Laba-wajiilanimo diimaysan

Q ofka muslimka ahi wuxuu arkaayaa qof reer galbeed ah oo leh waxaan
qaatay diinta islaamka isagoo ka daba cel-celnaaya wadaad muslim ah oo
wadamada galbeedka jooga shahaadateynka si culays ku dheehan yahay. Arrinkaa
wuxuu u arkaayaa guul islaamka u soo hoyatey, qofkaa soo islaamayna waxaa
loogu yeerayaa inuu yahay qof cilmi badan, qof xaq raadis ah, qof baaritaan
sameeyey, qof hufan, qof damiir leh, qof run-badan, daacad iyo danta islaamka
u soo islaamay, laakiin uma arko guul ay gaartey xadaaradda reer galbeedku
dhanka dhawrista qiyamka(Values) iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha ee kala duwan
sida xorriyada diinta, xorriyadda fikirka, xorriyadda aragtida, xorriyadda
hadalka, xorriyadda damiirka, dhawrista xaqa qofka iyo xorriyada rumeynta iyo
rumeyn la’aanta.
Islaamku wuxuu ku guul darraystay muslimiintuna ku fashilmeen hir-gelinta iyo
ku dhaqmidda hal kamid ah qodobada xuquuqda qofka iyo dhawrista xorriyadda.
ceebtaa iyo fadeexadda intaa le-eg ma arko qofka muslimka ahi ee meelahaa
buuqaya.
Haddii qof muslim ahaa uu qaato diin kale ama uu diin la’aanba door-bido ,
qofka muslimka ahi wuxuu u arkaayaa arrinkaa jabkii islaamka oo sood howaaday,
shirqool adag oo islaamka lala maagan yahay, dhabar jebin ay tahay in laga
hortago, iyo in caalamku ku heshiiyey in islaamka la cirib tiro dabar-
jarkiisana lagu hawlan yahay oo qaramada midoobey lacag ku bixyaan sidii
islaamka iyo muslimiinta loo jari lahaa, iyo in alle iyo rasuulkiisa dagaal
lagu hayo. Qofkaana waxaa loogu yeerayaa qof xun, qof khaa’in ah, qof jaahil
ah, qof xanuunsan, qof cadaw ah, qof diintiisi gatay, qof indho la’, qof bilaa
caqliya, qof xumaan u bareeray, qof aan waxba baarin, qof doqonnimo dilootey.
Bal u fiirso waa hal-qof oo diinta islaamka ka baxay waxa sidaa loo-fasiraaayo
ee sidaa foosha xun loogu-xadgudbaayo. Waxaana lala soo kala-baxaayaa buugaag
ay ku qorantahay in qofkaas xaalkiisu dil yahay, sida islaamka iyo
muslimiintuba sheegaan, waxaana sugaaya xadka riddada waxa loogu-yeero iyo
daadinta dhiiggiisa.
Dhibtana waxaa keenaaaya dhab ahaantii waa ineysan ka jirin caalamka islaamka
iyo goobaha ay muslimiintu ku badanyihiin ilaalinta xuquuqda qofka iyo tan
aadanaha ee aan hore u soo xusnay.
Diinta islaamku dib-u-eegis iyo dib u habayn iyo dib-u-shaandheyn ayey
aqoonyahanka ka sugeysaa, si-guud, si-gaar ahna kan muslimka ah. Si loo
waafajiyo caddaaladda , sinnaanta, xorriyadda, dhawrista xuquuqda aadanaha. Si
xal loogu helo xagjirnimada, argagixisada, nacaybka diimeed, falalka faquuqa
diimeysan, jarjaridda xubna aadanaha iyo falalka foosha xun ee diintu saldhiga
u tahay.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida