Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Kownku ma yahay mid nidaamsan?

W/Q: Cumar Cali
Saynis 0
2.7k
·

2/5/2019

Kownku ma yahay mid nidaamsan?

I nkastoo aan la odhan karin kawnku waa mid 100% nidaamsan oo nidaam darro
iyo isku dhex yaacsanaani ay kawnka qaybo ka mid ah ka muuqato, hadana
nidaamsanaanta kawnka waxaa aynu u tirin karnaa jiritaanka afar waxyaabood,
maatar/matter, tamar/energy, fagaag/space iyo ammin/time. Afartaa shay labo ba
waa ay isku mataansan yihiin oo fagaagga iyo amminta waxaa la isigu geeyaa
spacetime. Halka maatarka iyo tamarta sida ay isle’egta caanka ah ee Einstein
E=MC^2 ay sheegayso in ay yihiin “two sides of the same coin,” ama labo is
leh.

Kolkaa jiritaanka spacetime iyo maatar/tamar iyo natiijada jiritaanka maatarka
iyo tamarta ka dhalata ee loo yaqaan cufisjiidadka ayaa ku filan inay kawnka
nidaamiyaan. “Spacetime tells matter how to move, and matter tells spacetime
how to curve.” Fagaagga iyo amintu waxaa ay maatarka u sheegaan qaabka uu u
socon lahaa, maatarku na waxaa uu fagaagga iyo amminta u sheegaa sidii ay u
qaloocsami ama diismi lahaayeen. Yacniga Amminta iyo fagaagu waxaa ay dejiyaan
qaabka uu maatarku spacetime-ka dhexdiisa ugu socdaali lahaa, maatarku na
waxaa uu qoondeeyaa qaabka fagaaga iyo ammintu ay u dhaqmi lahaayeen. Kolkaa
wixii nidaamin iyo xeer dejin ah jiritaanka afartaa walxood ayaa ku filan.

Dhanka kale, marka aynu nidaamsanaanta kawnka ka muuqata dhinac iska dhigno,
waxaa kawnka ka muuqata fawdo iyo isku dhex yaacsanaan. Fawdadan waxaa ka mid
ah in ay xiddiguhu isku dhacaan, in ay xiddigi xiddig kale liqdo dabadeedna
arrinkaa ay ka dhalato waxa loo yaqaano “Type 1a supernova” oo ah mid ka mid
ah qaraxyada kawnka ugu halista badan. Xiddigo isu rogaya red giants oo
meerayaal idil liqaya. Shan bilyan oo sano kadib waxaa ay qorraxdu geli
doontaa marxaladda red giant iyadoo uu dhexroorkeedu soo gaadhi doono orbitka
Dhulka, waxaa na ay liqi doontaa meerayaasha Dusaa/Mercury iyo
Waxaraxidh/Venus. Waxaa kale oo isku dhex yaacsanaanta kawnka ka mid ah isku
dhaca god madoobayaasha oo ah xaalad khasaare ba’an gaadhsiin karta iskuraran
idil. 2015tii ayaa markii ugu horaysay koox ka tirsan LIGO (Laser
Interferometer Gravitational-wave Observatory) ay xaqiijiyeen isku dhaca laba
god madoobe oo is duqeeyay isku na darsamay mudo haatan laga joogo 1.3 bilyan
oo sano. 2015tii wixii ka danbeeyay na dhowr ayaa la helay mawjaddo
cufisjiidad (gravitational waves) xaqiijinaya isku dhaca dalool madoobayaal
dhowr ah.

Intaa waxa dheer isku dhaca iskurarannada ama waxa loo yaqaano galactic
collision oo ah in laba iskuraran uu cufisjiidadku isu soo jiido dabadeedna ay
isku darsamaan, xaaladdaa isku darsanku na ay horseedo in xiddigo badani ay
khadka ka baxaan oo ay noqdaan run away stars aan iskuraran ka tirsanayn iyo
in qaar kale ay isku dhacaan waqtiga isku darsanka. Ugu danbayn waxaa iyadu na
in la xuso mudan dhagaxcirreedyada/asteroids iyo dibdheeryooyinka/comets-ka oo
duqeeya meerayaasha horseedna u noqon kara in ay tirtiraan guud ahaan ba
nolosha meere ka jirta. Mudo haatan laga joogo 65 milyan oo sano waxaa Dhulka
ku dhacay asteroid dhererkiisu lagu qiyaasay 10km kaas oo waxyar mooyee dilay
noolihii waqtigaas Dhulka ku noollaa.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...