Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Islaamnimadu ma ka joojin kartaa qofka falalka xun?

W/Q: Shaafici Xasan Maxamed
Aragtiyo 0
2.6k
ยท

12/7/2018

Islaamnimadu ma ka joojin kartaa qofka falalka xun?

Q ofku in uu muslim yahay oo uu Eebbe rumaysan yahay miyuu xaaraanta isaga
daayaa? Dadka soomaaliyeed maanta 100% waa ay tukadaan, haddana qofkii meel
masuul ka noqdaa waa uu musuqmaasuqaa. Magaalooyinka soomaalida waxaa ku badan
tuugada dadka furta oo qof telefoon sitaa habeenkii magaalo ma uu dhex mari
karo. Waxaa jira dalal aan wax diin ah laga haysan oo uusan musuqmaasuq ka
jirin, isla markaas dadka u dhashay aysan tuugnimo aqoon.
Haddaba in xaaraanta la iska daayo diin laga ma qaato ee ugu horrayn waa in ay
dadka baahidu ka baxdaa. Waa in dastuurro ad adag oo xaaraanta xakameeya xilli
dheer lagu socdaa. Waa in ay bulshadu tarbiyowdaa oo uu qof kastaa akhlaaq
yeeshaa.

Akhlaaqda tusaale yar haddii aan ka sheego dhulka soomaalida carruurta ku
dhaqani magaalooyinka aad bay u akhlaaq xun yihiin. Guryaha tarniiggooda sare
iyo daaqadohooda habeen iyo maalin dhagxan baa lagu garaacaa, isla markaas
ciyaalku qof meel iska maraya ayey tuuryeeyaan. Haddii aan daaqadaha bir laga
dhigin ciyaalku dhagxan bay ku jebiyaan. Dadka fiidkii iyo galabtii deyrarka
guryaha fadhiya dhagxan baa haleesha oo dad badan bay dhaawacyo ka soo gaaraan
tuuryada carruurta. Baabuurta waa in ay dadka lihi waardiyeeyaan si aysan
carruuri dhagxan muraayadaha ugaga jejebin. Waxa aynu aragnay dalalka
badankooda in ay daaqadaha iyo derbiyadu dhalo yihiin, isla markaasna aysan
jirin carruur dhagxisa oo jebisaa, baabuur ciyaal laga waardiyeeyaana ma ay
jiraan. Qofkii qurbe ku raagey haddii uu dhul soomaaliyeed tago waa uu la
yaabayaa akhlaaqda dadka dhulkii ku dhaqan. Sidaas darteed soomaalida
tarbiyada ayaa ka xun, silic iyo fawdo ayeyna ku jiraan.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...