Islaamku muxuu ka qabaa qofka ka noqda diinta (Murtadka)?

Diinta islaamka waxaa ku jira wax badan oo garashada diideya iyaguna is
burineya waxaana ka mid ah waxyaabahaas xukunka lagu rido qofka ka noqoda
rumeynata diinta (حد الردة).
Illaaha Quraanku wuxuu kitaabkiisa ku xusay in rumayntu aanay qasab ahayn (
لَا إِكْرَاهَ فِي الدِّينِ)[1](https://kaashomaanka.com/qofka-ka-noqda-
rumaynta-islaamka-maxa/#easy-footnote-bottom-1-836). Illaahay wuxuu aayad kale
ku canaantay nebiga isagoo leh (ma adaa dadaka ku qasbaya inay rumeeyaan
diinta – أَفَأَنتَ تُكْرِهُ النَّاسَ حَتَّىٰ يَكُونُوا
مُؤْمِنِينَ)[2](https://kaashomaanka.com/qofka-ka-noqda-rumaynta-islaamka-
maxa/#easy-footnote-bottom-2-836), wuxuu kaloo Illaahay aayadan ku leeyahay
(Kii doona ha rumeeyo kii doonaana ha diido – فَمَن شَاءَ فَلْيُؤْمِن وَمَن
شَاءَ فَلْيَكْفُرْ)[3](https://kaashomaanka.com/qofka-ka-noqda-rumaynta-
islaamka-maxa/#easy-footnote-bottom-3-836).
Rumeynta iyo rumeyn la’aantu waa xaq asaasi ah oo ay aadanuhu leeyihiin mana
jirto cid kaa yeelaysa qasab, laakin waxaa laga yaaba in muddo ah in
arrinkaagu kuu hir galo ugu danbayntase aadanuhu wixii lagu qasbo waa turaan.
Nebi Maxamed (571-632) oo isagu ahaa ninka la yimi diinta islaamka iyo
Quraanka ay ku jiraan aayadaha sare ku xusan ee quruxda badani ayaa wuxuu la
yimi wax ka hor imanaya oo burineya. Sida la sheego xadiiska lagu baneynayo in
la dilo qofka ku qanciwaaya diinta ee ka laabta (من بدَّلَ دينَهُ
فاقتُلوهُ)[4](https://kaashomaanka.com/qofka-ka-noqda-rumaynta-islaamka-
maxa/#easy-footnote-bottom-4-836) wuxuu ka sugnaaday nebiga laftiisa.
Hadaba waydiintu waxay tahay xadiiska iyo aayadda kee mudan in la qaato?
Nebiga oo isagu labadaba la yimi kee ku diidnaa keese ka yeelaa? Mise labadaba
waan iska tuurna? Nebiga iyo Illaahay kee warkiisu culus yahay?
Xadiiskani waxa weeye qodob sharciyeed oo siyaasadaysan kana baxsan xayndaabka
rumeynta, waana qodob loogu talo galay in taliska diimeed ee islaamka lagaga
ilaaliyo inuu saaqido. Qaar baa waxay ku odhanayaan aayadaha qaar waa la
nasakhay, haddii la nasakhay maxay meesha ugu jiraan? Waa run diintu marxalday
soo martay, xili baa jirey Illaahay lahaa dadka bari ama tuug oo ha qasbin
xili kalena wuxuu lahaa dil oo dhac waddo walbana u istaag adiga oo aan cidna
ka baqayn anaa kula jiree.
Waydiintu waxay tahay awoodaha Illaahay iyo xooggiisu miyaanay mar walba jirin
? Maxa kala duwey labada magaalo inta u dhexaysa waa Makka iyo Madiinee? Mise
hawshan nebiga keliyaa watey oo wuxu hadalkiisa ku jaan goyneyey kolba
awooddiisu intay le’ekeyd? Diintu haddii ay isla bedeshey labadaa magaalo
maxaa diideya inay isbedesho maanta oo aan ka joogno waagii rasuulka 14 qarni?
Mise ninkii wax ka bedeli lahaa baan joogin? Mise wax waa laga bedeley laakiin
xukunkan uun baa loo reebay si talisku aanu u saaqidin oo looga yaacin?
Nebi Maxamed markuu dhintay badi qabiilooyinkii carbeed ee qasabka lagu
islaamiyey way ka laabteen diintii waxayna diideen inay canshuurtii bixiyaan,
qaar kalena nebiyo ayay samaysteen. Abu-Bakar (573-634) ayaa qaab qabyaaladi
ku jirto u dhaxlay taladii taliska wuxuuna dagaalo siyaasdaysan (حروب الردة )
ku qaaday qolooyinkii diidey inay hoostagaan isaga, isagoo ka baqaya in
talisku furfurto maadama dad badani ka laabteen welibana ay cashuurtii
diideen.
Kawarran haddaan kuugu yeedho inaad dukaankayga soo gasho welibana aan ammaan
ka badiyo waxa aan ku iibineyo meesha iyo tayadooda oo aan ku idhaahdo qiima
dhimis wayn baan kuu samayn, marka aad ku qanacdo ee aad gashana aad ogaato
inaan been ku sheegay kadibna aan ku idhaahdo hadaad isku daydo inaad baxdo
madaxaan kaa goyn?.
Xukunkaa dilka ahi wuxu horseeday in aduunyadan maanata aan joogno ay
argagixiso la ciirciirto, qolyaha culimada Islaamka sheegtaana ay iska
fogeeyaan iyagoo og inay xaq ku taagan yihiin argagixisadu oo aanay waxba ka
duwanayn Abu-Bakar iyo duullaanadiisi siyaasadaysanaa.
Dadku xoolo maaha maankoodana isbaaro looma dhigan karo ama inta meel lagu
hooyo lama odhan karo kii baxa dila. Xukunkaasi wuxuu kaloo ina tusayaa inay
diintu tahay talis siyaasadeed carbeed oo aan rumeynta xorta ah shaqo ku
lahayn loogana cabsi qabo inuu fufurto oo saaqido.
Xukunkaasi wuxuu muujinaya siday diinta islaamku u tahay wax aan la jaanqaadi
karin waqtiga la joogo, waayo kasta garashada iyo maankana aan u roonayn,
hadday wanaagsan tahay oo ay macaan tahay sida dadka qaar ku hadaaqaan maxa
loogu jidh dilaa caruurta si ay u bartaan Quraanka, u tukudaan ama hablaha
dhar culus lagu duuduubaa.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida