Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Kacdoonkii Biyamaalka

W/Q: Saacid Kaahiye
Sooyaal 0
15.1k
ยท

8/7/2021

Kacdoonkii Biyamaalka

Kacdoonadii xornimo u dirirka ee qalin iyo qoriba lahaa ee geyiga soomaalida
ka qabsoomay kuwooda ugu caansan dadku badi way ka war qabaan oo Daraawiish
baa sidan ahayd iyo SYL baa sidaa yeeshay iyo hadal haynta sheekh Bashiir iyo
weliba referendum-yadii Jabuuti, sida maanta oo kale, maalmaha madaxbannaanida
umada loo dabbaaldegayo aad baa loo soo hadal qaadaa oo taariikhdooda, dhib
iyo dheefba, la isku xasuusiyaa. Balse waxa jiray kacdoono kale oo ciiddaa ka
badan oo aysan umadu ku baraarugsanayn, taariikhdoodana badi wax laga xusin oo
mudnaanta ay istaahilaan la siin, laakiin gayigeena ka dhacay oo gobanimadeena
qayb libaax ku lahaa.

Kacdoonadaa waxa ka mid ah kii loo yiqiinay iska-caabbintii Biyamaalka (Bimaal
resistance) ee ka aloosmay gobolada Shabeelada hoose, Shabeelada dhexe iyo
Banaadir.

Kacdoonkani waxa uu ahaa mid ka dhan gumaystihii Talyaaniga ahaa ee markaa
koonfurta dalka ka talinayay. Sida magacaba ka muuqata, kacdoonkan waxa
bilaabay qabiilka biyamaal la yidhaahdo, ee goboladaa deganaa, wax yar ka
dibna waxa ku biiray umadii kale ee iyaka nawaaxigooda yiilay ee la jaarka
ahaa. Kacdoonkani kii daraawiishta mudo ahaan kama uusan gaabnayn oo waxa uu
socday intii ka dhaxaysay 1888 ilaa iyo 1924.

Kacdoonka waxa xoogiisa hormuud ka ahaa labo nin oo lagu kala magacaabi jiray,
Sheekh Abdi Abikar Gaafle iyo Macalin Abdi Yusuf. Labaduba waxa ay ahaayeen
macalimiin dugsi oo magaalada Marka iyo nawaaxigeeda dadka diinta ku bara.
Waxa la sheegaa in Sheekh Gaafle laga soo bilaabo 1888 uu ku socdaali jiray
geyiga shabeelooyinka isagoo umada uga digaya gumeystaha iyo xumaha uu dalka
la maaganyahay sahansaho dagaal iyo iska caabbinna uurkooda galinaya.

No photo description available.

Sheekh Gaafle waxa la sheegaa in markiisii ugu horeysay uu ciidan kala hor
yimid Talyaaniga kadib markii uu shirkii Igalle ee duqayda ka qayb qaatay
bishii june ee sanadkii 1896. Waxyaabaha uu aadka uga dhiidhiyay waxa ka mid
ahaa qaraarkii Talyaanigu uu ku gaadhay in uu magaalooyinka xeebaha ah sida
Marko iyo Muqdisho uu ganacsi ahaan ka go'doomiyo magaalooyinkii gudaha geyiga
ku yiilay. 1904 ayaa waxa lagu khaarajiyay magaalada Marko nin Talyaani ahaa
oo la odhan jiray Giacomo Trevis, midaas oo uu Talyaanigu aad ugaga cadhooday.

Jawaab ahaan ayuu Talyaanigu waxa uu duulimaad ugu qabsaday magaalada xeebta
ah ee Jazira la yidhaahdo ee dhacda ilaa iyo 30 mile koonfurta Muqdisho. Midaa
duqayda Biyamaalka iyo qabaailada Banaadiriga ah aad bay uga xanaaqeen wax yar
kadibna waxa la saaray col ay hor kacayaan Sheekh Gaafle iyo Macalin Mursal
Abdi. Colkani waxa uu go'doon geliyay saldhigyadii Talyaaniga ee ku yiilay
magaalooyinka Marka iyo Jazira. Waxa la sheegaa in Talyaaniga ay khasaarooyin
ba'ani ka soo gaadheen dulaankaa oo uu ku baxsaday kaliya gargaar ciidame kale
oo uu dalbaday.

Sidoo kale bishii February ee 1907-kii Sheekh Gaafle oo 2,000 nin oo Biyamaal
iyo qabaailkii xulufada la ahaa hoggaaminaya ayaa waxay isku farasaareen 1,000
oo Talyaani ah meesha loo yaqaan Dhanane ee dhacda waqooyiga Marka. Dagaalkaa
sidoo kale waxa Talyaaniga ku wehelinayay 1,500 oo nin oo carab iyo Eritrean
calooshood u shaqaytayaal ah isugu jira. Waxa hor kacayay Lieutenant Gustavo
Pesenti.

Dagaalku waxa uu Bilowday 9 February 1907 saqdii dhaxee habeynimo, waxa uuna
dhamaaday duhurnimadii maalintii xigtay ee 10ka February markii ay ciidankii
Biyamaalku dib u gurasho sameeyeen. Boqolaal baa ugaga dhimatay colkii
biyamaalka dagaalkaa. Talyaaniga isaguna wax dheexaa kama liidan oo khasaaro
lixaad leh ayaa soo gaadhay in kastoo guusha uu isagu xariiqday. Dhacdadaa
dhanane Biyamaalku waxa ay aarguteen bishii july ee sanadkii xigay, 1908,
markii ay ciidan 500 gaadhayay oo Talyaani ahaa ay hilfaha ugu qaadeen meesha
loo yaqaan Finlow.

Talyaanigu waxyaabaha uu aadka uga cabsida qabay waxa ka mid ahaa in
dhaqdhaqaaqaa Biyamaalku uu xilfo wadaag la sameeyo kii dhigiisa ahaa ee
Daraawiisheed midaas oo labada dhaqdhaqaaba aad u xoojin lahayd gumaystahana
wiiqi lahayd. Talyaanigu waxa uu aad isugu dayay in uu adeegsado boqortooyadii
Majeerteenka iyo taliskii Hobyo ee keenadiid si uu labada dhaqdhaqaaq u kala
xanibo oo uu dayr ku kala gooyo.

Ma aysan suura gelin in Daraawiish iyo Biyamaal ay is bahaystaan ama wax
heshiis ah uu ka dhex dhaco in kaste oo ay hub iyo macaawino kale isugu
deeqeen. Qoraalada ugu dhaadheer ee uu sayidku qoray rayigiisa iyo wixii uu
aaminsanaana laga dhex dhadhansan karo ee ilaa iyo hadda la haayo waxa ka mid
ah qormadii la magac baxday Risaalat lil' Bimaal (fariin ku socota biyamaalka)
oo uu sayidku biyamaalka dadaalkooda ku bogaadinayay in ay dagaalka gumeyste
la dirirna ay sii laba laabaan uu ugu baaqayay.

War iyo dhamaanrii, Sheekh Gaafle 1922-gii ayuu geeriyooday kacdoonkii
Biyaamalna 2 sano kama uusan dambay oo dhimbilihii ugu dambeeyay 1924-gii bay
laydhu damisay. Guul iyo guuldarro raggaa gumaystihii dalka yimid in uu dheel
dheel meel ku fadhiyo waa ay u diideen sinjiga soomaaliga waxa uu geeyo iyo
waxa uu gooyana waa ay tuseen. Gobanimadiyo madaxbanaanida umadeena maalmaha
la xusayo waxa igula habboon in farfiiqa iyo is qabqabsiga inta dhinac la inoo
dhigo aan maalmahaa u hibeyno hadal haynta iyo is xasuusinta raggii qarankaan
dhiiga u soo lisay.

Sannad guuro wacan.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...