Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Laba Gelin

W/Q: Ibraahim Hawd
Sheeko Faneed 0
11.9k
·

8/3/2020

Laba Gelin

I laa saaka markii uu toosay dhiig baa afka uga dhadhamayey.
Markii hore wuxuu mooday in uu afka ka dhiigayo dhawr jeer ayuuna candhuuf
iska soo muudiyey oo eegay dhiigse kuma uu arag, haddana waxaad mooddaa in uu
xinjiro afka ku sito. Wuxuu ka fekeray goorta iyo waxa uu dareenkaasi ka soo
raacay, wuuse xasuusan kari waayey. Wuxuu isku dayey in uu is illawsiiyo
laakiin ma ahayn wax uu is illawsiin karo.

Markii waagu guduutay socodkii uu soo bilaabay ayuu weli ku jiraa isaga oo
beegsanaya tuulo u jirta gelinsocod dheer. Wuxuu ka soo jarmaaday cidla uu
xalay u hoyday halkaas oo uu kaga degay gaadhi magaalo ka soo qaaday. Qorraxda
oo la moodo intii shalay lagu ogaa in ay aad uga weyn tahay ayaa barta
wejigiisa ku beegan ka soo kudday. Cabbaar ka dibna wuu ku indhodaraandaray,
barqadiina dhidid badan ayey ka daadisay. Surwaal jiinis ah iyo shaadh madow
waxaa u wehelisa funaanad uu awel shaadhka ka dul gashanaa imikase madaxa ugu
duuban. Laba kabood oo uu qorijabka iyo qaniinyada halaqa kaga soo gaashaantay
ayuu illan yahay. Garabkana waxaa u sudhan shandad aan weynayn oo ay alaab
yari ugu jirto. Imika markii ay cadceeddu kululaatay shaadhkii badhannada wuu
u furay oo neecawdu waxay ku dhacaysaa garan cad.

Qalbigiisa farxad baa ka buuxda, iyo filasho wanaagsan. Xataa xalay markii uu
cidlada joogay wuu faraxsanaa. Degaanka u marayo daawashadiisa wuu ku
farxayaa. Aad buu ugu farxayaa. In kasta oo uu muddo afar sannadood ah ka
maqnaa geed geed ayuu u garanayaa. Waa dhulkiisii dhalasho iyo dhallaannimo.
Hilowga dalka kuu galaa kama yara ka dadka kuu gala. Jeex walba, ban walba,
taago walba, godan walba, geed iyo duddun walba oo ay indhihiisu arkaan haddii
ay qof yihiin laabta ayuu ku qaban lahaa oo dhabannada ka dhunkan lahaa.

Xilligu waa gu dambeed ay dhibicda roobku jeesatay, doogguse weli qof gaaban
wuu qarinayaa, dhirtuna caleen ayey la ciiraysaa. Xareeddii dhowaan
gelgelimaha jiiftay imika waxay ku dambaysaa balliyada. Duunyadu dabjoog iyo
duurjoogba waa ay hamuungoysay oo inta ay daaqayso waxaa ka badan inta ay
fadhido ama laacdamayso. Siddeed iyo labaatanka dayrood ee uu jiro inta badan
dhulka wuu ka maqnaa, laakiin waa dhulkiisii. Waxaa ka buuxda rayn rayn.

Sidaas oo uu u niyadsan yahay waxaa jira dareen dhiillo oo marmar soo
weeraraya. Waa walaalkii oo intii uu isagu maqnaa nin ay isku degmo yihiin
qudha ka jaray. Laba sano iyo dheeraad baa dhacdadaas laga joogaa, laakiin
dilku ma aha waxyaalaha sida fudud ku duugooba. Waxbarasho imika u soo
dhammaatay ayuu isagu markaa dalka Masar ugu maqnaa, markii uu dhagartaas
maqlayna aad buu uga xumaaday. In kasta oo mashaqada wadahadal lagu qaboojiyey
haddana wuu ka welwel qabaa nolosha walaalkii iyo ragga kale ee xigtada ah.
Wuuse og yahay ilaa haatan in la nabad qabo.

Maanta uma baahna in uu waxaas ka fekero waayo wuu faraxsan yahay. Waxaa ka
buuxa dareenno iyo fikrado kale. Wuxuu ku raaxaysanayaa dhulka iyo waxa dul
saaran ee uu daawashadooda indhaha iyo nafta ku quudinayo. Wuxuu ku
liibaanayaa udgoonka kala duwan ee ubaxyada, xabagaha iyo doogga ka soo baxaya
ee sankiisa ku soo ururaya dabadeed sambabbada u gudbaya haddana jidhka oo
dhan iyo nafta oo dhan ku faafaya. Codadka shimbiraha, cida iyo guuxa xoolaha,
foodhida cambuulaha ay dabayshu afuufayso, jiiqda laamaha isxoqaya, iyo
shalalaxda doogga iyo caleenta ay laydhu cayaarsiinayso ayaa kaga filan in uu
hoog walba oo dunida ka jira illaawo. Marba geed ayuu midho ka tiigsanayaa ama
nicmo kale ayuu ku foororsanayaa. Waa socdaal haddana waa tamashle. Dhulku waa
dhulkii. Laakiin dhiiggan baas ee afka ka dhadhamayaa waa maxay?!

Geed aad u weyn oo qararro ah ayuu hortiisa ka arkay kuna farxay. Waa geed
caan ah. Wuxuu dhinacyada u kala bixiyey laamo aad u laxaad weyn oo ay mid
waliba kelideed geed gooni ah noqon kari lahayd. Jirridda aadka u ballaadhani
dhexda ayey ka dalooshaa oo waxaa gala biyo badan oo muddo dheer roobka ka dib
laga cabbo lagana dhaansado. Jirridda dhirta ee dalooshanta biyaha galaa waa
moqor waxaana lagu soo nuugaa dhuun, laakiin run ahaantii kan moqor laguma
sheegi karo, waayo weynaan inta uu ka qabo waxaa la darsadaa weelkii la doono.
Biyahaas baaxaddooda darteed dadka qaar waxayba ku sheegaan biyo ay xididdadu
dhusunka ka soo qaadaan.

Geedku waa kii uu yaqaanney. Markii uu gaadhay si gacaltooyo leh ayuu u yara
dhirdhirbaaxay cabbaarna calaacalaha ku cadaadiyey oo daaddaawaday. Haddii uu
la hadlo malaha wuu afgaran lahaa. Biyihii ayuu gacmaha dardarsaday oo
dhiiggii afka uga dhadhamayey kaga luqluqday dabadeed cabbay. Waxay ahaayeen
biyo qabow oo nadiif ah oo jidhka iyo naftaba qaboojinaya. Laakiin isla markii
uu ka dhaqaaqay dhadhankii dhiigga ahaa afkiisa wuu ku soo noqday. Waar
haddaba balaayadani waa maxay?!

Wuxuu ku soo baxay adhi badan oo ay intiisa dheregta la jiiftaa ka badan tahay
inta daaqaysa. Wuxuu ka dhex eegay cid la joogta markii uu arki waayeyna iska
dhaafay. In yar ka dib waxaa ka soo hor baxay balli weyn oo buuxa. Balligu
wuxuu ku dhex yaal il bannaan oo doog qariyey dhirtuna ku yar tahay. Biyaha
balliga iyo doogga waxaa ku kala lingaxan diillin bacaad ah oo nadiif ah oo
diirran oo ay biyuhu ka durkeen. Halkaa wuxuu ku arkay dhar dumar oo yaal,
doogga ayuuna ku gabbaday oo eegmada ku daydayay bal cid meesha joogta. Markii
uu cid arki waayey sida askari dagaal ku jira ayuu suxullada iyo jilbaha ku
gurguurtay oo hore u durkay ilaa uu dharkii u jirsaday toban tallaabo oo
keliya. Geed carmo ah oo humbulan ayuu hoostiisa sida diinka isku xabaalay
labada indhoodna meel u bannaystay. Haa, gabadh dhallin yar ayaa biyaha ku
jirta. Iyada oo baraadla ayey si deggan oo raaxo leh marba dhan u
dabbaalanaysaa. Cabbaar ayuu halkii ka daawaday oo marka ay qaarka sare biyaha
kala baxdaba eegmada kula suuxay.

Gabar qubaysanaysa

Haddii uu u tago oo istuso wuu og yahay dareenka aan wanaagsanayn ee ka
dhalanaya. Waxay ku xukumaysaa in uu yahay nin aan anshax iyo dadnimo
suubbanyn oo goor ay dagan tahay ka danaystay. Isagana taasi waxay ka dhigi
lahayd bahal daciif ah. Maya, inantii iskama uu didin iskumana dirin. Ma qurux
taa ka sarraysa oo uu arki lahaa baa jirta? Hadhow waxa uu ka helaa waa
nasiibkii, imikase ma aha in uu iska didiyo iskuna diro. Run ahaantii waxii uu
dabeecadda degaanka ilaa saaka qurux ka soo daawanayey tan ayuu ku illaaway.
Ugu horrayn iyo ugu dambayn wuxuu si walba u daawaday laabteeda iyo labadeeda
naas ee ugub, iyo qoorteeda, iyo garbaheeda, iyo dhabarkeeda, iyo
dhabannadeeda, iyo timaheeda qoyan ee hoos ugu seexday. Labadiisa indhood
libiqsan maayaan jeer ay dabayshu xanuunjiso.

Wuxuu u tooghayaa oo heegan u yahay marka ay biyaha ka soo baxayso iyo
qaarkeeda hoose. Wuu hubaa in aanay jirin wax ka wanaagsan oo uu maanta arki
lahaa. Wuxuu bannaystay meel uu marka ay biyaha ka soo baxdo si buuxda
jidhkeeda uga wada arki karo. Sawirro aanay quruxdoodu xaddi lahayn oo
xubnaheeda hoose ku saabsan ayuu khayaaliga gashaday. Markii ay soo baxdayna
sawirradii oo dhami dhakhso ayey u masaxmeen waxaana beddelay kuwo dhab ah oo
ka sii qurux badan. Ma waxaa jira wax sidan u abuuran?! Ma qof bani aadam ah
baa sidaas u eg?! Wuxuu ku sigtay in uu ku boodo oo isku duubo oo ku ooyo.

Markii ay dharka gashatay inta uu indhaheeda iska eegay ayuu soo kacay isaga
oo iska dhigaya in uu imika yimid. Laakiin dhar xidhashadeeda iyo imaatinkiisu
sida ay isugu dhowaayeen darteed waa ay garatay waxa uu falay. Waa ay isu
xanaajisay, markii uu hadal u bilaabayna huruuf ayey ugu jawaabtey. Isaga oo
weli la hadlaya ayey ka dhaqaaqday oo dhankii adhiga aadday. In ay la sii
joogto ayuu ku dadaalay kana codsaday laakiin dheg uma ay jalaqsiin. Waa ay
xanaaqsanayd.

Markii ay ka tagtay wuu cidlooday wuuna hiloobay. Dabadeed balligii ayuu
isaguna kaga dabbaashay isla meeshii ay kaga dabbaalanaysey isaga oo maryahana
dhigtay isla meeshii ay dhigatay. Taas wuxuu ka helay liibaan weyn. Wuxuu
maleeyey iyaduna in ay sidiisii meel ka soo eegayso, dabadeed wuu qoslay dan
kalese kama gelin.

Wuxuu ka fekeray inantan iyo Hibaaq tooda qurux badan. Hibaaq waa gabadh uu
ilaa yaraantii jeclaa maantana guurkeeda u socdo. Waxaa isugu dambaysey afar
sannadood hortood, wuxuuse hubaa dunida dumarka jooga in ay ugu qurux badan
tahay. Mar kasta oo uu ka fekero, mar walbana wuu ka fekeraaye, quruxdeeda
wuxuu ku lammaansadaa dabeecaddeedii macaanayd ee debecsanayd iyo sidii
naxariista badnayd ee ay isaga ula dhaqmi jirtay.

Markii uu balligii ka baxay ee socodkii sii watay wuxuu wadajir uga fekerayey
gabadhii uu soo arkay iyo Hibaaqda uu ku socdo ee guursan doono. Isaga oo aan
ku talogelin ayuu cod dheer ku qaaday heestii ”Damaq jacayl”. Haddii la maqli
lahaa waxaa la moodi lahaa qof waalan.

aan damaq jacayl
dad israba warkood
kaa daaddejee
waxay ugu darrayd
markii aan dul imid
taan dunida rabay
iyadoo doog dhex jiiftoo
daawanaysa ubaxoo
sow raaxo damacdayoo
durba garayski furatayoo

sii daysay timihii…

Dhadhankii dhiigga ayuu mar kale dareemay aad buuna u necbaystay. Wuxuu ka
fekeray markii uu gabadha daawanayey dhiiggu in uu u dhadhamayey iyo in kale,
wuuse xasuusan waayey. Kollay ma uu dareensanayn. Cabbaar markii uu socday oo
ay qorraxdu duhur sheegatay wuxuu ku soo baxay saddex doob oo geeljire ah oo
geed hadhsanaya. Midkood ayaa bunduq safaysanaya, labada kalena jeegada ayey u
jiifaan. Waxay siiyeen gaawe caano geel ah oo qabow, waana ay haybsadeen,
isaguna wuu haybsaday.

Markii uu ka tegi lahaa waxay u sheegeen in uu la cuno cawl ay disheen
hilibkeeda oo u bislaanaya. Wuxuuse la yaabay iyagana weydiiyey hilibka ay ku
soorayaan meesha uu ku bislaanayo, waayo wax raq muujinaya agtooda kuma uu
arag. Laakiin markiiba labadii jeegada u jiifay ayaa kacay oo meel toban
tallaabo u jirta ciidda kala xaadhay, god hilib ugu muufoobayey ayeyna
daboolka ka rogeen. Hilibkii oo qiiq badani ka baxayo ayey ku soo dul gureen
laamo hohobeed oo ay soo gooyeen, waxayna soo dhigeen halkii la fadhiyey.
Wuxuu ahaa hilib macaan oo udgoon oo jilcay oo maraqu ka da’ayo. Laakiin isla
markii uu nimanka ka tegay, ee dhadhankii hilibku afkiisa ka dhammaaday, waxaa
ku soo noqday dhadhankii dhiigga. Waar balaayadani haddaba waa maxay?!

Maskaxdiisu waxay oggolaatay oo aan marnaba ka baxayn Hibaaq. Afartii sano ee
ay kala maqnaayeen xaalkeeda joogto ayuu ula socday, wuuna og yahay weli in ay
isaga u joogto. Run ahaantii tacliinta uu muddada dheer ku maqnaa, noloshiisa
magaalada iyo wax kasta oo kale iyada ayaa uga qiimi badan. Mar kale in uu
arko ayaa wax walba uga weyn. Tuulada uu maanta ku abbaaran yahay ayuu ka
ogaan doonaa reerkoodu halka uu deggan yahay.

Casardheere ayuu tuuladii soo galay. Weli wuu faraxsan yahay, welise afka
dhiig baa uga dhadhamaya. Maqaaxidii uu fadhiistay waxaa lala soo gaadhay
bakeeri shaah ah oo rasiin ah oo kulul oo ay sonkorta iyo caddaysku ku badan
yihiin. Bakeerigii oo faaruq ah haddana weli kulayl la qiiqaya ayuu hortiisa
dhigay dabadeed dhidid badan oo ka soo qubtay iska masaxay. Ilaa markii uu
hilibka ugaadha cunay aad buu u xaraaradaysnaa. Bakeeri kii hore la mid ah
ayuu liqay dabadeed harraad ay biyuhu ka bi’in waayeen ayaa ka ba’ay,
daalkiina wuu ka duulay. Inta uu shaaha cabbayo mooyee waqtiga kale oo dhan
afkiisa dhiig baa ka dhadhamaya. Waar illayn balaayo!

Ragga uu meesha ugu yimid badankooda wuu garanayaa. Wuxuu kale oo si fiican u
garanayey nin markii uu isagu maqaaxida soo fadhiistay degdeg kadinka uga
baxay. Waxay walaalo yihiin kii gacanta walaalkii ku baxay.

Waxaa loo tilmaamay meesha reer walaalkii deggan yahay. Wuxuu kale oo ogaaday
Hibaaq reerkooduna in ay halkaa ka dhow yihiin. Taas aad buu ugu farxay.
Dabadeed goor ay casar gaab tahay ayuu carraabe u anbabaxay. Markii uu tuulada
hagaag uga baxay, oo keligii meel bannaan sii socdo, ayey xabbadi diillinta
dhabarka ka haleeshay. Dhankii qaraxa ayaa la wada eegay, waxaana la arkay
isagii oo dib u soo ordaya aadna u cabaadaya afkana dhiig ka qubanayo. Neef
geel ah mooyee wax sidaas u cabaada weli lama arag. Boorsadii yarayd ee
garabka ugu jirtay iyo kiish uu gacanta ku laallaadinayey midba mar buu ka
dhacay. Sidii uu u soo ordayey una cabaadayey ayaa xabbad kale laabta lagaga
qaboojiyey. Dabadeed wuu istaagay, haddana qunyar labada jilib oo wada socda
dhulka ku qotomiyay, haddana sidii qof sujuudaya wejiga dhulka ku
horraysiiyay, dabadeed wuu wada qallibmay. Wuu sii yara kurbaday, dabadeed
illayn wuu dhintaye wuu dhaqaaq daayey. Bal ha iska noolaadee may iska
daayaan!

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...