Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Jacayl gaboobay iyo jir la gaday

W/Q: Shaafici Xasan Maxamed
Sheeko Faneed 0
4.9k
·

3/18/2018

Jacayl gaboobay iyo jir la gaday

Ciddi-shabeel waxa uu joogaa magaalada Gaalkacyo ee ku taal bartamaha
Soomaaliya. Sar siddeed dabaq ah buu dabaqa ugu hooseeya waxa uu baalrogayaa
buug sawirro dumar ah. Sarta uu dabaqa ugu hooseeya joogo afar dabaq oo ka mid
ahi waxa ay ku kiraysan yihiin shirkad weyn oo ka ganacsata jirka dumarka.

Waxa uu Ciddishabeel jiraa toddobaatan iyo dhawr sano, weligiisna ma uu
guursan. Meelaha ay joogaan durmarka jirkooda gata aad buu u booqdaa, laakiin
maanta waxa uusan weligiis dareemin buu dareemay. Buug ay ka buuxaan sawirro
dumar buu rogrogey, waxa uuna isha la sii raacay gabar ay timeheedu khad ka
madow yihiin sawirkeed. Weligiis wax ma uu jeclaan, laakiin maanta sawirkaas
ayaa wadnihiisa ugu dhacay sidii gantaal sun ah. Haweeney xafiiska joogtey oo
awal buugga u dhiibtey baa aragtay in uu sawirkaas ku dhaygagay, waxa ayna
tiri; “Malaha qoftaas ayaa ku cajabisey!”. Ciddishabeel waxa uu dareemay
tabardarro uusan naftiisa maamuli karin iyo in uusan ka jeesan karin sawirkii
gabadha, waxa uuna haweeneydii xafiiska ugu jawaabey; “Haa, ee xaggee bay
joogtaa?”.

Haweeneydii intii aysan sheegin dabaqa ay gabadha uu jirkeeda gadanayaa joogto
ayey sheegtay qiimaha lacageed ee laga rabo Ciddishabeel. Miis dheer oo uu
buugga sawirradu saarnaa baa u dhexeeyey haweeneyda iyo Ciddishabeel, waxa
uuna iska dhigay buuggii, ka dibna jeebka surweelka ayuu lacag ka soo saaray.
Maskaxdiisu waxa ay la gariiraysey jacayl uu u qabo gabadhii uu sawirkeeda
arkay, gacantii uu lacagta ku dhiibeyna ma ay degganeyn oo lalleemo ayaa ku
jirtey. Haweeneydii waxa ay u soo celisey baaqi, waxa ayna tiri; “Dabaqa
saddexaad qolka saddex boqol iyo toban”.

Jacayl dartiis in uu hunqaaco ayuu u dhawaa, waxa uuna raacay wiishkii oo uu
taabtay dabaqa saddexaad. Waxa uu illaawey lanbarkii qolka ay joogtey gabadha
uu jeclaaday, dib ayuuna xafiiskii hoose ugu soo laabtay. Mar labaad bay
haweeneydii u tilmaantay qolka saddex boqol iyo toban.

Qolkii buu garaacay, waxaana ka furtay gabadhii uu sawirkeeda jeclaaday oo
hadal macaan ku soo dhaweysey, gacanna u soo taagtey. Waxa uu gacanqaaday
isaga oo xooggii laga siibey oo meyd aan waxba dhaamin. Waxa uu sidii qof
garaab ah oo xanuun darani hayo isku tuuray kursi. Qolka waxaa yaal kursigaas
uu isku tuuray, miis yar iyo sariir in gabadha lagu la xaalo loo asteeyey.

Gabadhii aragtay in Ciddishabeel uu jirran yahay. Afkiisa oraahi iyo erey ka
ma soo bixi karin. Gabadha indhaha u ma uu dhammayn karin. Xoog ma uu hayn oo
meyd oo kale ayuu ahaa. Gabadhu waxa ay markii hore damacday in ay taataabato
si uu wax u dareemo, laakiin markii ay aragtay in uu meyd oo kale yahay bay
iska daysey.

Ciddishabeel markii uu kursigii qolka gabadha ka kici kari waayey baa waxaa
qolkii soo galay labo nin oo xoogag waaweyn oo garbaha qabtay ilaa uu
istaagey. Waxa uu damcay in uu ka cabbo tuubbo qolka illinkiisa ahayd, laakiin
wadnihii baa biyihii ka hor yimid. Isaga oo luudaya ayuu wiishkii hoos u
raacay, waxa uuna dareemayey ladaadyo iyo liidaanyo. Gabadhii timaha madoobayd
oo laga iibiyey sawirkeedii hore toos buu u daawaday, laakiin wajigeedii saxda
ahaa indhaha ayuu u dhammayn kari waayey.

Markii uu Ciddishabeel galay guriga jirka dumarka lagu gado waxaa la addimayey
salaadda duhur, weligiisna ma uu tukan oo addinka in uu maqlo ma aha ee ma uu
garanayn si loo tukado. Cimrigiisa sidaas u dheer in uu wax necbaado ma aha ee
wadnihiisa wax ku ma uu jeclaan. Intii uusan guriga dumarka gelin waxa uu
hilib geel ka cunay makhaayad dabaqa ku qabsanayd. Markii uu debedda uga baxay
gurigii jacaylka waxa uu dareemayey in uu matag hayo. Waxa uu go’aansaday in
uu qaad cuno si ay dhibta haysaa uga yaraato. Gabadhii sawirkeedii baa
maskaxdiisa ku rafanaya, waxa uuna fariistay meel lagu qayilo.

Qaadka uu Ciddishabeel daaqay daalkii iyo tabar darradii xal buu u noqday,
laakiin sheekada marfishka maskaxdiisu ku ma ay xirmi karin oo gabadhii uu
jeclaaday baa madaxiisa buuxisey. Galabtii ilaa fiidkii qaad buu cunayey,
habeenkiina hurdo waa uu iska waayey oo waxa uu waagii baryey isaga oo aan il
isu geyn. Aroortii cunto loo keenay in uu cuno niyad u ma uu hayn, waxa uuna
aad u jeclaa gabadhii timaha dhuxusha ah lahayd ee jirkeeda la iibinayey.

Saddex maalmood buusan wax aan qaad ahayn cunin, waxa uuna jeclaa in uu dib u
arko gabadhii. Isaga oo aan tabar weyn hayn buu maalintii afraad ku soo
laabtay dabaqii dumarka lagu gadayey. Waxa uu baarbaaray buuggii sawirrada, ka
mana uu helin sawirkii uu jeclaa. Haweeneydii makhalka joogtey buu weydiiyey
gabadhii uu maalmo ka hor la kulmay, waxa ayna u sheegtay in aysan xusuusan
gabadha uu ka hadlayo. Waxa ay u sheegtay in laga yaabo in loo beddeley
magaalo kale ama guri kale oo dumarka lagu iibiyo. Waxa kale oo ay u sheegtay
in gabadhii la beddelo markiiba sawirkeeda laga saaro buugga.

Ciddishabeel markii intaas loo sheegay buu saljugle gadaal ugu dhacay kursi ka
la jiidan oo miiska dheer dhankiisa dherernaa. Waxa uu go’aan buuxa ku gaarey
haddii uu helo fursad uu meesha kaga kaco in uu sun cuno. Waxa uu dareemayey
haddii gabadhii uu jeclaa sawirkeedii buugga laga waayey in aysan noloshiisu
wax qiime ah lahayn. Waxa uu ogaa in uu jacaylkiisu xadka ka baxay iyo in
sunta lagu dhinto oo uu isticmaali doonaa ay tahay midda dugaagga loo mariyo
bakhtiga xoolaha. Maskaxdiisa waxaa isku hardiyey sawirkii uu jirrada ka
qaaday iyo sunta uu cuni doono, wadnaha ayaana aad u garaacayey.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...