Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Islaamku miyuu mamnuucay is addoonsiga?

W/Q: Hanad Geeddi
Diimaha 1
9.9k
·

2/5/2020

Islaamku miyuu mamnuucay is addoonsiga?

S ida ay aaminsanyihiin dadyawga muslimka ahi islaamku waxa uu u yimid
hirgelinta caddaalad, sinaan iyo in uu insaanka ka xoreeyo u addoon ahaanshaha
addoomada oo uu ku bedelo u adoonsanaanta laahay kaligii. Qiyaastii 99% dadka
muslimka ah haddii aad waydiiso addoonsiga waxa uu ka qabo islaamku waxa ay
kuugu jawaabayaan “Islaamku wuu mamnuucay adoonsiga iyo ka ganacsiga
aadanaha”. Sababtoo ah waxa aanay aqoon buuxda u lahayn halka uu Islaamku iska
taagay arrinkani. Taas badalkeedana waxa had iyo jeer dhagahoodu maqlaan
xadiis tibaaxaya in dadku ay u simanyihiin sida faraha garfeedha (shanlada) oo
kale iyo odhaahdii Cumar binu Khadaab ee ahayd “Goorma ayaad addoonsateen
dadka iyadoo ay hooyooyinkood dhaleen iyaga oo xor ah”. Midda kale waa wax
foolxun oo damiirka qofka caadiga ahi uu diidayo in qof uu qof kale oo la mida
uu ka dhigto shay uu iska leeyahay oo uu markuu doonana sii iibin karo.

Hadaba sidee loo odhan karaa islaamku wuu sharciyeeyay is addoonsiga? Maxaase
ka jira dhalleecada ah in Islaamku ku yeedhayo kala sarraynta iyo is
adoonsiga?
Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa biyo sacabadaada ayaa lagaga dhargaa, ee
indhahaaga ku arag wax kasta oo ku saabsan mawduucan isaga ah. Adigoo
akhrinayana ka jawaab su’aalaha maankaaga ka guuxaya ee ku saabsan addoonsiga.

Dhaqanka addoonsiga aadanuhu waa dhaqan soo jireen ah oo ay ku dhaqmi jireen
ummadihii hore ee waqtigii uu aadanuhu ku jiray mugdiga ilbaxnimo iyo
aqooneed. Dhaqamadiii iyo diimihii horena waa ay ka sinnaayeen ka ganacsiga
iyo adoonsiga dadka kale. Carabtuna waxa ay ka mid ahaayeen ummadihii ku soo
dhaqmi jiray dhaqankani. Xittaa si ay ugu dhawaadaan ilaahyadii ay caabudi
jireen way xorayn jireen addoomada mararka qaarkood. Waxaa la soo wariyay in
Xakiim binu Xuzaam binu Khuwaylid oo ahaa xaaskii muxamad ee Khadiija ina-
adeerkeed uu xoreeyay 100 qof oo addoomo ah xiligii jaahiliga ee islaamka ka
horreeyay. Islaamkuna waxba kamuu badalin dhaqankii is addoonsiga ee soo
jireenka ahaa. Qawaaniin iyo axkaam u khaasa sidii loola tacaali lahaa dadka
ku jira xayndaabka adoonnimadana wuu sameeyay. .Waxaana taas ka markhaati ah
tiirarka Islaamku ku taaganyahay oo dhan sida; Quraanka, Xadiiska iyo Siirada
(Taariikh nololeedka Maxamed).

QURAANKU MUXUU KA YIDHI IS ADDOONSIGA?

Islaamka waxa dastuur iyo xeer u ah Quraanka oo ah tixraaca koobaad ee uu ugu
laabto qofka muslimka ahi caqiidadiisa iyo axkaamta kala duwan ee noloshiisa
khuseeya. Marka ay ummadi xeer yeelato waxaa qasab ah in dadkaas uu ka
dhexeeyo xeerku ayna u sinnaadaan xuquuqda iyo waajibaadka dastuurkoodu u
dhigayo. Muslimiintuna waxa ay filayaan taasi oo kale, oo waaba kii jiray
xadiiskii ahaa (Muslimiintu way simanyihiin sida faraha garfeedha oo kale).
Hase-yeeshee waxaa marag ma doon ah in quraanku marka uu wax waajib ah dadka
farayo ama uu wax ka reebayo uu u kala saarayo dadkiisa labo qaybood oo
waawayn xor iyo addoon. Marka laga yimaado qofka muslimka ah ee xorta ah hab
dhaqanka loola dhaqmayo addoonta ee quraanku dhigayo waxa uu koobsanayaa;
xuquuqda addoonku maxay tahay? Sidee loola dhaqmayaa marka ay noqoto guurka?
Ma la guursanayaa addoonta mise maya? Haddii u qof xor ahi dilo addoon, dil ma
loogu qisaasi karaa sida dadka kale ee xorta ah mise maya? Miyay banaantahay
in loo galmoodo gabadha addoonta ah iyadoon raali ka ahayn oon laba guursan?
Xagga cawrada maxay ku kala duwanyihiin naagta addoonta ah iyo tan xorta ahi?
…iwm.

Addoontu kuma koobna kaliya dadka aan muslimka ahayn ee way soo galayaan
bulshada addoonta ah muslim iyo muslim la’aanba. Aayaddan soo socota waxaa si
cad loogu kala saaray mu’miniinta iyagoo la leeyahay “ha guursanina naagaha
mushrikiinta ah oo waxaaba idiinka wanaagsan mid addoon ah oo mu’minad ah.
Gabdhoow idinkuna ha guursanina nimanka mushrikiinta ah waxaana idiinka roon
addoon mu’min ah inaad guursataane”. Halkaas ayay ku kala hadheen labada
qaybood ee muslimka uu quraanku u qaybiyay oo kala ah mid xor ah iyo mid
addoon ah.

وَلاَ تَنكِحُواْ الْمُشْرِكَاتِ حَتَّى يُؤْمِنَّ وَلأَمَةٌ مُّؤْمِنَةٌ خَيْرٌ
مِّن مُّشْرِكَةٍ وَلَوْ أَعْجَبَتْكُمْ وَلاَ تُنكِحُواْ الْمُشِرِكِينَ حَتَّى
يُؤْمِنُواْ وَلَعَبْدٌ مُّؤْمِنٌ خَيْرٌ مِّن مُّشْرِكٍ وَلَوْ أَعْجَبَكُمْ
أُوْلَـئِكَ يَدْعُونَ إِلَى النَّارِ وَاللّهُ يَدْعُوَ إِلَى الْجَنَّةِ
وَالْمَغْفِرَةِ بِإِذْنِهِ وَيُبَيِّنُ آيَاتِهِ لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمْ
يَتَذَكَّرُونَ
البقرة – 221

Bulshada addoonta la yidhaa waxa sharcinimadooda iyo shuruucda ku saabsan lagu
sheegay quraanka dhexdiisa Illaa 29 aayadood. Tusaale ahaan aayadaha Milkul
yamiinta (dumarka addoonta ah) ka hadlaya waxaa ka mida: Suuradda Nisaa 3,
Nisaa 24, Nisaa 25, Nisaa 36, Naxli 71, Mu,miniin 6, Nuur 31, Nuur 33, Nuur
58, Ruum 28, Axzaab 50 (labo mar ayaa lagu sheegay aayaddani), Axzaab 52,
Axzaab 55, Almacaarij 30.

Guurka haweenka

Quraanku wuu ku boorriyay muslimiinta dhaqankaasi siiba marka uu ka hadlayo
nikaaxa (galmada). Ninka ragga ah ee muslimka ah waxa u bannaan in uu u
galmoodo labo naagood mid uun; mid uu qabo iyo addoontiisa sida ay dhigayso
aayada (Mu’miniin, 5). Halkan kuma cadda kaliya sharcinimada inaad mulkidid
insaan kale. Waxa aynu ka baran karnaa xuquuqda uu u yeelay quraanku qofka
addoonka ah. Qofka adoonka ahi ma aha qof isagu u xor ah noloshiisa oo dooran
kara cida uu guursan karo iyo mustaqbal nololeed oo u gaar ah inuu yeesho
balse waa uun shay sidii xoolaha oo kale gacanta ugu jira qof kale oo uu ugu
yeedho Sayidkiisa. Gabadha addoonta ah ninku wuu u galmoon karaa umana baahna
inuu marka hore guursado ama uu waydiisto ogolaansheheeda. Kufsiga gabdhaha
addoonta ahi waa sharci quraani ah oo uu Ilaahay ku boorriyay kuwa rumaysan.
Ragga muslimiinta ah ee aan awoodin inay guursadaan waxa uu Allaah ugu baaqay
inay iska isticmaalaan naagaha addoonta ah haddii aanay haysan xoolo ay ku
guursadaan kuwa xorta ah, aayadda (Nisaa, 25) waxa ay leedahay “qofka aan
awoodin in uu guursado dumarka muxsinaadka ah ee xorta ah , ha iskala galmooda
kuwa addoonta ah ee aad mulkidaan”.

Qisaasta

Qisaaska waxa loo yaqaanaa sharci uu quraanku u dhigay danbiyada sida dilka,
tuugada iwm. Sidaan soo sheegnayna dadku waxa ay u qaybsan yihiin sida
quraanku jidaynayo addoommo iyo dad xor ah. Hadaba haddii uu qof xor ahi dilo
qof addoon ah ma la mid baa marka uu qof xor ahi dilo mid la mid ah oo xor ah
? Jawaabtu waa maya!! addoonka haddii la dilo looma dilayo haddii qofkii dilay
uu xor yahay. Aayadda (Baqara 178) waxa ay faraysaa in qofka xorta ah loo dili
karo mid xor ah kan addoonka ahna addoonka loo dilayo.
Halkaasina waxa inooga cad inaanay sinnayn muslimka laftoodu una kala qiimo
badan yihiin xor iyo addoon hadba midka uu yahay qofka muslimka ahi, ka aan
muslimba ahaynna hadalkiiba daa.

Haweenka dagaaka lagu qafaasho

Intaasoo dhan waxa ka sii layaab badan haweenka dagaalka lagu soo qabsado
quraanku waxa uu banneeyay in loo galmoon karo xitaa kuwooda marwooyinka ah ee
la qabo. Waxa la soo wariyay dagaalkii Xunayn(630 CD) la odhan jiray in ay
asaxaabtu soo qafaasheen dumar badan oo ay ka mid ahaayeen kuwo la qabo. Isla
markiibana waxay bilaabeen raggii saxaabada ahaa inay naagihii u galmoodaan
(kufsadaan) markaasaa marka ay gabadh xaas ah ay ku soo hagaagaan ay ku
qayliyaysay war i daaya xaas ayaan ahaye! oo xittaa qaarkood wayba garanayeen
raggii qabay haweenkani. Markaasay u yimaadeen Muxamad oo ay uga qisoodeen
dumarkan la qabo maadaama ay niyaddoodu siin wayday inay u galmoodaan kuwooda
xaasaska ah (saxiixul muslim nambarka xadiiska 1456). Isla markiiba waxaa ku
soo dagtay Muxamed aayad quraana oo u bannaynaysa asaxaabta inay u galmoodaan
xaasaska la soo qafaashay sida ay gabdhahaba ka yeelayeen oo kale.
(والمحصنات من النساء إلا ما ملكت أيمانكم) Tafsiirka Dabari waxa uu leeyahay
way bannaantahay addoonta in loo galmoodo xittaa hadii ay xaas tahay.

Waajibaadka

Xagga waajibaadka la saaray muslimiintu waxay u qaybsan yihiin xor iyo
addoon.. tusaale ahaan naagta adoonta ah kuma waajibin inay is xijaabto.
Culimada islaamku dhamaan waxa ay isku raaceen in naagta addoonta ah
cawradeedu tahay xundhurta iyo jilbaha inta u dhaxaysa sida ay sheegayso
aayadda quraana ee waajibisay xijaabka. Aayadda macneheeduna waa sida tan;
Xijaabka waxaa lagu faral yeelay hablaha muslimiinta ah ee xorta ah si loo
kala garto tan addoonta ah iyo midda xorta ah.

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa xalaal dharaar cad baa la qashaa’e arrinka ku
saabsan jidaynta addoonsigu waa wax uu Alaah si cad ugu xalaaleeyay
quraankiisa ciddii xaaraan ka dhigtaana ay ku kasbanayso danbi ah inuu
xaaraantimeeyay wax uu ilaahay xalaal ka dhigay.

Waxaa la soo wariyay in Maxamad uu maalin maalmaha ka mida isaga oo jooga
gurigii xaaskiisa xafsa uu la galmooday naag addoontiisa ahayd oo la odhan
jiray Maariya, xilli ay xaaskiisu ka maqnayd guriga. Waxa dhacday in Xafsa ay
ogaatay arrinkii dabadeedna ay ka xumaatay. Qamuumyadii iyo masayrkii ku
dhacay darteed waxa ay hadal canaan iyo murug iskugu jira kula dul dhacday
Maxamad iyadoo odhanaysa sida tan; Ma maalinkaygii, ma gurigaygii iyo
furaashkaygii ayaad sidaa ku samaysay? Markaasuu ugu jawaabay maxamad miyayna
ku raalli galinayn hadaan iska xaaraam yeelo oonan u dhawaan waligay? Iyadna
haa ayay ku jawaabtay. Dabadeed sidii ayuu ku xarrimay inuu mar danbe u
galmoodo addoontaasi. Maxaase ka danbeeyay? Sidaan horeba idiinku soo
carrobaabay lama xaaraantimayn karo wax uu ilaahay banneeyay oo ah in loo
galmoon karo addoonta iyadoon la warsan ogolaansho ama guurba meesha oolin.
Waxaa isla markiiba soo dagtay aayad lagu canaantay Maxamed oo odhanaysa “Nabi
alloow maxaad iskaga xaaraam yeelaysaa wax uu ilaahay kuu xalaaleeyay adiga oo
raadinaya raalli ahaanshaha xaasaskaaga” ( يا أيها النبي لم تحرم ما أحل الله
لك تبتغي مرضاة أزواجك
).

Ma jirto kalmad ama aayad badhkeed oo xaaraantimaysay dhaqanka addoonsiga
balse waxay dadka qaar hadana ku doodaan in uu quraanku jideeyay waxa loogu
yeedho kafaarada oo ka dhigan danbiyada qaarkood qofkii gala in looga dhigo
ciqaab inuu xoreeyo qof addoon ah. Taasi oo iyada lafteedu ka mid ahayd
dhaqamadii ay carabtu hore u lahaayeen sidii aynu hore ugu soo sheegnay
qisadii Xakiim binu Xuzaam binu Khuwaylid. Kafaarada lafteeduna may ahayn wax
uu Islaamku keenay siday doontaba ha ahaatee hadana lamaba odhan karo waxay
ina tusaysaa in la rabay in tartiib tartiib loo joojiyo is addoonsiga. Marka
koobaad addoon xorrayntiisa waxaa ka horraysa addoon inuu jiro oo uu marka
horeba sharci yahay mida kale kafaaradu waa wax lagu ciqaabayo qof danbi galay
ee ma aha wax loogu danaynayo qofka dhibanaha ah ee addoonka ah, maxaa yeelay
haddii aanu danbiba gali lahayn qofkan kafaarada la faray addoonkaasi lamaba
xoreeyeen. Intaasoo dhanna waxaaba ka sii daran aayado 20 kor u dhaafay oo ka
sheekaynaya sida loola tacaalayo addoomada oo aynu qaar soo sheegnay ayaa
buuxa halka aanay ka jirin aayad kaliya oo mamnuucday. Midda ugu danbaysa
quraanku wuxu jideeyay Jihaadka. Mar kasta oo jihaad yimaadona waxa imanaya
bililiqo (qaniimo) iyo qafaalasho iyo addoonsi. Intaasi oo dhamina waa wax
waligii jiraya oon ahayn wax xilli hore intuu dhacay deedna laga soo gudbay.
Sidoo kale su’aal aad u muhiima ayaa halkaasi ka soo baxaysa oo ah; Quraanku
ma ku habboon yahay goor kasta iyo goob kasta? Haddii aynu qaadanno jawaabta
togan ee leh wuu ku habboonyahay waxaynu ku qasbannahay inaynu sidaa u kala
ahaanno addoon iyo xor. Haddii aynu jawaabta taban qaadanno oo aynu ka soo
qaadno wax laga soo gudbayna waxay noqonaysaa quraanku kuma habboona goor iyo
goob kasta e waa wax ka warramaya wax laga tagay oo 1400 sanno ka hor dhacay
oo aan haba yaraatee waqti xaadirkan la socon karin, waxaana a dhalanaysa in
axkaam badan oo addoonsiga lamida iyagana ayna ka gudubno maadaama ayna la
jaanqaadi karin waqtigan.

ADDOONSIGA IYO SUNNADA

Ka hor intaynaan u galin dhaqanka is addoonsiga iyo waxa ay ka qabto sunnada
maxamad waxa habboon inaynu horta isla garano waxa uu ka dhiganyahay sunnuhu.
Sunnuhu waa wax kasta oo laga soo wariyay Muxamad oo hadal uu afka ka yiri
ah ama fal uu isagu sameeyay amaba wax uu qiray oo aanu dadka ka reebin.
Haddii shay sadexdaas midkood laga helo, shaygaasi waxa uu noqonayaa wax
sunne ah oo ay waajib ku tahay muslimka inuu kaga daydo nabigiisa.
Dhaqanka is addoonsigu hadaba waxa uu ku cadyahay maaha mid kaliya oo
saddexdaas sunnaha lagu qeexay oo kala ah: hadal, fal iyo qiraal wuu ku soo
arooray, balse sadexdooduba way caddaynayaan in dhaqankani yahay mid asal ah
oo sunne ah.

Halkan hoose waxan idinku soo bandhigayaa axaadiis badan oo caddaynaysa in
dhanka aragtida Islaamka ay dadku u qaybsan yihiin Kuwo sayiddo ah oo xor ah
iyo kuwo saadaatkaas u addoon ah oo aan sinaba kula sinnayn xuquuq iyo
dadnimo toona.

Waa marka koobaade waxaa ka sugnaaday maxamad axaadiis faro badan. Kuwaas oo
dhamaan sugaya in adoonsigu uu yahay dhaqan islaamku jideeyay. Kutubaha
xadiiska lagu ururiyay ee waawayn waxaa kaalinta ugu horraysa kaga jira kan
loogu yeedho Saxiixul-bukhaariga. Kitaabkaasi waxa ka mida cutub dhan oo loogu
yeedho cutubka kala iibsiga adoomaha. Meelo kale oon cutubkaas ahayn xittaa
waa lagu sheegay addoonta sida loola dhaqmayo. Waxaana ka mid ah kitaabu
zakaat, baabka addoonta ma laga bixin karaa zako, xadiiska 1395.
عن أبي هريرة رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال ليس على المسلم صدقة
في عبده ولا في فرسه
ِAbuu hurayra waxaa uu ka soo wariyay muxamad in uu yidhi: qofka muslimka ah
kuma waajibin inuu sako ka bixiyo addoonkiisa iyo faraskiisa. Intaas uun
laguma dhaafine waxay sii raaciyeen shuruud ah in haddii adoonku uu yahay mid
ganacsi ku jira oo la dhoofinayo ama la iib gaynayo si addoomo kale ama
alaabo loogu soo iibsado ay qasab noqonayso in laga bixiyo zakadii maalka ee
caadiga ahayd.
( ليس في رقاب العبيد صدقة إلاَّ أن يُشْتَروا للتجارة) كتاب الزكاة- موطأ الإمام
مالك.

Halkan waxa la isku haystaayi waa sako ma laga bixinayaa addoonka sidii
xoolihii oo kale mise maya. Waxaana inooga cad dadka in la addoonsado oo
laga ganacsado inay tahay sunne asli ah. Taas waxaaba ka sii la yaab badan
Muxamad in uu xarrimo ama ka digo dhaqankaasi iskaba dhaafe waxa uu is hor
taagay in la xoreeyo addoon. Waxaa ku soo arooray Kitaabka Saxiixul-muslim
xadiiska nambarkiisu yahay 997 in nin reer ansaareed (Madiina) ah uu xoreeyay
addoon uu lahaa. Ninkaasi oo aan maal kale haysan addoonkaas mooyi’e. Arrinkii
ayaa Muxamad soo gaadhay. Markaasaa waxa uu yiri: ayaa addoonkan (addoonka la
xoreeyey) iga iibsanaya, dabadeed waxaa kacay nin la odhan jiray Nucaym binu
Cabdilaahi oo ku iibsaday addoonkii 800 oo Dirham. Markaasuu lacagtii siiyay
ninkii addoonka lahaa. Xadiiskuna waxa uu u dhiganyhaya sida tan :

عن جابر بن عبد الله أن رجلا من الأنصار أعتق غلاما له عن دبر لم يكن له مال غيره
فبلغ ذلك النبي صلى الله عليه وسلم فقال من يشتريه مني فاشتراه نعيم بن عبد الله
بثمان مائة درهم فدفعها إليه قال عمروسمعت جابر بن عبد الله يقول عبدا قبطيا مات
عام أول

Addoonkii waa la iibiyay waxana uu halkaas ku waayay xornimadii uu heli lahaa.
Hadaba waxa is waydiin leh waa maxay sababta uu Maxamad u eegay danta ninka
wax addoonsadaha ah ee uu u eegi waayay qofkan dhan ee addoonsiga ku jira ee
xorriyadda laga qaaday.
Waxaa kale oo la soo wariyay in Maxamed xaaskiisii Maymuuna Bintu xaarith ay
xoraysay addoon ay iyadu iska lahayd. Markii la gaadhay habeenkeedii ee uu
Maxamed u soo hoyday xageeda ayay u sheegtay inay xoraysay addoonteedii.
Maxamed wuu ka xumaaday inay sidaa yeeshay. Markaasuu ku celiyay su’aal “oo
immika miyaabad xoraysay oo gacan kuma haysid?” Markaasay tidhi haa. Waxa uu
ku yidhi “miyaad siisid abtiyaashaa, sidaas ayaa kuu ajri badnaan lahayde”.
Tafsiirka qurdubi waxa uu leeyahay Maxamed waxa uu ka faddili jiray addoon in
la xoreeyo in qaraabada lagu sadaqaysto.

. “عن كريب مولى ابن عباس أن ميمونة بنت الحارث رضي الله عنها أخبرته أنها أعتقت
وليدة ولم تستأذن النبي صلى الله عليه وسلم فلما كان يومها الذي يدور عليها فيه
قالت أشعرت يا رسول الله أني أعتقت وليدتي قال أوفعلت قالت نعم قال أما إنك لو
أعطيتها أخوالك كان أعظم لأجرك” (السنن الكبرى للبهيقي- ج6 ص 59).
وذكر في (تفسير القرطبي ج14 ص35): “قد فضل رسول الله صلى الله عليه وسلم الصدقة
على الأقارب على عتق الرقاب، فقال لميمونة وقد أعتقت وليدة: أما إنك لو أعطيتها
أخوالك كان أعظم لأجرك”

Qofkii addoon ah ee ka fakada ama ka baxsada Sayyidkiisu waxa uu noqonayaa
Kaafir, wax salaad ahna ilaahay kama aqbalo ilaa uu u soo laabto kii
addoonsanayay. Waxaa Kitaabka Muslimka iyo Bukhaarigaba ku soo arooray
axaadiis uu ka mid yahay midkani;

(أيما عبد أبق من مواليه فقد كفر حتى يرجع إليهم) صحيح مسلم
( إذا أبق العبد لم تقبل له صلاة ) صحيح مسلم

َAddoonku ma addoon ilaah baa mise waa addoon bashar. Waa maxay sababta uu
ilaahay ugu cadhoonayo addoon ka baxsaday addoonnimo dad xittaa isagoo ogol
inuu isaga addoon u ahaado. Ilaahay in isaga kalidii addoon loo ahaado miyuuna
rabin mise in uu dadka badhba badh addoonsado ayuu rabaa? Waa maxay sababta
ugu yaraan loo eegi waayay sababta uu addoonku u baxsaday? Miyuuna ka cararin
sida xun ee loola dhaqmay addoon ahaan iyo dhibaatooyin lagu hayo? Hadana
Ilaahay caddaaladdiisu ma waxay noqotay inuu la safto kii dulmiga waday?
Qofkaa baxsaday waa muslim. Waa addoon ilaahay oo Islaam ah. Hadana Maxamed
waxa uu yidhi haddii uu ku dhinto isagoo ku jira baxsad uu kaga maqanyahay
addoonsadihiisa waa ehlu naar xittaa hadii uu ku dhinto dagaal uu ku
difaacayo diinta Islaamka (Jihaad).
أيما عبد مات في إباقة دخل النار وإن كان قُتل في سبيل الله” الجامع الصغير لجلال
الدين السيوطي”

Mar labaad aan eegno falalka addoonsi ee uu Maxamed laftiisu ku kacay. Waxaa
la soo wariyay in Maxamed laftiisu uu dad addoonsaday. Adoomadiisa waxaa ka
mid ahayd Maariya Al-qibdiya oo ahayd hooyada wiilkiisii Ibraahim. Maariya
wiilka kumay dhalin meher iyo guur. Waxay ahayd uun addoon uu ugu galmooday
adoonnimadeeda. Sida ku cad Kitaabka loo yaqaan Bidaaya wa Nihaaya ee uu qoray
Inu Kathiir. Maxamed waxa uu lahaa addoomo gaadhaya 58 oo rag iyo dumar iskugu
jira. Addoon wuu iibsaday, wuu sii iibiyay, wuu hibeeyay waana loo soo
hibeeyay. Intaasoo dhamiba waa falal uu toos ugu kacay oo ay caddaynayaan
axaadiista saxeexa ah ee aan cidiba isku haysan saxnimadoodu.
Sunanu Abii-Daa’uud waxaa ku soo arooray xadiiskani;

عن أنس أن النبي صلى الله عليه وسلم أتى فاطمة بعبد كان قد وهبه لها قال وعلى
فاطمة رضي الله عنها ثوب إذا قنعت به رأسها لم يبلغ رجليها وإذا غطت به رجليها لم
يبلغ رأسها فلما رأى النبي صلى الله عليه وسلم ما تلقى قال إنه ليس عليك بأس إنما
هو أبوك وغلامك

Boqorkii masar ee Muqawqas waxa uu u soo hibeeyay Maxamed labo naagood oo
addoomo ah oo kala ahaa Maariya iyo walaasheed Shiiriin.
Maariya isagaa qaatay, Shiiriinna waxa uu u sii hibeeyay gabayaagiisii Xassaan
binu Thaabit. (أيسر التفاسير للجزائري- باب51 ج3 ص297)

Qaybta ugu danbaysa ee sunnada oo ah wixii uu u taagnaa Maxammed balse aanu
dadka u diidin. waa waxa loo yaqaan Qiraalka. Run ahaantii taasi uma baahna
faah,faahin maadaama oo aan hadalkiisii iyo ficilkiisiiba ku hayno in uu isaga
laftiisu sameeyay, kana hadlay marnana uuna dhibsan falkan gaboobay ee
fooshaxun, dulmiguna saldhigga u yahay.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...