟﻨﺒﻴﺬ ﺍﻟﻄﺮﺡ ﻭﻫﻮ ﻣﺎ ﻟﻢ ﻳﺴﻜﺮ ﺣﻼﻝ، ﻓﺈﺫﺍ ﺃﺳﻜﺮ ﺣﺮﻡ، ﻭﻗﺪ ﺗﻜﺮﺭ
ﻓﻲ ﺍﻟﺤﺪﻳﺚ ﺫﻛﺮ ﺍﻟﻨﺒﻴﺬ ﻭﻫﻮ ﻣﺎ ﻳُﻌﻤﻞ ﻣﻦ ﺍﻷﺷﺮﺑﺔ ﻣﻦ ﺍﻟﺘﻤﺮ ﻭﺍﻟﺰﺑﻴﺐ ﻭﺍﻟﻌﺴﻞ ﻭﺍﻟﺤﻨﻄﺔ
ﻭﺍﻟﺸﻌﻴﺮ ﻭﻏﻴﺮ ﺫﻟﻚ . ﻳﻘﺎﻝ : ﻧﺒﺬﺕ ﺍﻟﺘﻤﺮ ﻭﺍﻟﻌﻨﺐ ﺇﺫﺍ ﺗﺮﻛﺖ ﻋﻠﻴﻪ ﺍﻟﻤﺎﺀ ﻟﻴﺼﻴﺮ ﻧﺒﻴﺬﺍ،
ﻓﺼﺮﻑ ﻣﻦ ﻣﻔﻌﻮﻝ ﺇﻟﻰ ﻓﻌﻴﻞ، ﻭﺍﻧﺘﺒﺬﺗﻪ ﺍﺗﺨﺬﺗﻪ ﻧﺒﻴﺬﺍ، ﻭﺳﻮﺍﺀ ﻛﺎﻥ ﻣﺴﻜﺮﺍ ﺃﻭ ﻏﻴﺮ ﻣﺴﻜﺮ
ﻓﺈﻧﻪ ﻳﻘﺎﻝ ﻟﻪ ﻧﺒﻴﺬ.

Qaamuuska la yidhaadho Lisaanul-Carab ee uu qoray Ibnu- Mandhuur Al- ansaari
wuxuu ereyga Khamrigu ama (النبيد) ku qeexay wixii cabitaan ah ee laga
sameeyo Malabka, Timirta, Galleyda iyo Sabiibt oo ah Cinabka la qallajiyey.
Khamri wuxuu noqonayaa marka biyaha lagaga dhex tago timir iyo cinab muddo si
ay u khamiiraan, cabitaankaasi maandooriye ha noqdo ama yaanu noqone waxaa la
yidhaahda khamri ama (نبيد).

Af-Cdarabiga kelmadda (نبيد) waxay noqonaysa, wixii maanka bedela ee laga
sameeyo cinabka ama timirta kaasoo muddo la daayo si uu u khamiiro sida uu ku
qeexayo qaamuuska (المعجم الوسيط).
ﺍﻟﻨَّﺒِﻴﺬُ: ﺷُﺮﺍﺏٌ ﻣُﺴﻜﺮ ﻳُﺘَّﺨَﺬُ ﻣﻦ ﻋﺼﻴﺮ ﺍﻟﻌﻨﺐ ﺃَﻭ ﺍﻟﺘﻤﺮ ﺃَﻭ ﻏﻴﺮﻫﻤﺎ ،
ﻭﻳُﺘﺮَﻙُ ﺣﺘﻰ ﻳﺨﺘﻤﺮ

Ma waxaa jira wax ay ku kala duwan yihiin labada eray ee kala ah (الخمر) iyo
(النبيذ)? sida ku cad kutubta luqadda waxba kuma kala duwana labada erey waana
isku mid.

النبيذ: هو مشروب يتم انتاجه بواسطة تخمير العنب او التمر ويعبتر احد اقدم
انواع الخمور
ﺍﻟﺨﻤﺮ: ﻫﻮ ﺍﻻﺳﻢ ﺍﻟﺠﺎﻣﻊ ﻟﻜﻞ ﻣﺎ ﺃﺩﻯ ﺇﻟﻰ ﺍﻟﺴﻜﺮ ﺑﻤﺨﺘﻠﻒ ﺍﻟﻤﻮﺍﺩ ﺍﻟﺘﻲ ﻳﺼﻨﻊ ﻣﻨﻬﺎ
ﺳﻮﺍﺀ ﻛﺎﻧﺖ ﻣﻦ ﺍﻟﻔﻮﺍﻛﻪ ﻛﺎﻟﻌﻨﺐ ﺃﻭ التمر

Axaadith badan oo saxeex ah ayaa sheegeysa oo tilmaamaysa in nebigu cabbi
jirey khamriga laakin culimada islaamku kama hadlaan oo way qariyaan waxayna
dadka u sheegaan in nooc kasta oo khamri ahi xaaraan yahay.

ﻋﻦ ﺛﻤﺎﻣﺔ – ﺍﺑﻦ ﺣﺰﻡ ﺍﻟﻘﺸﻴﺮﻱ – ﻗﺎﻝ : ‏« ﻟﻘﻴﺖ ﻋﺎﺋﺸﺔ، ﻓﺴﺄﻟﺘﻬﺎ ﻋﻦ ﺍﻟﻨﺒﻴﺬ، ﻓﺪﻋﺖ
ﺟﺎﺭﻳﺔ ﺣﺒﺸﻴﺔ، ﻓﻘﺎﻟﺖ : ﺳﻞ ﻫﺬﻩ؛ ﻓﺈﻧﻬﺎ ﻛﺎﻧﺖ ﺗﻨﺒﺬ ﻟﺮﺳﻮﻝ ﺍﻟﻠﻪ ﺻﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺳﻠﻢ،
ﻓﻘﺎﻟﺖ
ﺍﻟﺤﺒﺸﻴﺔ : ﻛﻨﺖ ﺃﻧﺒﺬ ﻟﻪ ﻓﻲ ﺳﻘﺎﺀ ﻣﻦ ﺍﻟﻠﻴﻞ، ﻭﺃﻭﻛﻴﻪ ﻭﺃﻋﻠﻘﻪ، ﻓﺈﺫﺍ ﺃﺻﺒﺢ ﺷﺮﺏ
ﻣﻨﻪ ‏
» (Saxiix Muslim).
Xadiithkan waxaa laga weriyey ninka la yidhaadho Thumamah Ibnu Hazm El-
Qashiiri inuu yidhi: waxaan la kulmay Caasha waxaanan wax ka waydiiyey
Khamriga, iyana waxay u yeedhay addoon xabashiyad ah waxayna tidhi; tan waydii
iyadaa nebiga Khamriga u samayn jirteye. Xabashiyaddii waxay tidhi: waxaan u
samayn jirey nebiga khamriga intaan qaso ama walaaqo ayaan meel u sudhi jirey,
nebiguna subaxii ayuu cabbi jirey.

Sida ka muuqata xadiiskan sare ku xusan ee ku jira kitaabka Saxiixul Muslimka
nebigu wuxuu lahaa addoon xabashiyad ah oo shaqadeeduba tahay inay nebiga
khamriga u samayso oo keliya, waxaa kaloo ku cad in marka alaabta khamriga
laga sameynayo la isku daro meel la dhigi jirey si berri loo cabbo, waxaa loo
dhigi jirey in la khamiiriyo, haddii aan ujeedku ahayn in ay noqoto khamri
maxaa loo dhigaya ama loo kaydinayaa si maalin ama maalmo kadib loo cabbo?

**ﻋﻦ ﺍﺑﻦ ﻋﺒﺎﺱ – ﺭﺿﻲ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻨﻬﻤﺎ – ﻗﺎﻝ : ‏« ﻛﺎﻥ ﺭﺳﻮﻝ ﺍﻟﻠﻪ – ﺻﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺳﻠﻢ –
ﻳﻨﻘﻊ ﻟﻪ ﺍﻟﺰﺑﻴﺐ، ﻓﻴﺸﺮﺑﻪ ﺍﻟﻴﻮﻡ، ﻭﺍﻟﻐﺪ، ﻭﺑﻌﺪ ﺍﻟﻐﺪ ﺇﻟﻰ ﻣﺴﺎﺀ ﺍﻟﺜﺎﻟﺜﺔ، ﺛﻢ ﻳﺄﻣﺮ ﺑﻪ
ﻓﻴﺴﻘﻰ ** (صحيح مسلم ج 3 ص 1589) ﺃﻭ ﻳﻬﺮﺍﻕ ‏
Waxaa laga weriyey Ibnu Cabbaas inuu yidhi: nebiga waxaa loo samayn jirey ama
loo walaaqi jirey sabiib wuxuuna cabbi jirey affarta maalmood ee soo socda
kadibna wuxuu odhan jirey ii keena haddii wax ka hadheen, kolka loo keenana
waa cabbi jirey ama waa daadin jirey.

Waxyaabaha ugu wanaagsan ee Khamri laga sameeyo waxaa ka mid ah canabka gaar
ahaan marka la qallajiyo ee uu sabiib noqdo weliba dhowr maalmood la daayo si
uu u khamiiro, Sabiib la khamiiriyey affar cisho oo dhan kadibna la cabbey
miyaanay khamri ahayn? Khamrigana miyaana Cinabka laga samayn?

ﻋﻦ ﺳﻌﻴﺪ ﺑﻦ ﻣﺴﻌﻮﺩ ﺍﻷﻧﺼﺎﺭﻱ : ﺃﻥ ﺍﻟﻨﺒﻲ ﺻﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺳﻠﻢ ﻋﻄﺶ ﻭﻫﻮ ﻳﻄﻮﻑ ﺑﺎﻟﺒﻴﺖ ،
ﻓﺄﺗﻲ ﺑﻨﺒﻴﺬٍ ﻣﻦ ﺍﻟﺴﻘﺎﻳﺔ ﻓﺸﻤﻪ ﻓﻘﻄﺐ ، ﺛﻢ ﺩﻋﺎ ﺑﺬﻧﻮﺏ ﻣﻦ ﻣﺎﺀ ﺯﻣﺰﻡ ﻓﺼﺐ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺷﺮﺏ ،
ﻓﻘﺎﻝ ﻟﻪ ﺭﺟﻞ : ﺃﺣﺮﺍﻡ ﻫﻮ ﻳﺎ ﺭﺳﻮﻝ ﺍﻟﻠﻪ؟ ﻓﻘﺎﻝ : ” ﻻ “.
(سنن الدارقطني)
Waxa laga weriyey Saciid Bin Mascuud Al- ansaari inuu yidhi: Nebiga ayaa
harraaday isagoo Kabcada ku wareegeya, kadibna waxaa loo keenay khamri markuu
ursaday wuu dhibsaday wejiga ayaana uruuray ama waa xanaaqay, kadibna wuxuu
dalbaday in loo keeno biyo Zamzam ah wuuna ku badhxay ama ku daray biyihii
kadibna waa cabbey. Ninkii ayaa nebiga waydiiyey oo yidhi nebi allow ma
xaaraan baa? Nebigu wuxuu ugu jawaabey; Maya.

Sida ku cad xadiiskan kor ku xusan khamrigu waa xalaal haddii uu cuslaado ama
aad u khamiiro balse waxaa wanaagsan in biyo la iskaga daro. Maanta khamriga
marka la cabbeyo waxaa lagu daraa biyo ama beref, tolow kaas culays dartii
biyo lagu daray miyaanu khamri ahayn?

In nebigu cabbi jirey khamri maaha wax muran ku jira ama cidi diidi karto mana
aha wax mujaamalo u baahan iyo in la qariyo. Waxaasoo dhan waxaan kala soo
baxaynaa in khamrigaasi xalaal yahay balse la diideyo in lagu sakhraamo.

Xoogaa ka cas ee (red wine) haddaad cabto oo aanad ku sakhraamin waa xalaal
dhibna ma leh. Waxa xarrimaya cabidda maaha ee waa sakhrada keenaysa wareerka
maskaxda, hadalkan nuxurkiisu wuxuu noqonaya khamri waad cabbi kartaa haddii
aanu doorinayn maankaaga, sidoo kale wax kasta oo lagu sakhraamo waa xaaran
(ﻛﻞ ﻣﺴﻜﺮ ﺣﺮﺍﻡ) wax kasta oo aan lagu sakhraaminina wuxuu noqonaya xalaal.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...