Ma garanaysaa goortaad soo islaamtay?

M arka aad ka leexato jidka dadku kuu jeexeen inaad marto oo aad qaaddo
mid kuu gaar ah, weliba adigoon cidna jilayn ama ku dayanayn waydiimaha dadku
ku waydiiyaan wax badan ayaa kaaga soo baxaya oo aanad markii hore ogeyn.
Dadka aaminsan in diimaha lagu dhasho waxay ku odhanayaan waad ka baxday, aan
ka bexee ma garanaysaan goortaan soo galay? xaqiiqdu waxaa weeye iimaanka
qanjaha ku jooga iyo magacaagu waa isku mid waana isku qiime midna maad dooran
kumaad qancin waxbana lagaama waydiin waxbana ka garan maysid, danaysi, cabsi
iyo ku dayasho ayaad u haysata una aaminsantahay.
Qofka Soomaaliga ahi diinta, qabiilka, deegaanka iyo magaciisaba wuxuu ka
dhaxlaa waalidkii iyagaana u doora, isagu waxba ma kala dooran karayn xilliga
hawshani socotey, markuu garaadsadayna baadhitaan ma samayn.
waxaad garaadsatay adoo muslim ah, hebel lagu yidhaahdo, reer hebelna ku
abtirsada, tuula hebelna deggan. Muslimnimadaadu kuma iman qanaaco aad ku
qanacday markaad is barbardhig samaysay balse waa dhaxal waalid, Kumaad dhalan
iimaan balse Waa lagugu shubay.
Inaad fikirto adigu oo aad naftaada u doorto wixii aad dan u aragto wixii ka
dhasha waa lagugula xisaabtami karaa balse waxaad waalid ka dhaxashay waa
khalad in lagugu xisaabiyo, waxaase aan caqliga geleyn inaad ku dooddo wax
aanan dooran ha la igu xisaabiyo dadkana ha lagu xisaabiyo.
Ilmaha Hindiya ku dhashay ee lo’da caabuda ama kan Rooma ku dhashay ee
masiixiga ah iyo adiga mulimka ah ee Xamar ku dhashay dhammaantiin waxaad ka
siman tihiin inaad haysataan diimihii reer tolkiin ama deegaanka aad ku
dhalateen ka jirey.
Haddii ilmaha yar la bari lahaa dhammaan diimaha adduunka ka jira loona deyn
lahaa isagu inuu doorto diinta uu rabo waxbaa hagaagi lahaa oo qofku wuxuu
odhan lahaa anigu diimaha oo dhan baan bartay kadibna tan ayaa ila saxsanaatay
oo aan qaatay. Nasiib darro se doorasho ma jirto wixii waalidkaa la qummanaada
ama ay haystaan baad ku khasban tahay.
Dhaqanka kooxaysigu waa astaamaha noolaha oo dhan lagu yaqaano, dadkuna
noolahaas uun buu ka mid yahay. Waxaa dhici jirtey welina dhacda ciddii kooxda
ka baxda ama waddo kale qaada dhib bay mudan jirtey, diimuhuna kooxaysigaas
uun bay ka mid yihiin oo qofka kooxo diimeedka ka horyimaada dhib bay mutaan
inta badan, laakin waxaa nasiib xumo ah wax aanad dooran balse lagugu shubay
inaad dadka sanka ka geliso ama ku wax-yeellayso.
Weli ma is waydiisey in taadu qaldan tahay iyo in kale? Haddii aabahaa iyo
hooyadaa diin been ah ku bareen ka warran? Shalay ilme yar baad ahayd waxbana
maad dooran karayn balse maanta qof wax dooran kara ama baadhitaan samayn kara
ayaad tahay, wixii lagugu shubay uun ha ku hadaaqin waddo laguu jeexayna ha
marin, adigu waddo jeexo kuu gaara oo wax is waydii.
Diimuhu waa qabiilkoo kale oo caruurta waa lagu barbaariyaa ama lagu shubaa
intay dhallaanka yihiin, waana yar yihiin dadka diimaha iskaga gudba oo qaata
tii waalidkii mid aan ahayn ama ka dhex baxa gebi ahaanba. Qof waliba wuxuu
haystaa wixii degaankiisa ka jirey, markaa saw qalad noqon mayso inaad
dadyowga kale ku qasabto wixii degaankaaga ka jirey?
Weli ma is waydiisey maalinta aad muslimtay goortay ahayd? Taadu inay sax
tahay see ku garanaysaa haddii aanad wax baadhin? Iimaanka ama rumeynta dhabta
ahi waxay timaada shaki kadib, wax markaad ka shakido baadhitaan ayaad ku
samayn kadibna xaqiiqda ayaa kuu soo bixi.
Dadka maanta adduunka ku nool 99% iimaankooda diiniga ahi wuxuu ku dhisan
yahay taqliid ama ku dayasho, kumana dhisna xaqiiqo raadin iyo qanaaco shakhsi
ah. Ibnu Taymiyah wuxuu leeyahay ku dayashadu waa qaadashada hadalka caddayn
la’aan (التقليد قبول القول بغير دليل), wuxuuna leeyahay waa ansaxayaa
iimaankiisu.
Imaamu Nawaw laftiisu wuxuu leeyahay kii la yimaada shahaadataynka waa mu’min
kudayshoba ha ka ahaate (ﺍﻵﺗﻲ (ﺑﺎﻟﺸﻬﺎﺩﺗﻴﻦ ﻣﺆﻣﻦ ﺣﻘﺎ وان كان مقلدا, iska qaado
waad badbaadiye ku dayashoba ha kaa ahaate waa waxa halkaa ina dhigay.
Ma jiro qof muslim ahi balse waxaa jira dad haysta dhaqan ay ka dhaxleen
waalidkood maadama aanay wax kale arag ama aanay doonin oo baadhin, kay ka
dhaxleen waalidkood waxay aamineen inuu yahay ka keliya ee saxda ah. Hadaad
islaamka ama diintaada jeceshahay baro oo ku qanac kadibna aamin adigoo aan
qasbanayn dhaxlna aan u helin, iimaanku daar ama hanti lakala dhaxlo maaha.
Inaad aaminto wax aanad hubin aqoon garanayn oo aanad arag waa dhib waxaase
kasii xun garasho la’aanta in aanad diyaar u ahayn inaad barato oo baadho si
aad runta uga gun gaadho.
Iimaanka waa tuhun, sababo badan dartood waxaad tuhunsantahay in arrinkaasi
sidaa yahay, tuhunkaasi wuxuu noqon karaa mid aad ku saxnaato oo wixii sidii
aad ku tuhmeysey ayuu noqday ama wuxuu noqday been oo waad ku hungowdey.
Iska qaadashadu waxay dishaa caqliga waxba ha iska qaadan wax walba baadhitaan
ku samee kadibna wixii baadhitaankaa kasoo baxa go’aan ka qaado.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida