Kulligeen waxaan nahay diin-laawayaal

DIin-laawe, Alla-kood, Mulxid ama Atheist, luqadda aad doonto ku sheegoo
weedhan waxa loo adeegsadaa qof diiiday jiritaanka awood sare sidoo kale wax
diin ah aanan ku dhaqmin. Meerisyada soo socda waxaan kuu kaxayn doonaa safar
gaaban oo ujeedkiisu yahay inaan iftiimiyo sababta aan dadkoo dhan ugu
tilmaamay diin-laawayaal.
Inkastoo diimuhu ay kumanaan Ilaah oo kala jaad ah kala tix-galiyaan hadana
waxa ay ka siman yihiin in Ilaahaasi uu leeyahay awood aan xad lahayn. Iyadoo
sidaa ay tahay laguma kalsoona awooddiisa, waxaad moodaa kaliya inay tahay wax
afka laga sheego oo maanka lagu khiyaamo. Isagoo aaminsan in dawadiisu ay
Ilaahay oo kaliya gacantiisa ku jirto ayuu dhakhtar aadaa, hadduu caafimaadana
isaga ayuu u mahad celiyaa.
Isagoo aaminsan in arsaaqada iyo hantiduba ay Ilaahay gacmihiisa ku jiraan
ayuu aroor walba u kallahaa shaqo si uu nolol maalmeedkiisa u tabcado. Haddaad
waydiiso “ Waar ilaahan aad barido muxuu kuu siin waayay caafimaad ama
lacag? ” wuxuu ku dhahayaa dadkaa kale ayuu iigu soo dhiibay. “ Dhakhtarkaa
ayuu ilaahay daawada iigu soo dhiibay ”. waa yaab !! haduu marba rabo inuu
caafimaad ku siiyo muxuu toos kuu caafin waayay ?
Muxaadarooyinka iyo goobaha wadaadadu bulshada ku kulmiso, waxay dadka aad ugu
dhiirri galiyaan inay akhriyaan kalmado “adkaar” iyo quraan ay ku sheegaan
inay daawo yihiin oo lagu caafimaado. Hase ahaate wadaadka sidaa leh haddii uu
goobtaa ku xanuunsado wuxu dhahayaa dhakhtar ha la i geeyo. Xanuunku marka uu
run-run noqdo dhammaan adkaartii iyo quraankii daawada uu sheegayay wuu ku
wacad furayaa.
Sheekh Umal oo ku jira cisbitaal dalka Hindiya
Sida culimada nafsigu sheegeen, shaqooyinka ugu muhiimsan ee maskaxdeennu ay
qabato waxa ka mid ah Garaadka “Caqliga”. Garaadka ayaa laba u sii kala
qaybsama; miyir iyo miyir-hoosaad (Conscious and Subconscious). Miyirku
Waa qaybta aynu ognahay ee aan ka war hayno, waa qaybta aad ku dareensan tahay
inaad tahay noole jira oo garaad leh, waa qaybta aan beenta isugu sheegno, waa
qaybta aad ku aaminsan tahay inuu Ilaahay ku ilaalinayo.
Miyir-hoosaad (Subconscious) qaybtani aadbay uga balaadhan tahay Miyirka
caadiga ah, waxay qabataa guud ahaanba shaqooyinka ugu badan ee ay maskaxdu
qabato. Waxay maamushaa dhamaan nidaamyada aanad ka war qabin; sida dhiig
tuurista, neefsiga, cunto burburinta, sidoo kale waa qaybta markaad mas kugu
soo soconaya aragto iyadoon Conscious kaaga ka amar qaadan keenaysa inaad ka
cararto goobtii, waa qaybta khiyaanadii aad isu sheegtay ee ilaahbaa ku
ilaalinaya ahayd daaqadda ka tuuraysa xilliyada adag.
Inta badan miyir hoosaadku isagaa is maamula oo waa (Automatic), marmar way
dhacdaa aad maamusho laakiin woxooga ka dib wuxuu ku laabtaa inuu iskii isu
maamulo. Tusaale; neefsiga, hadaad u fiirsato qaabka aad u neefsanayso waad
joojin kartaa, woxooga ka dib waad iska iloobi doonta wuxuna ku laaban doonaa
maamulka miyir-hoosaadka. Sidoo kale wuxuu kaydiyaa xasuusaha iyo waxyaabaha
sida joogtada ah loo sameeyo. Tusaale; maalmaha ugu horreeya ee aad baranayso
qaabka loo wado gaadhiga, waad dareensatanahay inaad miyirkaaga oo soo jeeda
aad maamulayso, laakiin muddo ka dib markaad la qabsato adigoo aan iska war
qabin ayaad kaxaynaysaa, waayo xasuustaa waxa lagu kaydiyay miyir hoosaadka.
Qofka muslimka ahi wuxuu aaminsan yahay inuu Ilaahay wax walba awoodo, wuxuu
aaminsan yahay noloshiisa dhan inuu isagu qorsheeyey laga bilaabo maalintuu
dhashay ilaa dhimashadiisa, xisaabintiisa, janno iyo naar meesha uu ku dambayn
doono. Wuxuu aaminsan yahay hantida iyo gaajada inuu isagu keeno, wuxuu
aaminsanyahay balaayada iyo barwaaqada inuu isagu masuul ka yahay, Wuxuu
aaminsan yahay dilka iyo badbaadadu inay gacantiisa ku jiraan. Hase ahaate
qaab nololeedkiisu kuma salaysana wuxuu aaminsan yahay! Haa, wuu tukadaa wuu
cibaadaystaa wuu xusaa, laakiin markaad gudaha u dhaadhacdo, maskaxdiisu way
garanaysaa inaanay jirin awood sare oo ay isu aaminto.
Sigmund Freuds oo ahaa Neurologist caan ah oo waddanka Austria u dhashay ayaa
wuxuu Garaadka u qaybiyay guud ahaan saddex. Id , Ego iyo Superego.
Id – Waa qaybta ma xishootada ah ee doonista badan. Tusaale; Adigoo shir
muhim ah ku jira ayay ku dhahaysaa, “ waan gaajaysanahay hadda cunto doon ”.
Superego – Waa qaybta Dheeli tiraysaa ee ka hor imanaysa baahiyaha khaldan
ee wakhtiga khaldan imanaya. Tusaale; waxay ku dhahaysaa “ Shir muhim ah
ayaad ku jirtaa waa khalad inaad ka baxdaa”
Ego – Qaybtan waxay dhex-dhexaadisaa labada kor aan ku soo xusnay.
Tusaale; waxay dhahaysaa “ Waa run waan gaajayasnahay si Xushmad leh aan uga
fasax qaato xubnaha shirka ku jira, si aan cunno u doonto”
Hadaba akhriste; Qaab-nololeedkaaga adiga ayaa gacanta ku haya, adigaa
aroortii toosa, adigaa maydha, adigaa quraacda, adigaa tukada, adigaa lugeeya,
adiga dugsi ama jaamacad aada, adigaa shaqa aada, adigaa wax barta, adigaa wax
jeclaada, adigaa wax naca, adigaa cid u naxariista, adigaa dadka caawiya,
adigaa dadka dhiba, adigaa wax wanaajiya, adigaa wax xumeeya, adigaa wax dila,
adigaa reer dhaqa, adigaa caruur dhala, adigaa hooyo noqda, adigaa dhinta. Ma
jiro shaydaan ku faraya waxyaabaha khaldan, ma jiro Ilaah noloshaada dhan
qorsheeyey, ma jiro Ilaah wax walba awoodaa. Jooji khiyaamada aad naftaada ku
wado, noloshaada kuma aamini kartid humaag samadaa lagu tuhmay. U mahad celi
dhakhtarkii ku daweeyey, u mahad celi saaxiibkii ku caawiyay, u mahad celi
bulshadii ku gacan qabatay, iyaga ayaa kaa mudan xushmad iyo qadarin.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida