Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Jaamacadaha islaamiga ah maxaa lagu bartaa?

W/Q: Shaafici Xasan Maxamed
Aragtiyo 0
3.1k
·

12/1/2018

Jaamacadaha islaamiga ah maxaa lagu bartaa?

S u’aashaas kor ku qoran in aad hore isu weydiisey waa aan hubaa haddii
aad aqoonta aragti ka haysatid. Caalamka kale waa ay jiraan kulliyado diimaha
lagu barto, waxa ayna kuwa islaamiga ah kaga duwan yihiin in kulliyadda
diimaha lagu barto dhammaan diimaha dunida ka jira kuwa qoran iyo kuwa weli
dhaqanka aan qornayn ah, mana jirto jaamacad aan islaami ahayn oo hal diin
keli ah lagu bartaa, waayo caalamka waxaa laga aamminsan yahay diimuhu in ay
hal maaddo yihiin oo tun sagaaro uusan wax la ka la qalo ahayn. Kulliyadaha
noocaas ah qofkii ka soo baxa waxaa loo arkaa in uu takhasus ku yahay
maaddadiisa ah diimaha oo uu yahay caalimka diimaha.

Arrimaha yaabka leh waxaa ka mid ah in jaamacadaha islaamiga ah in hal diin
keli ah lagu barto aan lagu la yaabi karin ee ay ka sii yaab badan tahay in
diintaas keli ah loo ka la saaro kulliyado ka la duwan sida kulliyadda
Qur’aanka, kulliyadda xaddiiska, kulliyadda shareecada iwm oo mid kasta oo ka
mid ah laga qaato shahaadada heerka fakarka ee Ph D.

Abu-Bakar Al Baqdaadi | Hogaamiyaha kooxda xagjirka ah ee ISIS waxa uu haystaa shahaadada heerka PhD ee Shareecada Islaamka

Inta aynaan kulliyadaha iyo dadka ka soo baxa heerkooda aqooneed gelin baan
guud marayaa aqoonta islaamka taariikhdeeda iyo waxa ay ka kooban tahay. Facii
ugu horreeyey ee diinta qaatay ee saxaabada xilligoodii la ma garanayn aqoon
qoran oo meel laga akhristo, waxa ayna nebiga ka maqli jireen cilmidhegood uu
Qur’aanku ugu muhiimsanaa, intooda badanina Qur’aanka ma ay wada aqoon ee in
yar baa xaafidiin ahaa, hadalka nebigana qofba intii uu ka haleeli karo ayuu
bowsan jirey. Afartii ammiir ee nebiga madaxnimada ka dhaxlay midkoodna
Qur’aanka dusha ka ma uu hayn oo Cismaan oo ahaa qoraaga keli ah oo facaas wax
qoray waxa keli ah oo uu qoray Qur’aanka ayuu ahaa, waxaana la diley isaga oo
Qur’aanka kitaabkii uu qoray ka akhrinaya oo aan awoodin in uu dusha ka
akhriyo. Facaasi in ay dadka maanta jooga diinta ka badiyeen waa been la rabo
in dadka loo tuso in ay dadkii diinta ugu soo horreeyey diinta ugu badiyeen,
waxaana sidaas oo kale been ah xaddiis la sheegay in uu nebigu sheegay in uu
qarnigiisu ugu khayr badan yahay. Facii saxaabadu waxa ay ahaayeen taariikhda
dadkii ugu badnaa ee dhiigga muslimiinta daadiya oo intii iyaga ka danbaysey
ma ay dhicin in ay muslimiintu sidaas isu gumaadaan, waxa ayna saxaabadu u
badnaayeen dad diinta iyo taqwadu aysan agtooda macne weyn ka lahayn oo dadku
qofka ay arkaan ama la joogaan macne weyn u ma yeelaan. Dadku waxa ay aad u
jeclaadaan qofkii aysan codkiisa iyo araggiisa la kulmin ee looga warramay,
waxaa ku xiga qofka raadiye ka la hadla, waxaa ku xiga qofkii telefishin uga
muuqda, waxaana ugu liita qofka soo hor istaaga. Waxaa la wada og yahay
hooballada iyo aktarrada lacagaha badan laga sameeyo in aan loo oggolaan in ay
bulshada lacagta bixiya is arkaan si aysan u macne beelin oo loo nicin. Waxa
aan ka wadaa dadkii nebiga arkay in aysan xiise weyn u hayn oo musliinta
maanta joogaa ay nebiga ka jecel yihiin Khaalid Waliid oo weliba waxaa maanta
nebiga ugu sii jecel kuwa ka fog dhulkii uu nebigu ku noolaa, waayo haddii uu
qofku arko degaankii nebiga waxaa isdhimaya jacaylka uu u hayo oo waxa uu
dareemayaa in uu nebigu ahaa qof meeshaas joogey oo caadi ah. Nin aan xajka ku
la kulmay baa ii sheegay in magaalada Sucuudiga ugu sino badani ay Maka tahay
oo looga soo galmo doonto dalka intiisa kale, waxa uuna isagu u haystey in ay
sabab u tahay in Maka ay dumarka iyo raggu isku qasan yihiin, halka ay
magaalooyinka kale ka la soocan yihiin, laakiin waxa aan ninkaas u sheegay in
aysan sidaas ahayn ee qofka Maka joogaa uu nebigii ka xiise dhacay maaddaama
uu joogo magaaladii uu nebigu ku dhashay oo qofba midka uu Maka ka fog yahay
uu ka taqwo badan yahay muslimiinta. Wadaaddada akhriya xaddiiska waxaa nebiga
ka jecel habraha miyiga jooga oo aan waxba akhriyin, waayo nebiga ayaa ka fog
oo aysan akhriyin. Waxa aan duudduub ahaan hadalka uga jeedaa in facii nebiga
la noolaa ay ahaayeen kuwa muslimiinta nebigu agtooda ugu xiisayn liito iyo
kuwa ugu taqwada yar, waana run oo waa cilminafsi sugan.

Carabtaas nebiga la joogey oo markii uu ka dhex baxay boqollaalka kun iska
laayey ma ay lahayn fakar aqooneed, waxna ma ay qori aqoon oo kitaabka uu
Cismaan qoray ma aha ee wax kale ma ay qorin, Cismaanna hadalka kitaabka isagu
isku ma dubbaridin ee sidii uu dadkii xafidsanaa ka maqlay buu isku
aad’aaddiyey. Waxaa laga yaabaa inta uu ku daray iyo inta uu ka reebay in
aysan aad u badnayn oo magaca qoraa uun baa Cismaan la la maagay ee wax la
sheego ma uu hindisin. Markii ay carabtu ummado kale oo wax qora oo fakara
qabsadeen bay diinta islaamku aqoon la daraaseeyo isu beddeshey oo Qur’aanka
oo sida gabay loogu heesi jirey baa in la fasiro la bilaabay, cabbaar ka dibna
waxaa qoraal lagu bilaabay xaddiiska oo lagu tilmaami karo aragtiyo ay dad aad
u badani hindiseen oo uusan badankiisa nebigii ogeyn. Xaddiisku waxa uu ahaa
hub ay firqooyinku isu adeegsadaan oo laga soo bilaabo isgumaadkii saxaabada
iyo firqooyinkii fakarka ayuu ninba midka ka soo hor jeeda xaddiisyo u
samaysanayey. In ay xaddiiska dad faro badani allifeen waxaa ku jirtey
faa’iido ah in diintii koobnayd oo aan daliilaha badan lahayni ay hodan
noqotay, waayo waxa ay ka baxday in hal il laga qaato oo waxaa iskaashaday
kumalyaal maskaxood. Xaddiiska waxaa laga qoray kutubo badan oo ceebta keli ah
oo ay leeyihiin ay tahay in waxa ku qorani ay isku wax yihiin oo labo ka mid
ah qofkii akhriyaa uu inta kale isla wixii ugu tegayo. Waxaa qoraalka xaddiis
feer socdey fasiraad xaddiiska loo rogayey caqiido iyo shareeco labadaba lagu
muransan yahay. Kuwa caqiidada iyo shareecada qorayey marka ugu horraysa waxa
ay daliishan jireen Qur’aanka iyo xaddiiska oo ahaa maskaxo badan oo la isku
geeyey, intaas ka dib waxa ay daliishan jireen hadalladii wadaaddada laga soo
bilaabo saxaabadii, ka dibna iyaga ayaa maskaxdooda ka hindisi jirey caqiido
iyo shareeco. Waxa maanta shareecada loo yaqaani waxa ay u badan yihiin
hindiseyaashii fuqahada oo in la fahmaa aysan ku fududayn sidii facii
saxaabada wax loo fahmi jirey oo sahlanayd, waxaana hubaal ah shareecada
maanta jirta haddii nebigii uu soo noolaado in uusan fahmeen. Shareecadu sida
xaddiiskii oo kale ayey kutubteedu isku wax ku saabsan yihiin oo saddex kitaab
oo shareeco ah qofkii akhriyaa kutubaha kale isla wixii buu ugu tegayaa. Waxa
aan uga jeedaa kutubaha diinta badnaantooda iyo tiradooda in aan loo malayn in
ay waxyaalo ka la duwan yihiin ee la fahmo qofkii dhowr kitaab arkaa in uusan
kuwa kale u baahnayn in kasta oo laga yaabo in qarni kasta la hindiso aragtiyo
shareeco ah, waayo wadaaddadii diinta Eebbe fasiray waxa ay sheegeen in
shareecada Alle ay ka mid yihiin ”Dadaal” iyo ”Qiyaas” oo ay uga jeedeen in uu
wadaad kastaa labadaas ka soo saari karo shareeco aan hore u jirin oo dadaalka
iyo qiyaaska wadaaddadu ay diinta islaamka hormood ka yihiin. Haddii la
isbarbar dhigo Qur’aanka, xaddiiska iyo shareecada ay wadaaddada ka la duwani
hindiseen waxaa ugu faahfaahsan oo ugu culus midda wadaaddada, waxaa ku xiga
xaddiiska oo aynu sheegnay in ay ummaddu qarniyo allifayeen, waxaana ugu
kooban Qur’aanka oo aysan shareeco badan oo faahfaafsani ku qornayn oo
shareecadda ku qoran ay ugu weyn yihiin labo aayadood oo dhaxalka ka hadlaya.
Qur’aanka waxa sidaas u koobay in ay dadka iska kaashaday yaraayeen iyo in aan
xilligiisii la la falgelin fakarka iyo hindiseyaasha qoraallada.

Intaas aynu sheegnay bay diintu ka kooban tahay ee waxa aad isweydiisaa in ay
ka qalin jebin karaan dhowr arday oo kulliyado ka la duwan ka qaata Ph D oo ah
”Doctor of philosophy” oo uu macneheedu yahay qof gaarey heer uu falsafadda
wax ku soo kordhin karo oo uu fakari karo ama uu wax u naqdiyi karo si
sarraysa. Kow Qur’aanka, xaddiiska iyo shareecada aynu hayno dhammaantood waxa
uu qofkii arday fiican ahi aragti ku filan kaga qaadan karaa xilli gaaban oo
in kulliyado loo ka la qaybiyo la ma fahmi karo. Labo ardayda dhigata
kulliyadahaasi waa wadaaddo taqiyaal ah oo waxa ay baranayaan loo ma oggola in
ay naqdiyaan oo waa wax muqaddas ah oo sidooda loo xafido ee aan la
falsafadayn karin. Saddex kuwa shahaadaas sare ee fakarka lagaga soo raray
jaamacadaha islaamku ma ay keenaan fakar ka duwan ama ka sarreeya midka ay
hayaan xerta masaajidda diinta ku bartay oo wadaad kastaa midka kale ayuu la
heer yahay, waxa ayna khaddii ka horraysey ugu dheggan yihiin sida xeraha oo
fiilasoofiyiin ma aha ee waa cajalado lagu duubay carabi hore. Kulliyadaha
islaamiga ah waxaa ka mid ah mid luqadda ah, waxa aanna filayaa in aan
culuumta afafka ee caalamka laga barto lagu dhigan ee afka carabiga keli ah
lagu barto oo naxwe, sarfi iyo balaaqo carabi wakhtiga lagaga lumiyo arday u
baahan in uu aqoonta afafka barto, ka dibna isaga oo af carbeed keli ah yaqaan
la siiyo Ph D luqadeed! Waxa aad niyadda ku haysaa in waxbarashada sare looga
jeedo in ardayga la gaarsiiyo in uu wax cusub hindisi karo ama uu naqdi sare
samayn karo. Wadaaddada Ph D miiran lagu soo taxay waxa ay hayaan in ay niman
carab ah oo jaahiliin ahaa ammaanaan oo qofkii carabtaas dhalliila ay gaal ku
sheegaan, sidaas darteed adiga ayey kuu taal in aad fahantid in ay raggaasi
falsafad sare gaareen iyo in ay yihiin warshadda soo saarta Ashabaab oo ah
ururka ugu caqli xun adduunka oo maskaxda ka qufulan.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...