Islaamku sidee ku faafay?

Diinta islaamku waxay ka bilaabatay magaaladda Makka ee dhacda galbeedka
Sucuudi-Carabiya, muddo saddex iyo toban sannadood ah ayuu nebi Maxamed dadka
ka baryayey inay diinta soo galaan, dad yar oo ehelkiisa ahaa iyo addoon ay
ehelkiisu lahaayen ama uu isagu lahaa ayaa raacay muddadaas.
Dhib badan markuu Makka kala kulmay nebigu wuxuu isku dayey magaalo la
yidhaado Daa’if inuu hawshii kawado waxase loogu jawaabey dhagax, aflagaado
iyo burin lagasoo buriyey magaaladii. Nebi Maxamed waxaa u soo baxday sidan uu
wax ku wado inaaney soconeyn waajibna ay tahay inuu isbedel la yimaado.
Nebi Maxamed wuxuu u wareegey magaalada Madiina oo dhacda ~400km waqooyiga
Makka, dad kooban ayaa la guurey qaar kalena dhulka immika loo yaqaan Itoobiya
ayay magan galyo waydiisteen. Nebigu wuxuu heley dad cusub oo qaatey
fikirkiisii taasina waxay ku dhiiri gelisey inuu dagaal wax ku doono maadaama
dhowr iyo toban sannadood kaga lumeen nabad iyo baryootan.
Nebi Maxamed wuxuu lasoo baxay qorshe cusub oo ah inuu dagaal iyo xoog dadka
ku islaamiyo, waxaa u soo baxday in diinta uu wato aanay nabad iyo baryootaan
ku faafeyn hankii uu lahaana aanu ku gaadheyn, sidaa darteed gebi ahaanba
waxaa meesha ka baxay islaamkii Makkiga ahaa ee nabdoonaa waxaana yimi
islaamka madaniga ah ee ku dhisan seefta iyo duullaanka.
Nebi Maxamed wuxuu nasakhay gebi ahaanba xeerarki wanaagsana ee Makkiga ahaa
ee fareyey dadka in aan lagu qasbin diinta lana dhibaatayn, (لا اكراه في
الدين) waxa lagu bedeley ( من بدل دينه فأقتلوه), kii doona ha rumeeyo kii
doonaana ha diido waxaa bedeley (ان الدين عند الله الاسلام ) nabaddii iyo
wanaagiina waxa lagu bedeley colaad (فأقتلو المشركين حيث وجدتموهم).
Nebi Maxamed wuxuu ahaa nin aad u caqli badan, dhaqanka iyo shucuurta qabaliga
ah ee reer tolkii Qurayshna aad u yaqaanna, ninkastana wuxuu yaqaaney
tamartiisa iyo saamaynta uu tolka ku dhex leeyahay.
Si loogu arko nin tolkiisii dhoweysanaya isla markaana ka ilaalinaya inay
dadka ku kiciyaan ayuu qaar tolkiisa ka mid wuxuu siin jirey hanti fara-badan
oo laaluush ah nooc walbana leh lagana bixinayo Sakada muslimiinta laga soo
uruuriyo, laaluushkaas waxa loo bixiyey raggii qaadan jirey (المؤلفة قلوبهم),
kooxdii qaadan jirteyna waxaa ka mid ahaa Abu-Sufyaan Al-Xarbi iyo Ya’li Bin
Umayah, bixinta laalushkaas waxa la laalay geeridii nebiga kadib.
Nebi Maxamed wuxuu dadkii u sheegay in gaalada saddex la kala dooransiiyo,
inay muslimaan inay baad bixiyaan iyo in madaxa laga gooyo. Wuxuu yidhi nebigu
(بعثت بين يدي الساعة والسيف), wuxuu kaloo yidhi quudkayga waxaa la galiyay
warankayga oo micneheedu yahay dhaca hantida gaalada (وجعل رزقي تحت رمحي)
taasina waxay ku dhiirri gelisey dad badani inay ciidanka islaamka ugu biiraan
inay wax dhacaan oo keliya (الغنيمة).
Wuxuu nebigu yidhi waxa la i amray in aan dadka la dagaalmo oo laayo ilaa ay
ka muslimayaan امرت ان اقاتل الناس حتى) يشهدو ان لا الله اله الله) Illaahayna
wuxuu faray nebigiisa inay la dagaalamaan kuwa aan Illaahay rumaysnayn iyo
maalinta danbe (قاتلو الذين لا يؤمنون بلله ولا بليوم الاخر), halkaa waxa kaaga
soo baxaysa in qofkasta oo muslim ahi yahay argagixiye hurda oo sugeya inta uu
xoog yeelanayo iyo in islaamku xoog oo keliya ku faafay.
Halkaas ayaa waxaa ka bilawday duullaamadii ay carabtu adduunka ku kala
bixiyeen iyagoo ku qasbaya dadka kalana doorransiineya inay diintoodan cusub
qaataan ama lacag baada bixiyaan haddii ay labadaas mid dooran waayaana la
xasuuqo raggooda, dumarkooda iyo caruurtoodana la addoonsado oo muslimiintu
qaybsadaan.
Ka warran maanta hadii ciidamo Shiinays ah ama Hindi ahi dalkeena qabsadaan
iyagoo leh Illaahay ayaa na soo diray? Kawaran hadday ina kala doorransiiyaan
inaan diintooda qaadano, haddaan diidnana aan baad bixino, haddii aan diidno
ay xasuuq iyo addoonsi isugu keen daraan? Diinta islaamku waxba kama duwana
awood shisheeye oo qabsatay dhul aanay lahayn.
Saw gar ma ahayn in diinta loo soo bandhigo aadanaha oo dhan kii doonaana ha
qaato kii kalena ha iskaga tago? Maxaa qasabka keenay?
Foolxumooyinkii iyo xasuuqi ay muslimiintu kula keceen dadyowgii ay
dhulalkooda qabsadadeen waa wax laga xishoodo una baahan in la iska fogeeyo
raaligelina laga bixiyo duullaamadaas dhagaraysnaa dhibka badanina uu ka
dhashay, laakiin taa bedelkeeda waxa la subkayaa oo maalin walba rag diimeedku
shaadh hor leh u xirayaan danbi oogayaashii falalkan ku kacay iyo
falalkoodaba.
Reer Yurub adduunkay ku duleen si ay dadka u addoonsadaan, khayraadkana u
dhacaan, dadka badh laayaan badhka soo hadhayna qasab kiristan kaga dhigaan,
marka la waydiiyo foolxumooyinkaa waxa ku kallifay waxay dhehaan dadka ayaanu
ilbixineyney oo cawaan bay ahaayeen, halka Muslmiintuna yidhaahdaan farriintii
Illaahay baanu gaadhsiinayney. Labada duullaan waxba kuma kala duwana.
Islaamku wuxuu ku faafay halgan hubaysan oo carabtu ku qaadday adduunka
ujeedkuna wuxuu ahaa ilaa maantana yahay in la helo dawlad diimeed sal-
ballaadhan carabina madax u tahay, deegaanka carbeedna caasimad u yahay laga
xukumo dhulwaynaha islaamka si madaxnimo, dhaqaale, ciidan iyo addoonba loo
keeno lama-degaanka carbeed.
Islaamku hadduu yahay wax Illaahay soo diray sida cad-ceedda ama hawada ayaa
Illaahay inoo deeqsiin lahaa, haddii islaamku dhab ahaan yahay diin Illaahay
soo diray koox hubaysani innaguma qasabteen cid diida oo la dilo ama baad laga
qaadana lama arkeen.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida