Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Kani ku gal (sheeko)

W/Q: Shaafici Xasan Maxamed
Sheeko Faneed 0
4.8k
·

3/4/2018

Kani ku gal (sheeko)

Dhaqankii hore ee soomaalida wadaaddadu sida badan khayr bay ahaayeen oo ma ay
jirin wadaaddada xunxun ee maanta dadka caaya, dila, addimada ka jara oo
gaaleeyaa.

Wadaaddadu saddex nooc bay ahaayeen. Kow macallin quraan oo dhibta ugu badan
ee uu geystaa ay ahayd in uu carruurta jirdilo midkoodii quraanka si fiican u
baran waaya ama dowdarnimo kale sameeya, waxa uuna macallinku heli jirey xoolo
lagu siiyo xirfaddiisa. Labo shiikh xer leh oo laga raacdo kutubaha oo isaga
iyo xerta siyaaro (xoolo sadaqo ah) la siiyo maaddaama aysan shaqo kale
haysan. Saddex wadaaddo xoolo dhaqatada ka mid ah oo miyiga wax ka dega oo
markii la allabaryo ama ay siyaaro jirto quraan iyo qasiidooyin akhriya oo
xoolaha la isu keeno wax laga siiyo, isla markaas cidaha miyiga u qaabbilsan
qardhaasaha (xirsiyada), cashrinta ama tahaliilinta xoolada iyo dadka, iyo
yaasiiminta dadka dhimanaya.

Saddexda nooc ee wadaaddadu waxa ay ka sinnaayeen meherinta ama nikaaxidda
dumarka oo ka la ahaa dumar ay dhallinyaro masaafaysteen iyo dumar niman
waaweyn lagu daro. Masaafadu madhabka Shaafici faraciisa waa xeelad xalaal ah,
waxaana sida badan sameeya nin aan haysan hanti uu yarad isaga bixiyo.

Waxaa la sheegaa wadaad xoolo-dhaqato ahi in uu reerkiisa uga tegey walanbaysi
oo ah in dadka la dhex qaado oo reerkii uu wadaadku u tagaaba ay neef u
qalaan, marmarna hanti la siiyo inta uu hawlo wadaadnimo reerka u qabto.

Sida la sheego muddo dheer buu shiikhu reerkiisa ka maqnaa, waxa uuna habeen
saq dhexe ku soo beegmay ciddii oo la hurdo. Waxaa la weriyaa in uu shiikhu la
ildarnaa waxa loo yaqaan “kacsi” maaddaama uu xilligii uu maqnaa cunayey hilib
ari oo xad-dhaaf ah.

Aqal soomaaliga ama qaymadda waxaa kaadka hurdey habartiisii iyo gabar uu
dhalay oo la qabey oo reerka dhibaad u soo doonatay. “Dhibaad” waa xoolo ay
dumarka la qabaa reerohooda ka soo doontaan markii sanaddo la joogaba.

Shiikhu mugdigii buu waxa uu kacsigii badnaa ka la dul dhacay gabadhiisii
isaga oo habartii ku khalday. Gabadhii iyada oo uu guskii shiikhu ku jiro ayey
garatay in ninka dhalfada ku xabaalay uu aabbeheed yahay, waxa ayna tiri
“Aabbe waa hebla”, waxa uuna shiikhu yiri; “Aabbe kani ku galyey ee khayr ha
ku la galo”. Riwaayad kale oo saxiix ah waxaa lagu weriyey lafdi kale oo ah
”Maandhey kani ku galyey ee khayr ha ku la galo”. ”Maandhe” waa erey loo
adeegsado dadka waalidka loo yahay ama laga weyn yahay.

Sidaas ayuu shiikhu ugu galmooday gabadhii dhabarkiisa laga soo gooyey,
waxaana sheekada laga weriyey dad lagu kalsoon yahay oo geeljire ah.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...