Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Kufsiga maxay ka tiri diinta islaamku?

W/Q: Khaalid Xasan
Diimaha 3
12.1k
·

8/3/2018

Kufsiga maxay ka tiri diinta islaamku?

Kufsigu waa nooc kamida xad-gudubyada badan ee dhinaca galmada, waana fara-
xumayn lagula kaco qof (badanaa dheddig) aan rabin ama raalli ka ahayn iyadoo
la adeegsanayo xoog ama xeelad. Qofkasta oo lagu khasbo inuu sameeyo ama lagu
sameeyo fal galmo la xidhiidha isagoo aan raali ka ahayn waa kufsi ha ahaado
qofkaasi xaaskaaga/ninkaaga, saaxiibadda ama gabadh bannaankeedaa maraysa.
Waxa kale oo kufsi noqonaya galmo kasta oo loo/lala galmoodo qof aan
garaadkiisu ku filnayn da’ ahaan ama maskax ahaan amaba qofka qaab khiyaano ku
jirto loogu galmooday sida in qof kale la isaga dhigo.

D enbiga kufsigu waa mid la kowsaday jiritaanka dadka, bulsho kastaana
waxay lahayd xeer-ciqaabeed gaar ah oo lagu edbiyo dadka falalkan ku kaca.
Marka laga hadlayo kufsiga iyo diinta Islaamka waxaa kuu soo baxaysa inaan
denbigaasi diinta meelna kaga jirin oo aanu lahayn xukun sharciyeed lagu
ciqaabayo qofka falkaa foosha xun geysta. Diinta islaamku waxay qodob sharci
kasoo saartay ciddii isu galmoota iyaga oo aan is qabin (Zino), Sinadu waa
galmo ay raalli ka yihiin labada dhinac. Islaamku qofka Sinada ku kaca waxuu u
kala qaybiyaa mid guur hore soo maray iyo mid aan soo marin, mid walbana
ciqaab adag ayuu u jideeyey. Sinadu kufsi maaha, xeer gaar ah oo kufsigu
leeyahay kuma jiro diinta Islaamka, hadaba maxay tahay sababtu? Carabtu waxay
ahayd weligeedba bulsho aan qaderin badan u hayn haweenka, waxaase dhacday
Maxammed markii uu sheegtay in Ilaah samada deggan soo diray uu bilaabay inuu
xeerarka uu la yimid ku faafiyo awood ciidan. Marka dagaal ay qaadaan ciidanka
Maxammed ee ay ku guulaystaan waxay si arxan daran saf uga geli jireen (kufsan
jireen) xaasaska iyo gabdhaha ay dhaleen ragga cadawga ah ee ay jabiyeen,
kufsi iyo addoonsi bay isugu dari jireen, nebiguna xalaalayn mooye inuu
xarrimo oo ka dhiidhiyo waa ka gaabsaday. Waxaa jirtay in waqtigii Maxamed nin
la odhan jiray Cabdullaahi Bin Saluul uu ku khasbi jiray addoomo uu lahaa
dhillaysi iyaga oo aan raali ka ahayn si uu dhaqaale uga soo xareeyo, ilaaha
Quraanka isaga oo arrintaa kahadlaya waxa uu yoro; (Ha ku khasbina
addoomihiinna(dhedig) dhillaysiga haddii ay rabaan dhawrsanaan idinka oo
doonaya sidka nolosha adduunyada, ciddii qasabta qasabkaas kadib eebbe waa
danbi dhaafe naxariista – وَلَا تُكْرِهُوا فَتَيَاتِكُمْ عَلَى الْبِغَاءِ إِنْ
أَرَدْنَ تَحَصُّنًا لِتَبْتَغُوا عَرَضَ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَمَنْ
يُكْرِهُّنَّ فَإِنَّ اللَّهَ مِنْ بَعْدِ إِكْرَاهِهِنَّ غَفُورٌ رَحِيمٌ) Al-
Nuur 33. Sida ka muuqata aayaddan Ilaahay wuxuu ballan qaadaya inuu u danbi
dhaafi doono gabdhaha la khasbay ee aan iyagu doonitaankooda falkan ku samayn,
balse danbiilaha falkan ku kacay wuu iska indho-tiray oo wax ganaax ah uma
jidayn. Diinta islaamku kufsiga way xalaaleysay, cidda la kufsanayana waxay ka
qaaddey karaamadii dadnimo waxayna ugu bedeleen addoonsi. Diinta islaamku
waxay ugu yeedhay haweenkan la kufsanayo (Kuwa ay midigtaadu hanatay – ملك
اليمين) ama (جارية). Waxaa dhacday mid kamida duullaanadii uu Maxammed qaaday
in saxaabadiisii qaar badan oo kamida ay ka soo istaageen ama ka laba-
labeeyeen inay kufsadaan dumarka la qabo balse Maxammed ayaa kaarka cagaaran
siiyay si ayna dumarkaas ugu jixin-jixin, sidaas ayayna ku qafaasheen oo kufsi
ugu bilaabeen. Diinta islaamku waxay xalaaleysay oo fasaxday kufsiga, nebiga
laftiisu wuxuu kufsaday haween badan, waxaa jirey qaar uu caruurnimo ku
guursadey iyo kuwo uu ehelkooda iyo raggoodiiba diley kadibna addoon ahaan u
kaxaystay. Gabadha yar ee 9 sannadood jirta guurka la guursdaa waa guur noocee
ah? Maxay galmo ka taqaan? Qofta (Safiyah) ninkeedii iyo ehelkeeda oo dhan
horteeda lagu gawracay iyadana la addoonsaday welibana isla habeenkiina loo
galmooday ma guurbaad ku tilmaami kartaa mise waa kufsi cad? Dagaal
oogayaashii (Mujaahidiintii) diinta islaamka dacallada adduunka gaadhsiiyey
waxay ummado badan isugu dareen xasuuq, kufsi, dhac iyo addoonsi, muhiimad
wayn bay u lahayd nebiga inuu ka shaqeeyo kana fekero baahida galmo ee ay
qabaan mujaahidiintu sidaa darteed waa u banneeyey nooc walba oo dhillaysiya
sida guurka loo yaqaan Mutcada iyo kufsiga haweenka gaalada xittaa haddii la
qabo. Illaah hadduu jiro ma banneeyeen in haween iyo caruur la kufsado mana
ogolaadeen in diintiisa dadka lagu qasbo. Xeerka ciqaabta Soomaaliyeed
(legislative decree No. 5 1962) wuxuu xarrimaya kufsiga. waxaa ku xusan
qodobka 398-aad farqadiisa (1)

Cidkasta oo adeegsata cunfi ama ku hanjabta adeegsiga awood iyadoo uga dan
leh inay ugu galmooto qof jinsiga kale ah waa in lagu ciqaabaa shan ilaa
shan iyo toban sannadood oo xadhiga ah. Ciqaabtan mid la mid ayaa lagu
ciqaabayaa cid kasta oo u galmoota qof aan bixin karin raalli ahaansho ama
cid kasta oo qof ugu galmoota qaab khiyaano ah iyadoo iska dhigaysa cid
aanay ahayn.

Illaahay ma waxaa ka caqli batay dadkuu isagu abuurtay? Xeerkii iyo kitaabkii
Ilaahay ma waxaa ka wanaagsan ka dad sameega ah? Waxa ka muuqata qodobka sare
ku xusan in sharci-yaqaanada Soomaaliyeed ku guulaysteen waxay ku fashilmeen
Illaaha Quraanka iyo nebigiisuba? Qodobka sharci ee ku xusan xagga sare wuxuu
xaaraantimaynayaa in loo galmoodo qof la khasbay ama loogu hanjaby in awood
loo adeegsan doono ama loo adeegsado awood iyo gacan ka hadal, wuxuu kale oo
qodobkaa sharci mamnuucayaa in loo galmoodo qof aan raali ahaansho bixin karin
da’ ahaan ama maskax ahaan, ujeedku waxaa weeye qof yar iyo qof waalan midna
looma galmoon karo. Caasha oo ahayd lix jir maxay ka ogeyd ujeedka Maxamed loo
siiyey? Safiya Bintu Xayyi ma raali bay ka ahayd in nebigu u galmoodo kadib
markuu xasuuqay ehelkeedi oo dhan? Xaaskaaga uma galmoon kartid haddii aanad
raali ahaansho ka haysan, qofta haweenka ahi jidhkeeda iyada oo keliya ayaa
leh masuulna ka ah.

Muslim soo qafaashay addoon (ملك اليمين)Haddaad quraanka ama axaadiista ku
aragto ereyada (ملك اليمين) ama (السبايا و الجواري) waxaad ogaata inay yihiin
haween addoon ah magacyadaana loogu bixiyey si loogu bannaysto kufsigooda.
Diintu waxay bannaysay in haweenayda addoonta ah loo galmoon karo meher la’aan
waxbana aan laga waydiinayn jidhkeeda maadama ay tahay hanti ninka kufsanayaa
leeyahay, nebiguna waxa uu lahaa addoomo noocan ah. Diinta islaamku waxay
banneysay oo xalaalaysay kufsiga balse waxay xarrintay oo ciqaabo adag u
dajisay galmada ay wadaagaan laba qof oo raali iskaga ah iyagoo maankooda iyo
miyirkooda qabana go’aansaday inay raaxaystaan.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...