Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Luqadda nolosha (DNA) iyo hab-qoraalka hidde sidayaasha (Genes)

W/Q: Aadan Cali
Saynis 2
6.9k
·

8/9/2018

Luqadda nolosha (DNA) iyo hab-qoraalka hidde sidayaasha (Genes)

TAXANAHA: Ibo Furka iyo Fahanka guud ee Aragtida Horumarka Noolayaasha
(Evolution)

Ibo Furka iyo Fahanka guud ee Aragtida Horumarka Noolayaasha (Evolution) waa
silisilad qormooyin taxane ah oo Aadan Cali kaga jawaabayo waydiimo la
xiriira aragti cilmiyeedka Horumarka Noolayaasha (Evolution).

Eeg Qormooyinka Taxanahan

[1. Taariikh kooban](https://kaashomaanka.com/asalka-aragtida-horumarka-
noolayaasha-evolution/)
2. [Waa kuma Daarwiin](https://kaashomaanka.com/ibo-furka-iyo-fahanka-guud-
ee-aragtida-horumarka-noolayaasha-evolution/)
3. Luqadda Nolosha (DNA) iyo Habqoraalka Hidde Sidayaasha (Genes)

LUQADDA NOLOSHA (DNA) IYO HAB-QORAALKA HIDDE SIDAYAASHA (GENES)

D abaqyada DNA-ga ee ilaa hadda la diiwaan geliyay waxay kor u dhaafayaan
40 kun oo buug dhame (Volume), buugtaas midkiibba waxuu ka kooban yahay wax ku
dhow hal malyan oo xaraf. Diiwaangelinta xarfaha DNA-ga noolaha qaar sida
Aadanaha waxaa loo baahan yahay wax ka badan 3 kun oo buug midkiibana hal
Milyan oo xaraf ka kooban yahay. Halka diiwangelinta DNA ga bakteeriyada aad
uga baahan doonto Saddex ilaa afar buug, Midkasta ood furto oo Diiwaanadaas ka
mida waxaad ugu tegi doontaa Xarafahan (ACGGGTATGGGCTACCAAGGGCTACCA).
oo isdaba yaal boqolaal bog.
Sidoo kale haddaad awoodi lahayd inaad furto unug kamida unugyada noole kaste
waxaad ku arki lahayd wax u qaab eeg qoraalkan sare.

Su’aasha is waydiinta mudani kolkaa waxay tahay sidee Qoraalladan aan quruxda
badnayni u qaabayn karaan qaab dhismeedka noole dhamaystiran?!
Sidee baynu se u akhriyi karnaa luqadda nolosha ama DNA-ga.
Si aan u fahanno luqadda nolosha waa inaan akhrinnaa qaab qoraalka DNA-ga ,
kolkaas baynuna samayn karnaa is bar-bardhigga noolayaasha ogaanna karnaa sida
ay isu kala abnaq xigaan. Luqaddani maaha mid kakan xarfaheedu way kooban
yihiin, naxweheeduna ma adka, faa’iidada barashada luqaddanina waa inaad awood
u yeelan doonto inaad aragto si fududna u fahanto Aragtida Horumarka
Noolayaasha.
Aan Bilawnee bal ka bogo,*

(Proteins) ama Booratiinadu waa (Molecules) ama shayga qabta shaqada ugu badan
ee noole kasta, kasoo billaw inuu Oxygen-ta qaado ilaa inuu sameeyo unugyada
cusub ee jidhka (unug kasta oo jidhkaaga ka mida sida unugyada lafaha,
murqaha,carjawda, jidhka iyo weliba Timaha iyo Cidiyuhu wuxuu ka samaysan
yahiin Booratiin),
Sidaa darteed (DNA)’ga noole walbaa waxuu sidaa Awaamiir gooniya ama (Codes)
samayn doona Booratinada noolahaas ka dhigi doona mid kuwa kale ka duwan.

DNA’gu waxuu ka samaysan yahay laba diillimood oo isku duuban, diillin waliba
waxay leedahay afar “gacmood” (bases) oo kala duwan, Gacmaha DNA’ga waxaa loo
soo qaataa afarta xaraf ee (A C G T), Labada diillimood ee DNA-ga waxaa isu
haya dabar kiimikeed aad u adag, (A)’du kol walba waxay ku lammaanataa (T) da,
(C)’duna waxay ku lammaanaataa (G) da. Xaqiiqada layaabka lihi waxay tahay in
dhammaan kala duwanaashaha noloshu kasoo jeedo kala bed-bedelka habdhaca
(Permutations)ka afartaa xaraf.

Haddaba sidee booratiinnada loo sameeyaa, sidee bay se ku gartaan
shaqaddooda?!
Booratiinnada laftoodu waxay ka samaysan yihiin (Amino acids), Amino acid
kastaa waxuu ka koobanyahay isku darka sadex xaraf sida (ACT ama GAA) oo
kamida diillinta DNA’ga, astaamaha kiimikeed ama falgal ee (Amino acid) kaasi
kolka loo habeeyo habka silsilida ku dhowaad 400 oo Amino acid, waxay
go’aamiyaan shaqada Booratiinkaas.

GOBOL KASTA OO DNA-GA KAMID AH KAAS OO SAMEEYA BOORATIIN GAAR AH WAXAA

LOO YAQAAN GENE AMA HIDDE SIDE.

Xidhiidhka ka dhexeeya DNA-ga iyo Booratiinada waa la yaqaan, waayo saynis-
yahanadu waxay wax ka badan afartan sano kahor jabsheen (code) ka ama habdhaca
iyo qaab qoraalka Hidde sidayaasha. Akhrinta DNA-ga iyo qaabka ay Booratiinada
u samaysaan waa laba tallaabo, tallaabada hore halduub oo kamida labadda duub
ee DNA-ga waxa lagu dhejaa duubka loo yaqaan massenger RNA ama (mRNA) ,
duubkan shaqadiisu waxay tahay koobiyaynta iyo kala furidda labada duub ee
DNA’ga, kadibna duubkii RNA-ga ahaa waxaa loo turjumaa Amino acids, kuwaas oo
iyana ku samayn doona Booratiinka unugga gudahiisa. Haddaba Hab-qoraalka hidda
sidaha waxa laga soo akhriyaa mRNA’ da ka hor intaanay Amino acid u rogin,
kolkiibana waxa la akhriyaa sadex xaraf oo u dhigma hal Amino acid.

Waxa jira Lixdan iyo Afar (64) saddex dhac sida (ACT ama GGG) oo ay isu
raaci karaan xarfaha (ACGT) , laakiin waxuun bay samayn karaan 20 amino
acid
, saddex kamida saddex dhacyadaasi waxba ma sameeyaan waxaanay tusiyaan
uun bar-dhammaadka turjumaadda mRNA- da iyo samayska Booratiin gooni ah
(waana sida joogsiga hormo hadalkani ku dhamaado).

Qaab-qoraalkani marka laga reebo meelo yar yar waa mid ay ka simanyihiin
noolayaasha oo dhami, waana sababta bakteeriyada loogu isticmaali karo in laga
sameeyo qaar kamida Booratiinada dadka sida (Insulin) taas oo daawo ahaan ay
u qaataan dadka macaanka qaba, jidhkooduna aanu awoodin inuu sameeyo
Insulin. Sidaa darteed haddaan hayno isdaba-yaal kamida labda diillimood ee
DNA-ga waxaan garan karnaa Boortiinada ay samayn doonto.

Qaybo badan oo DNA-ga kamida waxba uma taagna waana (nonecoding) , Tanina
waxay ahayd caqabaddii ugu horraysay ee ay Saynis-yahannadu la kulmeen, waana
kala saaridda qaybaha xogta booratiin samaynta sida ee Diillinta DNA-ga iyo
qaybaha aan xogta sidin. Nasiib wanaag hadda shaqadaa waxa qabta Kambayuutaro
waaweyn kuwaas oo isticmaalaya (Algorithms) kala sooci kara qaybaha
Diillinta DNA-ga ka kooban ee xogta sida iyo qaybaha kale, waana ta inoo
sahashay inaan akhrino Hidda-sidayaasha nooleyaal badan.

Dhererka Hiddaha sidaha dhex-dhexaadka ahi waa 1200 oo beer. Noolayaasha
qaarkood gaar ahaan kuwa il-maqabatayga ah sida bakteeriyada Hidda
sidayaashoodu waa kuwo aad isugu dhow-dhow kumana badna (nonecoding DNA) ,
halka noolayaasha qaab dhismeed koodu kakan yahay sida Aaddanaha ay aadka ugu
badan yihiin gobolada DNA-ga aan waxba u taagnayn ama (nonecoding DNA) ,
Hidda sidayaashuna waa kuwo kooban oo badwayntaa ku filiqsan.

Qaybtan iyo Qaybta xigta oo ku saabsan (Mutations) ka waxay soo dhoweyn
doonaan fahanka qaar kamida tiirarka aragtida sida Evolutionka, Descent with
modification iyo Gradualism. Sidaad darteed baana usoo horumariyay.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...