Jiraalka iyo micnaha nolosha

A adan iyo Xaawo, sida diimaha Ibraahiimigu dhigayaan, markuu Ibliis
tuhunka ku beeray oo ay geedkii laga mamnuucay cuneen, waxa markiiba u
muuqatey cawradooda. Awal ceeb iyo cawraba mayna ka madhneyn, laakiin tuhunka
ay isu nugleen ayaa miyir-daarey oo indhaha u fiiqey. Waxa hortooda mudh kasoo
tidhi adduunyo dhan oo hore uga qarsooneyd, se hadda jixinjix la’aan
indhahooda isku duugeysa oo meel ay uga baxsadaan jirin. Amardiiddada intayna
ku kicin horteed, xeerka kaliya ee dajisnaa wuxuu ahaa inayna u dhawaan hal
geed oo kaliya. Hase yeeshe, xorriyadda ka askuntey xeerkan (inay geedka
cunaan ama aysan cunin) miisaankeeda Xaawo iyo Aadan way u babac dhigi
waayeen. “Maxaa geedka loo mamnuucey? Maxaa dhacaya haddeynu cunno? Maxaa
dhacaya haddeynu cuni waynno?”. Xorriyadda doorasho iyo jahliga ku hagoogan
ayaa suuragaliyey inay Xaawo iyo Aadan ku dhacaan dabinka Ibliis, noloshooduna
cadaab noqoto. Haduu awal miyirkoodu u dhigmayey feynuus hal go’aan oo kaliya
bidhaamisa, hadda (oo janno laga tarxiiley) wuxuu isu rogey oogta waaberi;
tallaabo walba oo ay qaadaanna waxa ku lammaanaa go’aan alle lagu raali
galinayo ama lagu anfiyayo. Qisadan shakhsigii allifey wuxuu si nuxur leh
hoosta uga xarriiqayaa xaqiiqda jiraalka aadanaha, oo ah xorriyadda xaddhaafka
ah ee kownku ina dhaxalsiiyey. Waxa jeer walba ina hor fidsan malaayiinta
suuro ee mustaqbalkeennu shabbihi karo, kuwooda la tiigsanayo iyo kuwa laga
irdhoobaba. Haddana maadaama ay aqoonteennu marwalba qabyo tahey, dhimashana
marwalba laga cabsi qabo, marna ma awoodno si hubanti ah inaynu go’aan ku
gaadhno. Walaacu waa dareenka ka dhasha xaqiiqsashada sida aynu beylahda u
nahey, cid aynu miciinsannaana u jirin.
Dostooyefski
Indheergaradku wax ma noqon karo, doqonka oo kaliya unbaa wax noqda.
Dostooyefski, isagoo ka faalloonaya qodobkan, ayaa shakhsiyadda ay ku socoto
buuggiisa “Notes from Underground”
wuxuu ku catabayaa “ Indheergaradku wax ma noqon karo, doqonka oo kaliya
unbaa wax noqda. ” Micnaheeduna yahey in qofka indheergaradka ah miyirkiisu
marwalba daaran yahey, miisaanka iyo nuxurka go’aammadiisana ku dhugto diirad
gaar ah. Sidaas darteed, markey xaaladi soo foodsaarto gurada oo kaliya kama
fiiriyee kun siyaabo ayuu u dhawraa oo hadba dhinac kaga yimaaddaa, illaa
marka danbe, sidey su’aalba ugu dhiibeyso midkale jahwareer la xagaldaaco oo
bartuu taaganyahey ku ingago.
Doqonka se wuu ka dhago la’yahey silacan oo miyirkiisu waa feynuus oo kale,
dhiillo kasta haddey jirto malaha garasho uu ugu dhagraariciyo. Halku-dhigga
caanka ah ee odhanaya “jahligu waa nimco” shayga uu sida dadban u durayo maaha
aqoonta, balse waa “miyir-daarnaanta.” Waayo dadku badi aqoon micno leh isma
dheera, walaacu se wuxuu ku gooni yahey dadka dareensan nuglaanta xaaladda ay
ku suganyihiin iyo sida sahlan ee ay qarka gabiga uga haadi karaan.
I.
Dadyowgii hore diin ayaa kaafin jirtey weydiimaha ku aaddan jiraalka iyo
micnaha nolosha, qolo walbana waxey laheyd qiso-nololeed jiritaankooda minjo
iyo madax u yeesha. Markey dunidu casriyowday se saynis ayaa masraxa la
wareegay, suuqii diimuhu ka qadhaabsen jireenna baro-kiciyey. Waxa caan
noqotey in aqoonta lagu qeexo wixii la cabbiri karo (measurable), sidaas
darteedna mudnaanta waxa la siiyey wixii saynis ka biyo keeni karo.
Isbaddalkan way soo dhaweeyeen bulshooyinkii ilbaxsanaa waayo horumar iyo
dheef badan ayaa lagu qabey ikhtiraacyada saynisku sida joogtada ah usoo
qufayey. Dhibku se wuxuu ka yimid, inkasta oo saynisku cidhiidhi galiyey
khuraafaadkii dadku aaminsanaa, haddana doorkey bulshada uga jireen iyo
baahida ay daboolayeen inuu xal u helo awooddiisa way dhaafsiisneyd. Sababtuna
waa maadaama uu saynisku isku koobo waaqica ka madaxbannaan shakhsiga
(objective reality), islamarkaana ka gaabsado midka ku xidhan shakhsiga
(subjective reality). Maanta innagu haddeynu la jubbeysannahey kabanka Saalax
Qaasin, saynisku taxgalin ma siinayo sida aynu ugu raaxeysanayno kabanka
(maadaama ay shakhsiga u gooni tahey), oo wuxuu diiradda saarayaa tayada marka
hoos loo sii dhaadhaco la helayo ee ka danbeysa shanqadha aynu maqalno, sida
gargariirka hawada ee ka dhalanaya garaacista kabanka – taasoo inaga
madaxbannaan.
Cilmi baadhista caynkan ah maadaama ay bilowgaba meesha ka saarayso dareenka
iyo aragtida shakhsiyadeed (subjective experience), aqoonta laga korodhsado
waxey noqoneysaa mid aan cilaaqo la laheyn shakhsiga (impersonal), nah iyo
dhadhanna ka madhanyahey. Kolka la liido aragtida shakhsiyadeed, waxa soo
hadhaa waa xaqiiqo dhab ah se ka dhago la’ shakhsiga (impersonal facts).
Qodobkan waa muhiim waayo ma jiro mandiq lagu sahamin karo micnaha nolosha,
weydiimaha nolosha u muhiimsanna maaha kuwa uu saynisku ku lug leeyahey. Niija
(Nietzsche) kolka uu leeyahey “Eebe wuu dhintey!” wuxuu ka dardaarmayey
maaheyn in khuraafaadku soo afjarmey, oo ah war lagu farxo, balse in aasaaskii
micnaha nolosha iyo mabaadi’da bulshadu isku dhaqeysey iyagna bolol noqdeen,
lama huraanna tahey in la helo dhufeys la iskaga gaashaamo suunaamiga micno-
darro/cadamiyad (Nihilsm) ee qarqinaya cid kasta oo si daacad ah jiraalkooda u
lafa gurta. Hase yeeshe, weydiimaha nolosha u muhiimsan hadduu saynis ka
gaabiyey kama dhigna in waddo kale oo furan aysan jirin.
Edmund Huseral
Bilowgii qarnigii 20aad waxa shaac baxdey falsafadda loo yaqaanno finominoloji
(phenomonology) oo yoolkeedu ahaa, sidii Deykaart, raad goobka aasaas aqoon oo
dhan mideysa. Edmund Huseral (Edmund Husserl), oo aasaasey falsafaddan, iskuma
mashquulin doodo mandiq ah isagoo islamarkaana iska indho tiraya dareenka iyo
aragtida shakhsiyadeed balse taa caksigeed. Wuxuu diiradda saarey dhacdooyinka
shakhsiyadeed ee qofku miyirsado (subjective phenomena) iyo habkii loo
daraaseyn lahaa si waaqica looga sal gaadho. Aragtida u muhiimsan ee Huseral
loo nisbeeyo, saldhiggana u ah afkaartiisa kale, waxey ka hadleysaa
jiheysnaanta miyirka (intentionality of consciousness). Miyirku marwalba wuxuu
ifiyaa wax isaga dhaafsiisan, oo uu ku jiheysanyahey. Huseral, isagoo ka
jawaab celinaya dooddii Deykaart wuxu ina leeyahey, miyirku waxyaalaha uu
ifinayo in la isweydiiyo iney jiraan macno ma sameyneyso, waayo miyirkaagu
maaha qasnad ama calool intay warbixinta jaqdo, kala habeyso, dabadeedna suuro
u yeeleysa si ay dib kuugu soo bandhigto. Si toos ah ayaad u miyirsataa
dareenka iyo aragtiyahaaga shakhsiyadeed. Finominoloji, oo saameyn togan ku
yeelatey sayniska iyo guud ahaanba falsafadda, waxey u gogol xaadhay nidaamyo
cilmi baadhis oo waaqica looga sal gaadhayo, se markan miyirka iyo dareenka
shakhsiyadeed ay udub-dhexaad u yihiin.
Horumarkan wuxuu suuragaliyey daraaseynta arrimo badan oo saynisku ka deyriyey
sida tayada shakhsiyadeed ee ku lammaan waaqica (subjective character of
objective reality), nuxurka (essence) iyo micnaha ku duugan dunida ku hagoogan
shakhsiga. Tusaale ahaan, amminka (time) waxeynu dhihi karnaa gabi ahaanba
qofka uu ka madaxbannaanyahey. Hooyada dhuusamareeb asayda ku sidda iyo
gabadha Oslo ku baashaaleysa isku si bay saacaddu 60 daqiiqo ugu tahey.
Hooyada silaca iyo murugada ku jirta se saacaddaasi maalmo ayey ula mid tahey,
halka gabadha baashaaleysa aysan ilbidhiqsi uga duwaneyn. Tayadan
shakhsiyadeed ayaa wakhtiga u yeeleysa cuf iyo culeys isaga u gaar ah
(ekstatic temporality). Talada odhaneysa “wakhtigu yuusan ku dhaafin”
micnaheedu maaha inaad xeerarka kownka jabin karto si aad wakhtiga u hakiso,
balse in dareenkaagu ka warhayo cufka saameynaya socdaalka wakhtiga si aad uga
faa’iideysato oo uusan maalayacni kaaga dhumin. Laakiin amminka oo kaliya
maaha, dunida aad ku nooshahey oo dhan waxa ku duugan tayo shakhsiyadeed
taasoo u yeeleysa micno iyo nuxur dhaafsiisan unugyada iyo qaab-dhismeedka
saynisku ka faalloodo.
Martin Heydager (Martin Heidegger), oo kamid ahaa ardeyda Huseral, wuxuu
sanaddii 1927 allifey buugga uu ku caan baxey ee “ahaanshaha iyo amminka”
(Being and Time). Maadaama uu
finominolojist ahaa, mashruuciisa waxa uu kaga faalloodey habka aadanuhu u
jiro – asal ahaantiisa. Heydager wuu ka soo horjeeday kala soocidda shakhsiga
iyo dunida uu ku noolyahey (subject vs object), waayo shakhsigu xubin ka
soocan dunida oo kaligii gaar loo daraaseyn karo maaha. Insaanku waa xaalad-
ku-nool (being-in-context), waaqiciisa waxa micna u yeela taariikhda,
dhaqanka, iyo bulshada uu ka tirsanyahey. Tusaale ahaan, qalinku micno ma
sameynayo haddeyna jirin khad, buugaag, far la qoro, dadkii qori lahaa, iwm.
Suuragal maaha inuu erayga qalin goonidii micno u sameeyo, oo haddaad
qaamuuska ka baadho wuxuu ku qeexayaa erayo kale, erayadaas oo iyagna kusii
qeexmaya erayo kale. Heydager, isaqoo qodobkan muujinaya, wuxuu aqoonta u
qeybinayaa mid waayo-aragnimo lagu korodhsado (know-how), iyo mid ogaansho ah
(know-that). Aqoonta uu qofku mandiqiisa ku curiyo (know-that) waa mid mar
walba qabyo ah, waayo waxa la isku dayayaa in shay (sida qalin) la qaadadhigo
oo intii diiradda la saaro sida duntii laga siibo marada uu ku tolanyahey ee
micnaha u yeeleysa. Aqoonta waayo-aragnimo se way ka madhantahey fakar iyo
aragtiyo. Tusaale ahaan, kolkaad qalin isticmaaleyso, miyirkaaga kuma furna
buuq ku saabsan micnaha qalinka iyo sida aad u kala soocantihiin, oo
dareenkaagu gabi ahaanba wuxuu ku idilyahey shaqada aad qalinka u adeegsaneyso
(sida qoraalka). Aqoontan maaha mid hadal ama aragtiyeyn (theorizing) lagu
qasbayo lagaga bogan karo.
Kolka loo fiiriyo Heydager, inkastuu shakhsigu ku baraarugo isagoo badhtamaha
ugu jira kawn aan rabintaankiisa marna ka wareysan, haddana dunida uu qofku u
miyirsado maaha mid qariib ah oo uusan afgraneyn, balse waa mid uu fahmayo oo
durbadiiba micno u sameyneysa. Sababtuna waa maadaamo aynu nahey noolaha
kaliya ee jiraalkiisa mushkilad ka qaba. “Maxaa meeshan i dhigey?” nafley kale
kuma baroorato. Ololahan micno-raadis ayaa keenaya in aynu god walba micno ka
baadhno, dunida inagu xeeranna hoy ka dhiganno. Hase yeeshe, marka la hadal
hayo micnaha nolosha, waxa la maagganyahey maaha micnahan soke. Micnaha soke
waa mid ilbidhiqsi ku suura, oo gibilka sare aan dhaafsiisneyn; halka micnaha
dadku raadiyaan yahey mid nolosha u yeela dacallo loo kala safri karo iyo yool
in la hanto lama huraan tahey. Su’aashu se waxa weeye, bartee loogu hagaagaa
micnahan?
II.
Inkastoo ay geerida micno-diimeedku istaahisho baroordiiq, haddana waxey sidoo
kale dhalisey fursad istaahisha alalaase iyo mashxarad. Micnaha noloshu awal
wuxuu ahaan jirey wax qaydan, oo in la raadiyo oo kaliya u baahan. Hadduuse
jirin micno cayiman, waxey ka dhigantahey qofku wuxuu xorriyad u leeyahey inuu
micno allaala micnuhuu rabo noloshiisa u yeelo. Baadigoob baddalkeed, qofka
ayey masuuliyaddiisa tahey inuu handaso, oo ku nuuxnuuxsado nuxurka noloshiisu
yeelaneyso, sida farshaxan (art) oo kale. Giddigeen waxeynu ku gudo jirnaa
qiso-nololeed, qisaadiisa se mid taran u qalanta inay noqoto iyo in kale cidda
go’aamineysa waa shakhsiga.
Way adagtahey in faylasuufyada jiraalka (waa haddiiba lagu magacaabi karo
koox) hal af loo yeelo, waayo illaa xad waxey u ololeeyaan “kali ahaanshaha”
iyo qofku inuusan marna garashadiisa iyo damiirkiisa cid kale u wakiilan.
Waaqica uu shakhsigu ku dhaqanyahey cid la wadaagta ma jirto, sidaas darteed
munaasab maaha in dhabbo nin kale xaadhey hunguri kaa galo. Sartera (Jean Paul
Sartre) wuxuu masiibooyinkii qarnigii lasoo dhaafey (sida dagaalladii dunida)
u nisbeynayaa dad masuuliyaddoodii shakhsiyadeed dayacey oo nafsaddooda u
hoggaamiyey afkaar shisheeye oo dadyow kale sameysteen. Inkastoo mufakiriinta
u madax taagan falsafaddan ay ahaayeen alle-caabud (sida Dostooyefski iyo
Kiirkagaardh), haddana waxyaalaha mideynayey iyaga iyo feylasuufyada alle-
koodka ah (sida Niija iyo Sartera) ee ay dhufeyska wadaagayeen waxa kamid ahaa
naceybka ay u qabeen madaahibta iyo diimaha dadka xakameeya, xorriyadoodana
inkira. Hanku cabbir u qaydan malaha oo wax walba qofku wuu hiigsan karaa,
laakiin waxa dabraya shakhsiga ee cagaha dhulka ugu haya waa sameyska iyo
bay’ada (sida caafimaad, garasho, hanti iwm). Farqiga u dhexeeya insaanka iyo,
tusaale ahaan dhagaxa, waa kartida uu insaanku ku hanan karo mustaqbal uu kaga
samatabaxayo xaaladda haysata. Halka dhagaxa iyo nooleyaasha kaleba ay
marwalba sameyskooda go’doon ku yihiin.
Siduu ina leeyahey Sartera, insaanka xorriyaddiisa waxa marwalba ragaadisa
duruufta uu ku suganyahey. Marka inkasta oynu awoodin inaan samada iska
heehaabno sida rooxaanta, haddana waxeynu awoodnaa inaynu marwalba ka gudubno
xaaladda aynu ku jirno. Nafta oo daacad loo noqdo marka waa tayada saldhigga u
ah micno kasta oo aan khuraafaad iyo khayaano ku dhisneyn. Tusaale ahaan,
dadka ka gubta xaqdarrada bulshadeennu ku hayso dumarka, islamarkaana
meelmariya caadooyinka soo jireenka ah ee horseedaya xaqdaraddaas, khayaano
ayey naftooda ku maaweelinayaan. Inaad ku cudur-daarato diin, karti, ama
duruufo kale waxey lamid tahey isqeexitaan aad naftaada ka dhigeyso wax go’an
ama cayiman sida dhagaxa oo kale. Qofku se maadaama uu ka gudbi karo
carqaladaha lasoo darsa (ha ahaadaan kuwa la xidhiidha karti, diin, bulsho
iwm), inuu dayaco doorka uu ka geysan lahaa xaq-raadiska dabadeedna
marmarsiiyoodo waxey lamid tahey khayaano nafsadeed, oo uu qofku isu qiran
la’yahey in buuqa iyo qeylada uu wado ay tahey goolaaftan been salka ku haysa.
Waxaa se isweydiin mudan heerka ay gaadhsiisantahey xorriyadda insaanku ku
“xukumanyahey” iyo saameynta ay leedahey duruufta dib-rideysa. Curyaanku
dabcan wuu awoodaa inuu dhexda giijisto oo dhiggii wax la qeybsado, hadduu se
ka taag roonaan waayo junuudda uu la hardamayo ee dib-dhigeysa, ma xaq baa in
la dhaho qeyrka-hadhnimada isagaa is badey? Sartera wuxuu qabey in miyir-
hoosaadku (subconscious) saameyn wax ku ool ah ku laheyn go’aan qaadashada
shakhsiga, dadkuna si isla-joog ah noloshooda gadhwadeen uga yihiin.
Muhiimaddu se maaha in la waadixiyo barta ay ku egtahey xorriyadu, balse in
qofku yaqiinsado xorriyadda qoorta u sudhan islamarkaana uusan ka ugaadhoobin
masuuliyadda ka dhalaneysa – ha yaraato ama ha weynaatee.
III.
Feylasuufyada kor ku xusan oo dhan waxey wadaagaan tayo ah mucaaradnimo.
Kulligood waa dad ku fara saydhey hab fakar-dhaqameedkii u dejisnaa bulshada
ay ka tirsanaayeen. Arrinta soo jiidaneysa qofka qoraalladooda wax ka akhriya
se waa quudhsiga ay mandiqa hoos ugu dhigayaan. Hase yeeshe, runtii waxey
dhalliilayaan maaha mandiq balse habka ay dadku badi u adeegsadaan mandiqa.
Waaqica intiisa lagaga sal gaadhi karayo mandiq waa muhiim in isaga loo
adeegsado, waayo waddo kale uu furan maba jirto. Micnaha noloshu se kamid ma
aha waaqicaas, si walba oo loogu qasbana marna mandiq looma yeeli karo. Inaad
ifka timaado goorta aad timid, adiga oo sita dhaqanka aad sidatid (halka aad
ka dhalan laheyd wakhti kale, una dhalan laheyd isir kale), oo miyirkaaguna ku
garowsiyo dhimashada kuu danbeysa, dabadeedna noloshaada oo dhan aad ku
dhammeysato sidaad isku illowsiin laheyd walaaca iyo walbahaarka ay
dhimashadaasi kugu beereyso, waa wax lagu qoslo (absurd) oo aan caqliga u
cuntameyn. Noloshaada marka inaad u xayirto mandiq aad uga fadhido inuu micno
ku milkiyo waa xalqo u qalanta taxanaha maadeysiga istaahila ee aynu ugu
yeedhno “nolosha”.
Albeer Kamuu
Micnaha noloshu waa hadba wixii aad gacanta kula jirto ee kaa hor taagan
inaad naftaada khaarajiso.
Albeer Kamuu (Albert Camus) wuxuu ku gunaanadey “ micnaha noloshu waa hadba
wixii aad gacanta kula jirto ee kaa hor taagan inaad naftaada khaarajiso “.
Si marka loo fiiriyo, waa hadal dhab ah waayo qofka uu micno oo dhan
noloshiisa faaruqiyey wax u diidaya inuu isdilo ma jiro. Si kale se marka loo
fiiriyo, waxey u muuqataa gunaanad khadhaadh oo si aan munaasab aheyn nolosha
suuro khaakh ugu yeeleya. Dabcan “noloshaada micneyso” waa odhaah guud oo
siyaabo badan loo fassiran karo, micno cayimanna aan laheyn. Tusaale ahaan,
Heydager wuxuu xubin gadaal ka raacey xisbigii faashiistaha ee naasiga. Waa
natiijo dabiici ah in mashruuc walba oo dadku isku hawlo la helo shakhsiyaal
meel daran la aada, bulshadoodana aafeeya.. Arrintan se dhalliil uma noqon
karto micno-sameyska, waayo micnaha noloshu waa wax shakhsiga ku xidhan, oo
cid kale aysan la qeybi karin. Sartera wuxuu arrintan ku hogatusaaleynayaa
wiil ardeydiisa kamid ahaa oo ay talo ku ciirtey. Waxa lagu jirey dagaalkii
labaad ee dunida wuxuuna rabey inuu ciidanka gobannimo-doonka faransiiska
raaco oo dalkiisa xoreeyo , hooyadii oo uu kaligii garab u ahaa se ma rabin
inuu cidleeyo. Sartera wuxuu ku doodaya ineysan jirin cid ka saacidi karta
go’aanka ah inuu sida qeyrkii dalkiisa nafta u huro ama hooyadii wehel u
noqdo. Go’aanka culeyskaa leh ee nolosha qeexi kara waa mid ardeyga Sartera
waligii gooni u ahaanaya. Marka inkastoo ay u muuqato guubaabin oo kaliya,
noloshu waxey ku dhaanto malaha murtidii duugga aheyd ee odhaneysey “naftaada
dhab u ahow.”
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida