Ma jirto xadaarad Islaami ah

Dadka haysta diinta islaamka waxay niyadda ku dhistaan waxyaabo badan oo ay ka
mid tahay jiritaanka waxay ugu yeedhaan ilbaxnimadii islaamka (الحضارة
الاسلامية). Marka la rabo in la qeexo ereyga ilbaxnimo wuxuu noqonaya
abuuritaanka deegaan joogta ah oo liddi ku ah reer guuranimadi la daba socdey
baadka iyo biyaha (ﺍﻟﺘﻤﺪُّﻥ ، ﻋﻜﺲ ﺍﻟﺒﺪﺍﻭﺓ), deegaamaysigu wuxuu imanayaa marka
xal loo helo caqabadaha deegaan ka jirey.
Ilbaxnimo waxay kaloo ka dhalataa herdanka ama loollanka dhex mara dadka iyo
deegaanka, dadku wuxuu ilbaxnimo keeni karaa marka uu deegaanka ka adkaado,
caqabadaha dabiiciga ahna ka takhalluso degaankana u bedelo mid danihiisa ugu
adeega si sahlan.
Arnold J. Toynbee (1889-1975) wuxuu sheegay ilbaxnimo inay ka dhalan karto
oo keliya marka deegaanku dadka cariyo dadkuna diyaar u yihiin inay carinta ka
jawaabaan. Wuxuu tusaale u soo qaatay dhulka kulaylaha lama degaanka ahi kuma
wanaagsana beerashada dadkuse carintaas degaanku cariyey waxay kaga jawaabi
karaan maraky samaystaan ama curiyaan hab waraab wanaagsan si ay uga gudbaan
qallafsanaanta deegaanka.
Nabi Maxammed (571-632) markuu reer tolkii u yimi wax horumar ah uma keenin
aan ka ahayn inuu dagaal geliyey si ay adduunka u qabsadaan una soo
bililiqaystaan, si ay taa ugu dhiirradaan wuxuu u sharciyeey wax walba inay
xoog ku qaataan dad iyo aduunyaba, welibana wuxuu u raaciyey inay jirto meel
aakhiro la yidhaahdo oo wax waliba yaalliin. Afar iyo toban qarni kadib wax
iska bedeley lama degaankii uu Maxamed ka soo baxay ma jiro, wax kasta oo lagu
adeegsadana waxaa laga keena dhulka gaalada.
Waydiinta mudan in lays weydiiyo waxaa weeye ma jiraa xidhiidh ka dhexeeya
diinta iyo ilbaxnimada? Ma jiro xidhiidh toos ah oo ka dhexeeya diinta iyo
ilbaxnimada, Muslimiinta oo keliya ayaad ka maqlaysa ereyga ilbaxnimadii
islaamka, ma maqlaysid ilbaxnimadii Masiixiyiinta ama yuhuuda.
Caalamka waxaa soo maray ilbaxnimooyiin waaweyn sida tii faraacinta Masar ama
tii Maaya waxaa kaloo jirey ilbaxnimooyin ka jirey dhulka webiyada ku
hareeraysan. Carabta saxaaraha degani waxay ahayd dad hadafkooda koowaadi
yahay siday biyo iyo baad u heli lahaayeen, dagaalka dhaca iyo isbaaraduna
dhaqan bay u ahayd, dadkaasi waxay ahaayeen qabiillo ama bulshooyin dib u
socod ah.
Qarnigii toddobaad ayaa Maxammed wuxuu la yimi diin cusub oo aanay hore u
aqoon taaso midaysay dadkii qabaa’ilka ahaa kadibna duullaan ayay adduunka ku
kala bixiyeen, waxayna qabsadeen dhul aad u baaxad wayn. Dhulkaas ay qabsadeen
waxaa deganaa dad ilbax ah waxaana ka jirey ilbaxnimooyin.
Maxammed waxaa ugu waynaa ee uu la yimi wuxuu ahaa kitaab ay ku qoran yihiin
sheekooyin, sharciyo iyo ballan qaadyo, Kitaabkaas kuma qornayn wax keeni kara
ama bulshadaa saxaaraha ku dhibanayd u horseedi karayey ilbaxnimo iyo nolol
wanaagsan, wuxuu se ku dhiirri geliyey inay duulaan oo dal iyo dadba qabsasaan
xoogna ku qaataan.
Waxaa jirey bulshooyin ilbaxa oo qaatay diinti cusbayd ha lagu qasbo ama iyagu
ha ku qanceene, bulshooyinkaas ilbaxnimada iyo aqoontaba way lahaayeen
islaamka kahor ee ma ahayn wax ay kala soo dhex bexeen kitaabka Quraanka ah.
Islaamka ilbaxnimo ma keenin waxbana masoo kordhin balse waxa qaatay dad
ilbaxnimo leh, maanta oo la joogo qarnigii 21aad hadii Maraykanka ama reer
Yurub ay diinta islaamka qaataan saw qalad maaha in qarniyo kadib waxay
qabsadeen loo nisbeeyo diinta oo la yidhaahdo ilbaxnimadii islaamka.
Maxammed iyo ciidankiisii waxay qabsadeen dhul iyo dad ilbaxnimo taal iyagu
wax aan ahayn dhac, dil, kufsi iyo addoonsi masoo kordhin. Soomaalidu waxay
qaadatay islaamka isagoo aan lama degaanka carabta wada gaadhin ilaa maantana
ilbaxnimo iyo horumar kama jiro mana jirto Soomaalida cid kaga wanaagsan ku
dhaqanka diinta adduunkan aynu joogno maanta.
Inaad aaminto in Illaah keliyi jiro Maxamedna uu yahay rasuulkiisi kadibna aad
cibaadaysato micneheedu maaha inaad ilbax noqonayso oo aad nolosha horumar ka
gaadheyso.
Ibnu Khaldun (1332-1406) Wuxuu leeyahay Carabta iyo farsamo kala dheer,
wuxuuna ku sababaynayaa dhaqanka reer guuraanimada ee carabta iyo ka
fogaanshaha magaalooyinka, wuxuu kale oo sheegay inay farsamada ku wanaagsan
yihiin dadka aan carabta ahayn ee magaalooyinka degan kana fog reer-
guuraanimada.
Ibnu Khaldun wuxuu kaloo inoo sheegeya in dad islaamka ah ee aqoonta diiniga
iyo tan maadiga ahba ku xeel dheeri ay yihiin dad aan asalkoodu carab ahayn.
ﺃﻥ ﺣﻤﻠﺔ ﺍﻟﻌﻠﻢ ﻓﻲ ﺍﻟﻤﻠﺔ ﺍﻹﺳﻼﻣﻴﺔ ﺃﻛﺜﺮﻫﻢ ﺍﻟﻌﺠﻢ ﻻ ﻣﻦ ﺍﻟﻌﻠﻮم ﺎﻟﺸﺮﻋﻴﺔ ﻭﻻ ﻣﻦ ﺍﻟﻌﻠﻮﻡ
ﺍﻟﻌﻘﻠﻴﺔ ﺇﻻ ﻓﻲ ﺍﻟﻘﻠﻴﻞ ﺍﻟﻨﺎﺩﺭ ﻭﺍﻥ ﻛﺎﻥ ﻣﻨﻬﻢ ﺍﻟﻌﺮﺑﻲ ﻓﻲ نسبه ﻔﻬﻮ ﺃﻋﺠﻤﻲ ﻓﻲ ﻟﻐﺘﻪ
ﻭﻣﺮﺑﺎﻩ ﻭﻣﺸﻴﺨﺘﻪ ﻣﻊ ﺍﻟﻌﻠﻢ ﺃﻥ ﺍﻟﻤﻠﺔ ﻋﺮﺑﻴﺔ ﻭﺻﺎﺣﺐ ﺷﺮﻳﻌﺘﻬﺎ ﻋﺮبي ﻭﺍﻟﺴﺒﺐ ﻓﻲ ﺫﻟﻚ ﺃﻥ
ﺍﻟﻤﻠﺔ ﻓﻲ ﺃﻭﻟﻬﺎ ﻟﻢ ﻳﻜﻦ ﻓﻴﻬﺎ ﻋﻠﻢ ﻭﻻ ﺻﻨﺎﻋﺔ ﻟﻤﻘﺘﻀﻰ ﺃﺣﻮﺍﻝ ﺍﻟﺴﺬﺍﺟﺔﻭﺍﻟﺒﺪﺍﻭﺓ.
Carabtu waxay ahaayeen welina yihiin dad aan abuuri karin horumar iyo farsamo,
maaha dad u dhashay hal- abuurnimo wax kasta oo nolosha fududeeya waa ay soo
dejistaan, waxaa iyaduna khalad iyo jaahlnimo ah in talis siyaasadeed loogu
yeedho ilbaxnimo.
Ma jirto ilbaxnimo Islaami ahi waana been aan sal iyo raad toonna lahayn.
Diintu ilbaxnimo ma keento, diinta iyo ilbaxnimaduna malaha xidhiidh toos ah.
Ilbaxnimo waxa keena halgan lala galo deegaanka si looga maarmo ku
xidhnaanshaha dabeecadda loona dhiso nolol iyo sanco ka madax banaan.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida