Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Jiritaanka waynaha maxaa ka run ah?

W/Q: Khaalid Xasan
Awood sare 3
15.5k
·

7/17/2018

Jiritaanka waynaha maxaa ka run ah?

In la doodo waxna la is waydiiyo ama wax jira oo aan la hubin dood laga keeno
ma xuma, doodaa iyo wax is waydiintu garashaday kabtaa laakiin hab loo doodo
ayaa jira. Si aad u doodo waa inaad wax qirta, waana inaad miiska saarta waxa
aad ka doodeyso caddayntana waa inaad banaanka ka keenta.

Marka laga doodeyo jiritaanka awood sare ama Illaahay ma jirto cid caddayn
karta inuu jiro, sidoo kale ma jirto qaab la taaban karo oo cid u caddayn
kartaa inaanu jirin, balse waxa jiritaankiisa lagu burin karaa wixii loo
tiiriyay inay isaga ka yimaadeen iyo adeegsiga garashada.

Maanta oo aan joogno qarniga 21aad uma fekereyno siday u fikiri jireen dadkii
noola qarnigii toddobaad, baahiyihii ay qabeenna ma qabno, haddii la yidhaahdo
sidoodii ha loo fikiro hana loo dhaqmo waxay noqonaysa dib-usocodnimo
dhibteeda leh.

Xigmadda ka danbaysa jiritaanka Illaahay waa baahi aadanuhu u qabo awood sare
oo isaga ka xoog wayn oo dhibka ka dul qaada noocuu doono ha ahaadee, xal deg-
deg ahna keenta, Illaah la baryo wixii la garan waayana umuuro isaga u gaar ah
loo qaato, waana xigmadda dhammaan diimuhu ku dhisan yihiin taaso odhanaysa
aadanaha garashadiisa iyo awooddiisa jidh ahaaneed kuma filna wuxuuna u
baahanyahay xoog haga una gargaara, haddii gargaarkaasi iman waayo oo baryada,
calaacalka iyo ducadana la aqbali waayo wax jawaab ahna Illaahay laga waayo
maxay tahay sababta lagu sii aamineyo laguna sii baryayo? Sababtu uu u jirey
hadday meesha ka baxdo masii jireyo.

Waxaa waajib ah in xeerarka iyo falalka uu ku kaco waynahani ay ka
wanaagsanaadaan oo ka qumanaadaan kuwa dadka, ka warran xeerarka Illaahay iyo
falalkiisa ama wuxuu dooneyo iyo jidkuu u marayo haddii ay kuwa aadanuhu ka
wanaagsanaadan? Xagee loo kacayaa?

Illaahani inay aadanuhu is addoonsadaan ayuu jideeyey (ملك اليمين), dadkuna
waa mamnuuceen oo danbi iyo xadgudub xuquuqeed ayay ka dhigeen, aadanuhu
maanta Illaahay waa ka naxariis badan yihay oo marka dhib dhaco dadka dad kale
oo insaanimadu ku wayn tahay baa u kaca. Illaaha Quraanka sharciyaadiisa
bahalnimo ee xadhkaha goostay ayaad ka dhex arkaysaa wajiga dhabta ah ee
Ilaaha Islaamka, markaad akhrido aayadaha amna axaadiista faraya dhagax ku
dilka qof nool, gacmaha iyo lugaha is dhaafka loo gooyneyo… Ma is waydiisay
haddii sharciga Illaahay keenay ka wanaagsan yahay keena Maxaa loo waayay
waqtigan aynu joogno dad dhaqan galiya xeerarka Quraanka ku jira ee aan soo
xusnay? Maxaa keenay in loo arko ciqaab arxan darro ah oo gafka qofku ku
dhacay aan u qalmin? Miyayna caddayn in dadku ka naxariis bateen Ilaaha
diimaha Ibraahimiyada ee Isku tilmaama inuu ugu naxariis badan yahay kuwa
naxariista.

Dhibka aduunka ka jira ama jiritaanka belaayada adduunka maanta ka dhacda ee
dhaca, dilka, kufsiga, xanuunka iyo gaajadu waxay dood gelineyaan jiritaanka
Illaahay. Jiritaanka dhibkaas waxa ka dhalanaya waydiimo odhanaya;
A: Illaahay ma waxbuu ka qaban kari waayey waxa dhacaya?
B: Illaahay ma isagaa raali ka ah oo qorsheeyey in dhibkani dhaco?
C: Illaahay hadaanu dhibka innaga dul qaadeyn maxaynu u caabudeyna? Illaahay
bad-baado ayaan ka rabnaa haddiise laga waayo uma baahnin.

Hadii aad diinta lafteeda eegto waxaad ogaan in garashada cidda ka dhex
hadlaysay quraanka ay aad u liidato, Illaahay maanta hadduu rabo inuu qof dilo
wuxuu ku sababayaa qof kale, qofka wax dileyaa si uu amarka samaawiga ah u
fuliyo Illaahay wuxu u soo direya Shaydaan fidneeya.

Illaahay waxaa ciidan iyo awood u ah dhulgariirka, dabaylaha, dufaanada iyo
geerida. Dadka maanta nool waxay og yihiin asbaabta ay waxaasi u dhacaan iyo
meelaha ay ku badan yihiin iyo weliba saadaalinta goorta ay dhacayaan, sidaa
darteed awoodahaas Illaahay sheegtay waxay burinayaan jiritaankiisa maadaama
sababta iyo goorta ay dhacayaanba la sii ogyahay oo ayna jirin wax fara-galin
dibadda ah.

Illaaha dhabta ahi ma garan waayeen dhulka uu isagu sameeyey inuu kubbad oo
kale yahay ee aanu fidsanayn, Illaaha dhabta ah sidoo kale ma garan waayin in
aanay qorraxdu god ku dhicin.

Nabi Maxamed wuu ku guul darraystay inuu caddayn la yimaado oo xujjo ku
qanciyo carabtii Quraysheed, mar walba oo ay mucjiso waydiiyaan si ay
nabinimadiisa u rumaystaanna isagoo fara-madhan ayuu ku soo laaban jiray,
mararka qaarna Ilaahiisa ayaa aayado hanjabaada oo uu ugu goodinayo kuwa
caddaynta waydiiyay soo dejin jiray.
Maxammed hortii qorraxdu bari bay kasoo bixi jirety kadibna galbeedka aduunkay
u wareegi jirtey, saw ma haboonayn in nebigu Illaahay ka codsado inuu qorraxda
galbeed ka keeno ama muddo cayyiman la maqnaado oo mugdi la galo si loo
aamino?

Sidee suurta gal ku tahay in Maxamed cirka dameer baalal leh ku tago iyadoo
aanay jirin gebi ahaanba cirka uu sheegay ee albaabada leh ama saqafka oo kale
ah.

Suuragal miyay tahay in Illaahay qof siiyo hanti badan mid kalana faqri ku
dilo? Waa la isku kiin eegeyaa in Illaahay ku jawaabo ma cadaalad baa? Oo
Illaahayoow maxaad aniga iigu eegeysa qof aad wax siisay inuu aniga wax isoo
tuuro?Illaahayow sidaad wax ii siisay maxaad dadkoo dhan u siin waydey? maxaad
aniga iigu eegeysa adoomahaaga aad gaajada ku dishey iyo faqriga? Illaahay waa
inuu dhex inoo ahaada si siman wax inoo siiya deeqdiisuna dadka gaadha haday
dhici waydo cadaaladdarona timaado uma baahnin xaqna maaha inan u hogaansamo
mana jiri karo Illaah noocaa u dhaqma oo hadana dhamaan sifooyinka wanaagga ah
leh.

Illaahay uma baahna waxna u tari mayso inaan caabudno, Illaahay wuxu hadana
leeyahay waxaan idinka iyo jinnka idiin abuurtay inaad i caabudaan oo keliya.
Illaahay hadaanay waxba u tarayn cibaadadeenu muxuu inoo amray inaan caabudno?
Ciyaartaada ma rabo umana baahni hadana waxaan ku samaystay ama kuu soo gatay
inaad ii ciyaarto, bal is waafajiya labada?

Illaahay hadduu jiro uma baahdeen inuu dadkiisa isku diro difaacna kaagama
baahdeen, dadka dhiiggooda daadi kuma dheheen isaga ayaa ka adeegan lahaa,
kuwa diidan jiritaankiisana isaga ayaa la xisaabtami lahaa.

Aminaadda aad aaminsantahay jiritaanka awood sare ama Illaah waa tuhun ku
dhisan garasho la’aan iyo fulaynimo yaraantaadii lagugu beeray. Hadii aad ku
dhiirato inaad ka dooddo jiritaanka Illaahay oo aad sanduuqa kasoo baxdo ha
odhan kitaabkayga ayay ku qoran tahay, kitaabkaagu waa ka cadaynta loo
raadineyo.

Illaahayada diimaha ku qoran in aanay jirin diimaha laftoodaa caddayn u ah,
waana isku day ay sameeyeen rag iyo haween waayo hore noolaa, maantase aan
soconayn.

Suurtagal ma tahay in nebiyadu Illaahay ka been sheegeen oo aanu cidna soo
dirin Illaah kor joogaa? Waydiintan jawaabteeda isaga ayay u taal, una malayn
maayo inuu ka aamusi lahaa kuwa magaciisa dad iyo duunyaba ku rogey.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...