Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Jawaabaha aan waafiga ahayn ee quraanka

W/Q: Mo Yare
Diimaha 4
9.5k
·

10/19/2019

Jawaabaha aan waafiga ahayn ee quraanka

Haddii aad quraanka akhriday waxa aad marar badan ishaadu ku dhacday odhaah
soo noq-noqonaysa oo u dhigan sidatan “Waxay ku weydiinayaan… – ويسألونك”
iyada oo laga hadlayo dadkii waqtigii Maxamed noolaa ee aan rumayn
nebinamadiisa, kuwaas oo isugu jiray Yuhuud iyo Carab intooda badani sanamyo
caabudi jireen.

Dhammaan ayaadaha ay weedhaasi ku jirto waxa loogu jawaabayaa su’aallo ka
imanayey labadaa qolo ee aan xusnay midkood. Madaama, nebigu dhex jooggay,
waxay doonayeen in su’aallo maankooda ku taagnaa looga jawaabo. Waayo, nebigu
waxa uu sheegtay in Ilaahay xiriir toosa la leeyahay oo farriin ugu soo
dhiibay malagga Jibriil, kaas oo sidoo kale waydiimaha ka soo fula dadkana
loogu sii dhiibi karo Ilaahay si ay dadku u helaan jawaabo waafiya oo qanciya.

Tusaale ahaan waxay ka warsadeen nabiga sababta dadku u dhintaan. Waxa uuna
kaga jawaabay ayaaddan; (Naf walibaa geerida way dhadhimanaysaa, goob walba oo
aad ku sugan thiinna geeridu way idin haleelaysaa – كل نفس ذائقة الموت وأينما
تكونوا يدرككم الموت). Ilaahay baa xummaan ka nasahan ee sidee ku keenay
jawaabtan cajiibka ah Nebigu!. Naf kastaba in ay dhimanayso wax cusub ma ahaa
ee waa wax la iska wada ogyahay. Jawaabtan waxa garan kara dadka caadiga ah ee
xittaa noola Maxamed hortii iyo gadaashiis ba. Su’aasha la weydiiyey waxay
ahayd waan ognahay in la wada dhimanayo, laakiin, maxaynu u dhimanaynaa?
Nasiib xumo way hungoobeen qoladii maalintaas ilaahay jawaabtiisa xikmadaysan
u hanqal taagaysay iyo cid walba oo su’aashaas jawaabteeda quraanka ka
raadisa.

Su’aal labaad baa la weydiiyey, oo ah maxay isu beddeshaa qaabka bishu
maalmaha bisha, oo marna u weynaato marna u yaraato. Waxa uu kaga jawaabay
ayaaddan odhanaysa; (Waxay ku weydiinayaan bisha iyo wixii ku sabsaan, waxaad
ku dhahdaa; Waa waqtiga dadka iyo xajka -يسألونك عن الأهلة قل هي مواقيت للناس
والحج). Mar kale darjiidh buu sameeyey, oo lama weydiin faa’iidada is beddelka
dayaxa ee waxa laga warsaday sababta ka dambaysa is beddelka dayaxa ee marna
uu iftiinkiisu yar yahay marna buuxo, taas oo aan maanta ka warhayno cilmi
ahaan sababta ka danbeysa balse waqtigaas aanan aqoon durugsan cidi u lahayn
sidaa darteed jawaabta Ilaahay kama duwanayn jawaabta ay bixin lahaayeen
habraha waqtigaas noolaa.

Markale waxa la weydiiyey, waa maxay ruuxdu? Qisadii Nadar Binu Xaaris ee
caanka ahayd waa laga war hayaa. Waxa uu kaga jawaabaya mar kale; (Waxay ku
weydiin ruuxda, waxaad ku dhahda ruuxdu iyo warkeedu waa mid arrimaha Ilaahay
ah, wax cilmi ah, oo aynnu ka ognahay, oo jira ayaa iska yar – يسألونك عن
الروح قل الروح من أمر ربي وما اوتيتم من العلم إلا قليلا). Mar kale darjiidh
baa halkaas ka muuqda oo ilaahay wuxuu u muuqdaa mid ka war-wareega inuu ka
jawaabo su’aalaha dadka. Runtii haddii arday qaabkan uga jawaabi lahaa
su’aalaha imtixaanka waxa hubaal ah inuusan darajo ku heleen jawaabtaas balse
Ilaahay waxaa la qumanaatay inuu qaabkan iska daba wareegga ah ugu jawaabo cid
walba isaga oo ka warhaya inay tahay farriintiisa u danbaysay ee uu adduunka u
dirayay.

Su’aal kale ayaa laga warsaday, oo odhanaysa waa goorma qiyaamahu, waxa uu
yidhi; (Ku dheh warkaas waxa innooga ogaal badan Ilaahay). Jawaab waafi ah
halkaas lagama bixin mar kale.

Guntii iyo gebo-gebadii kolkii su’aalo baxar ah, oo aanu ka bixi karin lagu
wareeriyey, jawaab waafi ah, oo lagu qancana aan mar qudha laga bixin ayaa
waxa soo degtay aayad afwaajin ah, oo is hortaaga su’aalaha faraha badan lagu
farayo dadka. (Kuwii eebbe rumeeyow, ha waydiinina(nabiga) su’aalo haddii la
idinka jawaabo idin dhibaya – يا أيها الذين آمنوا لا تسألوا عن أشياء إن تُبد
لكم تسؤكم).

Wixii aan jawaab loo hayn ee fashil laga dhaxlayo waa in taako la isaga dhiga
si aan la isu baran, oo warku beenoobin.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...