Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Khalad fahanno daaran aragtida Daarwiin

W/Q: Aadan Cali
Saynis 0
14.2k
ยท

3/31/2019

Khalad fahanno daaran aragtida Daarwiin

Marka koowaad Evolution-ka ama tadawurku saynis maaha waayo saynisku waxuu ka
hadlaa hadda iyo imminka waana i tus oo i taabsii!

Saynisku dhammaantii ma aha mid ku kooban ili aragtay, waxa jira saynis
taariikheedyo fara badan oo darsa waxii dhacay, waxaana la dhahaa Historical
Sciences
-ka sida Cosmology, Geology, Paleantology, Pleanthropology, iyo
Archaeology.
Waxaana jira laba saynis oo kala ah Experimental Sciences iyo Historical
Sciences
waxay isticmaalaan habab cimliyeedyo kala duwan. Laakiin labaduba
waxay si isku mida u lafa guri karaan sababta.
Evolutionary biology waa mid ka mida Historical Sciences-ka.

Sayniska dhammaantii maaha wax ku dhisan tijaabo laab lagu sameeyay aragtida
relativity ga ee Albert Einstein si loo xaqiijiyo laab lama gayn waayo waxay
ka hadlaysaa dhulkaba waa wax ka fog.
Balse si taa ka duwan waxay aragtidu markeeda horeba samaysaa (predictions)
ama ifafaalo si aragtidu run u noqotana waa in ifaafaalihii laga arkaa
dabeecadda (Nature).

Aragtidaa aanu haddeer wadaad iyo waranle toona ka murmi karin ee sayniskii
ilaa Newton la aaminsanaa madixiisa minjaha u rogtay. Waxaa lagu xaqiijiyay
in la arkay saadaashii ama ifafaalihii ay samaysay oo ahaa in haddii uu
Space -ku bending ku jiro ama qallooc marka la dul dhigo walxa culus taas
saamaynteeda la arki karo markuu dhaco qorrax madoobaad waayo waxaa qallooc
geli doona ilayska ka imanaya qoraxda maadaama spacekii hareereheeda ahaa
culayskeedu qaloocshay.

saynis yahanadu waxay dhahaan tijaabada ugu fiican ee aragti waa in loo
bandhigo nature ama dabeecadda.

Aragtida Daarwin ee Evolution -ka oo hadda 150 sano jirta Daarwin markii uu
soo bandhigay waxay samaynaysay saadaal ah haddii noolaha adduunka ku nool oo
dhan uu xidhiidh ka dhexeeyo waa in taa caddaynteeda laga helaa dabeecadda.
Illaa haddana lama hayo wax saadaashaa beeneeya.

Tusaale; Haddaad tahay dembi baadhe ood meel qof lagu dilay timaadid kadibna
aad hesho qofkii wax dilay raadkiisii, farahiisii iyo hubkiisiiba iyo weliba
qaabka casriga ah ee maanta timihiisii ood ka tixraaci karto DNA giisii oo
intuba ay cadeeyaan in ninka wax dilay hebel yahay maxaa diidaya in hebelkaa
la qisaaso.

Sidaa si lamida saynis yahannadu waa dhacdo baadhayaasha dabeecadda, waxaana
la hayaa waxii la saadaalinayey in laga helo dabeecadda hadii uu evolution
dhacay.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...