Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Islaamka iyo dhillaysiga

W/Q: Khaalid Xasan
Diimaha 4
11.9k
·

8/5/2018

Islaamka iyo dhillaysiga

M arka laga hadlayo dhillaysiga oo ah in lacag la dhaafsado galmo, waxay
ka duwan tahay galmada caadiga ah (Zinada) oo ah in laba qof oo maskax ahaan
fayoobi ku heshiiyaan inay isu galmoodaan iyaga oo aan is qabin lacagna aan
kala qaadan maadaama ay labaduba baahi u qabaan galmo.

Zinadu diinta islaamka xukun cad bay leedahay, kaaso ah in dhagax lagu dilo
qofka isagoo guur soo maray sinaysta sida Maxammed waqtigiisii dhawr jeer
dhacday, halka ka aan guur soo marinna lagu karbaasho 100 jeedal si naxariis
la’aana meel fagaare ah.

Dhillaysigu waa in qofta haweenka ahi jidhkeeda dhaafsato lacag cayiman si
loogu raaxaysto muddo cayiman. Inta badan waxaa waagii hore dhici jirtey in
haweenku sababo badan dartood ay u dhillaystaan. Jasiiradda carabta Islaamka
ka hor waa ka jirey dhillaysigu laakiin wuxuu si baahsan u faafay islaamka
kadib isaga oo magacyo badan qaatay balse dhammaantood marka daaha laga rogo
hoos tagaya dhillaysiga hadiiba ayna kufsi noqon.

Dhillaysigu wuxuu ahaa shaqo ay reer Makka si fiican u yaqaaneen maadaama
Makki ahayd magaalo maamul iyo ganacsi, dad badan ayaa iman jirey si ay u
raaxaystaan, waxaana la odhan jirey kuwa jidhkooda ka ganacsada calanleyda
(اصحاب الرايات) oo qoftii jidhkeeda iibinaysa waxay taagan jirtey calan gaar u
ah, asxaabtii iyo hoggaankii islaamkaana qayb kamid ah ayaa dhillaysiga noocan
ah ku dhashay, waxaana ka xusi karnaa saxaabiga wayn ee Cumar Bin-Caas oo ay
hooyadii ka mid ahayd haweenka jidhkooda ka ganacsan jiray.

Cumar Binu Caas hooyadii waxaa la odhan jirey Al-Naabiqa, waxaa sida la sheego
hal habeena saf ka galay (la seexday) ragga kala ah; Abu-Lahab, Umayyah Bin
Khalaf, Hishaam Bin Muqiirah, Abu-Sufyaan Bin Xarb iyo Caas Bin Waa’il,
kadibna markii la isku qabsaday canuggeeda iyadaa kala saartay oo ku
adkaysatay in Caas Binu Waa’il uu dhalay saxaabiga Cumar balse lama hubo
aabaha dhabta ah ee saxaabigan wayn.

Ciidamada muslimiintu markay duullaan tagaan waxay soo noqon jireen iyagoo
wata dumar iyo caruur ay dagaalka ku soo qabsadeen, ujeedkuna wuxuu ahaa in la
addoonsado si loogu galmoodo ama ay u dhillaystaan si lacag jidhkooda looga
sameeyo, wixii aan galmo gaar ah loo haysan (التسري), waxaa dhici jirtey in
loo furo hoy ay ku dhillaystaan si ninka addoonsadaa ee iska leh uu lacag uga
soo xareeyo.

Diinta islaamku waxay bannaysay oo xalaaleysay in lala seexan karo dumarka
addoomaha ah meher la’aan xitaa haddii la qabo, sidoo kale waxay bannaysay in
ay dhillaysan karaan dumarka addoonta ah ee xoogga lagu haysto si ninka
addoonsadaa lacag uga helo ka ganacsiga jidhkooda. Xukun diidaya ma jiro
arrinkaas, sida ay dhahayso qaacidada fiqiga ahina haddii uusan xukun jirin
reebiddu meesha way ka baxaysaa (ان تحريم لا يكون الا بحكم فأذا انعدم الحكم
انعد
التحريم).
Illaahay wuxuu ku leeyahay aayaddan (Ha ku qasbina hablihiina (addoomihiina)
inay dhillaystaan haddii ay damcaan in ay guursadaan, hadiise lagu qasbay inay
dhillaystaan Illaahay waa u denbi dhaafi doonaa – ﻭ ﻻ ﺗﻜﺮﻫﻮﺍ ﻓﺘﻴﺎﺗﻜﻢ ﻋﻠﻰ
ﺍﻟﺒﻐﺎﺀ ﺇﻥ ﺃﺭﺩﻥ ﺗﺤﺼﻨﺎ ﻟﺘﺒﺘﻐﻮﺍ ﻋﺮﺽ ﺍﻟﺤﻴﺎﺓ ﺍﻟﺪﻧﻴﺎ ﻭ ﻣﻦ ﻳﻜﺮﻫﻬﻦ ﻓﺈﻥ ﺍﻟﻠﻪ ﻣﻦ ﺑﻌﺪ
ﺇﻛﺮﺍﻫﻬﻦ ﻏﻔﻮﺭ ﺭﺣﻴﻢ). Aayaddan ujeedkeedu waxaa weeye in aan lagu qasbin
dhillaysi hablaha addoonta ah ee raba guur, kuwase aan guur rabin ama aan
helin cid doonta waa u bannaantahay inay jidhkooda ka ganacsadaan, si kale
haddii aan u dhigno Illaahay ma diidin mana xarrimin in haweeneyda addoonta
ahi jidhkeeda ka ganacsato balse wuxuu diidey oo mamnuucay in lagu qasbo
dhillaysiga.

Noocyada dhilaysiga ee islaamku magaca qurxoon siiyay waxaa kamida guurka loo
yaqaan Raaxaysiga (الإستمتاع) oo ah in ninku kula heshiiyo naag inuu waqti
kooban la baashaalo taas beddelkeedana ay lacag/kiro qaadato. ma garanayo waxa
magaca kale loogu hagoogay maadaama ayna jirin wax farqi ah oo u dhexeeya
dhillaysiga maanta jira iyo kan Islaamka guurka ku tilmaamay.

Inkasta oo Muslimiinta sunniga ah ee maanta jooga iska indha tiraan jiritaanka
noocan guurka ah balse markaad ku laabato axaadiithta la xiriirta waxaa kuu
soo baxaysa inuu ahaa mid baahsan oo aad loo dhaqan gelin jiray waqtigii
Maxammed iyo Abu-bakar noolaayeen, guurka noocan ahna Maxammed dhawr jeer ayuu
banneeyey gaar ahaan xilliyada ay ciidankiisu duullaan qaadaan oo ay
dumarkooda ka fogaadaan balse Maxammed marka ay danihiisa fuliyaan oo
duullaanka ka soo laabtaan wuu ka mamnuuci jiray, taas oo keentay in lagu
wareero xukunkii u danbeeyey ee Maxammed arrintan siiyay maadaama ay
duullaanadiisu badnaayeen mar walbana bannayn jiray, taasina waxay keentay
inay saxaabadiisii ku kala jabaan go’aankii u danbeeyey ee Maxammed ka qaatay
arrintan, qaar badan oo kamida raggii ugu culusaa saxaabaduna waxay
aaminsanaayeen in guurkani bannaanaa waqtigii rasuulka balse Cumar Bin Khadaab
reebay.

( ﻋﻦ ﺟﺎﺑﺮ ﺑﻦ ﻋﺒﺪ ﺍﻟﻠﻪ ﻗﺎﻝ : ﻛﻨﺎ ﻧﺴﺘﻤﺘﻊ ﺑﺎﻟﻘﺒﻀﺔ ﻣﻦ ﺍﻟﺘﻤﺮ ﻭﺍﻟﺪﻗﻴﻖ ﺍﻷﻳﺎﻡ ﻋﻠﻰ ﻋﻬﺪ
ﺭﺳﻮﻝ ﺍﻟﻠﻪ ﺻﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺳﻠﻢ ﻭﺃﺑﻲ ﺑﻜﺮ ﺣﺘﻰ ﻧﻬﻰ ﻋﻨﻬﺎ عمر – صحيح مسلم)

Xadiiskan waxa uu leeyahay Jaabir Bin Cabdullaah: waxaanu ku raaxaysan jirney
xoogaa timir iyo daqiiq ah xilligii nebiga iyo Abu-Bakar waxaana xarrimay
Cumar Binu Khaddaab. Ujeedku waxa weeye waxaanu dumarka jidhkooda dhaafsan
jirney xoogaa timir iyo daqiiq ah waana ku raaxaysan jirney nebiga iyo Abu-
Bakarba raalli bay ka ahaayeen. Guurku raaxaysigu muxuu kaga duwan yahay
dhillaysiga? Haddii islaamku xarrimay dhillaysiga muxuu noocan guurka ah u
banneeyey? Cumar Binu-Khadaab ma u leeyahay awood inuu xarrimo wax nebigu
banneeyey oo ilaa dhimashadiisii la samaynayay raallina ka ahaa? Sidoo kale
maxay tahay xikmadda ku jirta in bilowgiiba la banneeyo guurka noocan ah xitaa
haddii aan ka soo qaadno inuu reebay ugu danbayntii?

Illaahay wuxuu aayad Quraan ah ku leeyahay: haweenka lacagtooda siiya kadib
markaad ku raaxaysataan (ﻓﻤﺎ ﺍﺳﺘﻤﺘﻌﺘﻢ ﺑﻪ ﻣﻨﻬﻦ ﻓﺂﺗﻮﻫﻦ ﺃﺟﻮﺭﻫﻦ ﻓﺮﻳﻀﺔ ‏), raaxada
lagu raaxaystay darteed waxay xaq u yeesheen lacag ama wax u qalma oo qiima
leh waxna goyn kara. Taasina waa qeexidda dhillaysiga oo ah galmo lagu bedesho
hanti.

Dhillaysigu waa wax meel ka dhac ku ah karaamada haweenka sida Islaamku
aaminsan yahay, hadaba Illaahay iyo nebigiisu ma garan waayeen inay dumarka u
xukumaan in hanti la siiyo ama ay mamnuucaan gebi ahaanba dhillaysiga wejiguu
doono ha yeeshee? Illaahay markuu leeyahay yaan addoonta dhillaysi lagu qasbin
ma garan waayey inuu mamnuuco addoonsiga gebi ahaanba?

Dhillaysigu maaha dhaqan wadamada reer galbeedka ka yimi balse waa dhaqan ay
lahaayeen welina leeyihiin dhamaan bulshooyinka adduunka ka jira, Carabtuna
waxay ahayd kuwa ugu badan ee ka ganacsada jidhka haweenkooda ama haweenka ay
addoonsadaan.

Illaahay ma reebin (xarrimin) addoonsiga iyo dhillaysiga balse waa banneeyey
oo sharciyo ayuu u dajiyay. Illaahay wuxuu banneeyey in haweenka cadawga ama
dadka lagu duuley xoog lagu soo kaxaysto oo lala seexdo iyaga oo aan
rabitaankooda iyo raalli ahaanshahooda la tix-galinayn. Ilaahu wuxuu ku soo
koobay warka “ha ku qasbina inay dhillaystaan balse idinku khasab ku fuula
oo kufsada markaad doontaan”
.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...