Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Ma magac diimeedbaa jira?

W/Q: Khaalid Xasan
Diimaha 1
10.8k
ยท

8/28/2019

Ma magac diimeedbaa jira?

I n badan baad maqlaysaa dadkeena Soomaaliyeed oo leh hebel magaciisu
maaha magac Islaam. Ma is waydiisey inay jiraan magacyo diimeed oo samada laga
soo dhiibey? Diintaada ama dhaqankaaga iyo magacaagu ma yihiin wax isku
xidhan. Sida runtu tahay diimuhu waa dad samee dadka ayaana asal ah. Mana
jiraan magacyo diimeed oo liiskooda samada lagasoo dhiibey. Sidoo kale ma
jirto diin la timi qorshe caynkaas ah balse waa duullaan lagu tirtirayo
ummadaha laga awood roonaado.

Haddii aad muslin tahay magacaaguna yahay Samatar kamaad bixin diintaadii,
magacaaguna wax xidhiidh ah lama laha diinta aad haysato. Maxamed ka hor
intaanu sheegan inuu yahay nebi uu soo diray Ilaah aan jiritaankiisa la hubin
waxaa la odhan jirey Maxamed, Markuu nebinimada sheegtayna Maxamed uun buu
ahaa. Cumar Binu Khaddab isna waxaa islamnimada ka hor la odhan jirey Cumar
markuu islaamnimada qaatayna magaciisi waxba iskama bedelin.

Duullaanka diimaysan ee Carabtu ku qaaday bulshooyin badan oo ay Soomaalidu ka
mid tahay waxay diimeeyeen mudnaanta kowaadna siiyeen siday afkooda,
dhaqankooda, lebiskooda iyo wax walba oo ay gaar u lahaayeen. Carabtu waxay
uga dan lahayd inay tirtirto jiritaanka bulshooyinkaas ay guumaysatey waxayna
uga dhigeen dadkaa ay dullaysteen in afka Carabtu yahay afkii Ilaahay, in
Carabi tahay dad ka sarreeya dadyowga kale, in magacyadoodu yihiin kuwo
wanaagsan oo barkaysan mudnaan gaar ahna leh. Taas waxay Carabi u martay in ay
dadkaas uga dhigaan In wixii iyaga u gaarka ahaa waa kuwa la dullaystee uu
yahay wax liita oo fool xun lagana ilbaxay, waxayna ugu magacaabeen Jaahiliya.
Taas waxaa ka dhashay in hal mar bulshooyinkaasi iska tuuraan wixii iyaga u
gaarka ahaa wixi Carabta soo duusheyna way qaateen.

Soomaalidu dhaqan umay lahayn inay la baxdo magacyo shisheeye balse
duullaankaas diimaysan ayaa aafeeyey. Wixii ay gaarka u lahaayeen way tuureen
taariikhdoodi iyo dhaqankoodi waa dafireen, mid been ahna waa samaysteen
iyagoo uga dan leh inay ka barakaystaan wixii Carab u gaarka ahaa. Taasi waxay
dhacday kadib markuu hirgalay duullaankii quudhsiga ku dhisnaa ee Carabtu
inagu soo qaadday.

Soomaalidu waxay bilawday inay u kala tartanto tirtirka jiritankooda. Waxaa
bilawday diimaynta dhaqan Soomaaliga. Waxaa la wada sheegtay in lagasoo jeedo
Carab. Magacyo Carbeed ayaa lala wada baxay. Ridwaan, Xamdaan, Maxamed, Ayman
ayaa magacyo inoo noqday. Samatar, Colaad, Waaberi, Guuleed iyo Guhaad waxay
noqdeen magacyo xun-xun gaaladu la baxdo oo aan wanaagsanayn ama magacyadii
Jaahiliyada. Magacyo addoonimo muujinaya ayay la bexeen Cabdi Raxmaan, Cabdi
Khaalaq iyo kuwo kaloo kasii xun.

Saw ma wanaagsana in wexeenu ka mudnaadaan waxa shisheeyaha. Haddii aanu jirin
magacyo uu soo dhiibey Ilaaha aynaan hubin jiritaankiisa saw ma habboona
kuweennii aan dayacnay inaan dib ugu noqonno. U hiili dhaqankaaga, dadkaaga,
dalkaaga iyo taariikhdaada. Ogow Carabi kaama mudna kaama sarreyso garna maaha
inaad iyaga wax walba u daba fariisato. Hankaagu ha gaadho inaad adigu nebi
sheegato dadkaagana aad ka xoreyso kuwa kula midka ah ee dullaystey. Afkeenna
iyo dhaqankeenna Soomaaliyeed ha ahaadaan kuwa mudnaanta kowaad leh. Haddii
aanad sidaa yeelin waxaa xaqiiqo ah inaad qayb ka tahay raallina ka tahay
dabar goynta dhaqanka dadkaaga lagu hayo. Ilaahay hadduu Ilaah inoo wada yahay
kuma hadleen af gaar ah oo ay leeyihiin dad gaar ahi. Inuu dhex inoo noqdo
xilliyada qaarna afkeena ku hadlo, nebiyo Soomaliyeedna uu soo diro iyo inaan
xiriirka gebi ahaanba u jarno waxba kama dhexeeyan.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...