Khayraadka lumay ee soomaalida

KH ayraatka ugu qaalisan ee uu dal yeesho waa dadkiisa (Human Resource).
Dal walba inta uu kaa dad badanyahay ayuu kaa cudud iyo tamar-gacan
badanyahay. Shiinaha oo ah dalka ugu dadka badan dunida, waxa ay ku qaadatay
40 sano oo dib u qaabayn dhaqaale ah in uu ku noqdo cududda labaad dunida ee
xagga dhaqaalaha. In badani arintan waxaa ka caawiyay tamarta ballaaran ee uu
haystay oo ah dadkiisa kuwaas oo qeyb lixaad leh ka qaatay dhaqaajinta
mashiinka dhaqaalaha ee dalkaasi iyo dardargelinta xawaaraha lacagta.
Hindiya oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan dunida ayaa asaga oo ka
faa’iidaysana cududda dadkiisa waxa uu dunida ka iibiyaa xirfadda dadkiisa,
waana dalka ugu horeeya dunida marka ay noqoto xirfadlayaasha ka shaqeeya dal
aysan u dhalan. Sidoo kale, Hindiya waxa ay soo jiidatay warshadaha ugu
waaweyn dunida sida Microsoft, IBM (International Business Machines
Corporation), Nestlé, Sony Corporation, Hewlett Packard (HP), Apple Inc, iyo
qaar kaloo badan. Hindiya iyo dal walba oo dadkiisu badanyahay waxa ay ku
naaloonayaan suuq aad u ballaaran suuranagelin kara dhaqaale baaxad sare leh
oo uu dalkaasi yeesho in ay kusoo hirtaan shirkadaha waaweyn ee caalamka ka
jira.
Maraykanka oo laftigiisu ah dalka seddexaad ee ugu dadka badan dunida, kuna
baraarugsanaa ahmiyadda dadku u leeyihiin dalkaasi, ayaa ku dadaala in uusan
ka harin wadamada ka horreeya isaga xagga dadka oo kala ah Shiinaha iyo
Hindiya. Ayaga oo ka duulaya cududda ay doonayaan in ay ku hayso ama kasii
dhaqaajiso dhaqaalaha Maraykanka halka uu joogo, ayuu Maraykanku ku dadaalaa
in uu ku koriyo dadkiisa hab aanan dabiici ahayn oo ah in uu si miisaaman uga
soo qaato dadyowga kale ee dunida.
Marka aynu u nimaano Afrika seddexda dal ee ugu dadka badan waa Nayjeeriya,
Itoobiya iyo Masar e, ayaa dhamaantood ku naaloonaya in ay cudud dhaqaale oo
koraysa leeyihiin sidoo kalena ka horreeyaan xattaa wadamada ka aqoonta badan
balse ka bulshada yar ee Qaaradda. Nayjeeriya waxaa lagu tilmaamaa camaaliqada
Afrika, waxa ayna ka horeeyaan xagga dhaqaalaha wadamada sida Koonfur Afrika
oo kale.
Soomaalida oo lagu qiyaaso dhamaanteed 15 milyan ayaa haddana isi sii kala
qobqobaysa oo u kala hoobanaysa dalal yar yar. Intaas oo kali ah kuma eka e,
waxaa usii dheer in aynu iska dilno maskaxda wax baratay oo aan isi sii
afjarno. Dadkii u suurtageliyay Maraykanka qunbuladdii atoomikada ahayd,
dhammaantood waxa ay ahaayeen dad ajaanib ah oo dhalasho laga siiyay
Maraykanka, ujeedkana waxa uu ahaa in ay maskaxdooda ku kabaan dalka, halka
Soomaaliduna ay dilaan midkoodii waxbartay iskaba daa in ay ka faa’iidaystaan
maskaxdiisa e. Kanada ayaa sanadkii 2017-da guddoonsiiyay jinsiyad sharafeed
Kaneediyaan ah gabadhii yarayd ee u ololayn jirtay waxbarashada hablaha ee u
dhalatay dalka Paakistaan waa Malala Yousafzai e, ujeedkana waa in magaceeda
iyo maskaxdeeda laga faa’iidaysto.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida