Khudbo jimcaadka

I nta badan khudbo jimcaadka waxaa loo soo jeediyaa hab isku eg, joogta
ah, waafaqsanna sunnada. Habkaasi waxa uu soo socday 1400 oo sano. Haddaba
khudbooyinka la aqriyi doono saacadaha innagu soo aaadan, 90% waxa ay u dhici
doonaan sidatan:-
“Inal xamda lilaah! Walaalayaal, waxaan naftiina iyo taydaba xasuusinayaa
cabsida Allaah. Walaalayaal, waan ilownay aakhiradeenii oo waxaan is raacinay
adduun. Adduunku waxba ma aha, waana labo beri. Saalixiintii waxa ay
waqtigooda inta u badan ku dhamaysan jireen sujuud iyo salaatul layl illaa ay
cirbaha luguhu ka dildilaaceen. Dunidu agtooda qiimo kama aysan lahayn. Ayaga
oo gaajo la seexan waayay ayay habeenkii wadooyinka iskaga hor iman jireen oo
ay iswaydiin jireen bal in midkood meel wax ku ogyahay. Kolkaas ayaa xabad
timir ah ama cad kibis ah meel la iskugu sheegi jiray. Annagu ma awoodno in
aan la tartanno saalixiintii marka ay noqoto cibaadada iyo sida ay adduunka
uga jeesteen oo ay aakhiradooda iyo dhimashada kadib ugu diyaar garoobayeen,
waayo annaga maal adduun, daaro-dhisasho iyo qosol ayaynu waqtigeena ku
bixinaa kuwaas oo aanan Allaah farxad galinayn, kana fog waxii uu inoo
abuuray. Walaalayaal, abaaraha, gaajada iyo roob-yarida waxaa innoogu wacan
jidkii Allaah oo aynu ka weecanay iyo macsidii oo badatay. Walaalayaal,
cadaabka Allaah waa mid daran ee aynu carada Alle iska ilaalino oo aynu
fitanka iska qabanno inta aynu halaagsamin.”
Sida ay ku wanaagsanayd in loo aqriyo:-
“Walaalayaal, waad arkaysaan dalkeenii iyo dadkeenii halka ay marayaan.
Colaado, abaaro, jahli, qabyaalad iyo siyaasad-goboleed ayaa isku biirsaday.
Inteena maanta masaajidka joogta maxaa mid kasta oo innaga mid ahi uu qaban
karaa si uu qeyb ugu yeesha wax ka badalidda wadankiisa iyo dadkiisa. Wali ma
iswaydiisay waxa aad qaban karto iyo waxa ugu yar ee aad ku darsan karto
dalkaaga, ha ahaato aqoon amaba dhiirigelinta kuwa u taagan in ay dalkooda wax
ka badalaan iyo af-iyo-addin ku taageeridoodaba. Walaalayaal, maxaa innaga
wada dhigay kuwo wada doonaya in ay arkaan dalkooda oo horumarayo, xasiloon,
balse aaminsan in arintaasi aanan la gaari karin haddii reerkooda uusan xilka
ugu wanaagsan dalka ka hayn?
Beeraha iyo dhiirigelinta beeralayda waa aynu dayacnay oo waxa aynu xoogeena
iskugu gaynay ka hadalka siyaasadda iyo qabyaaladda. Xaggee ayaynu ku ognahay
halka uu marayo xaaladda deegaanka iyo xaalufka dhirta, taas oo si ba’an uga
socota dalka. Mala socotaa in dhul-beereedkii ballaarnaa ee Soomaaliiyeed soo
koobmayo oo aynu noqonayno bulsho 100% ku tiirsan alaabta iyo walxaha ay kasoo
iibsadaan dibadda. Sidoo kale, duur-joogtii ayaa iskaga kala firxatay dalka oo
mar ahaan jiray meelaha ugu duur-joog badan gobolka.
Dalku waxa uu leeyahay hay’addo waxbarasho i.e. jaamacaddo. Maxaa diiday in
aynu maalgashano cilmiga oo aynu ku dhiirigelino jaamacaddaha in ay sameeyaan
baaritaan cilmiyeed oo aan ka taakulayno dhaqaalaha. Maxaa aan ugu eeganaa
jaamacaddaha iyo aqoonteenaba in ay ahaato uun mid aragti ah (theoretical)
balse aanan lahayn shaybaaro iyo xarumo cilmi-baaris.
Walaalayaal, marka aynu masaajidka ka baxno waa in aynu wada noqonaa wakiilo
kula wada laabta guryahooda arimaha ku hareeraysan bulshadooda iyo
deegaankooda oo kala dooda qoysaskooda sidii wax loo qabsan lahaa ama ugu
yaraan waxa maqan la iskula ogaan lahaa. Aynu noqonno muwaadiniin wax fahansan
oo mas’uuliyiin ah.
Waxaan kusoo gebagabaynayaa, walaalayaal, in cabsidu aysan ahayn wax
wanaagsan, haddii aad cabsi darteed u cibaadaysato markaasi cabsida ayaad
caabudaa ee ilaah ma caabudid, marka walaalayaal cabsida aynu ku badalno
farxad iyo jacayl. Waxaan doonayay in aan duceeyo, balse waxaan xasuustay in
ducadu aysan waxba badalin, kol haddii aynu aaminsannahay in wax walbaahi
qadaranyihiin oo ay qoranyihiin. Mahadsanidiin!”
Bal marka la akhriyayo khudbada ee uu sheikhu bilaabo arimaha argagixinta iyo
cabsida isoo xasuuso oo dhoola cadee adiga oo og in cabsidu aysan ahayn in
laga cabsado.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida