Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Islaam kee?

W/Q: Cabdisaciid Ismaaciil
Aragtiyo 0
9.9k
·

8/11/2021

Islaam kee?

Mustafa Faadil Basha (1830-1875) oo ka mid ahaa siyaasiyiintii dowladdii
Cusmaanida waxaa laga hayaa in uu yiri: “Haddii diintu ay ku ekaan weydo
meesheeda sare iyo xaqiiqada abadiga ah, oo ay u soo degto in ay faraha la
gasho arrimaha adduunyada, waxay noqonaysaa mid wax walba burburisa, marka
iyada nafteeda lagu daro.”

Sida uu ku warramayo maqaalka hoos ku lifaaqan ee wargeyska New York Times uu
daabacay jimcadii la soo dhaafay ee taariikhdu ay ahayd 2/10/2020, mas’alada
ugu culus ee hortaal wufuudda ka qaybgalaya shirka magaalada Dooxa ee dalka
Qatar ugu socda Afgaanida waxay tahay jawaab u helidda weydiinta ah: Kee baa
islaamkiisa la qaadanaya? Wafdiga metalaya ururka Taalibaan wuxuu ku
adkaysanayaa in loo baahan yahay in la sameeyo dowlad islaam ah oo shareecada
lagu dhaqo, halka wafdiga xukuumadda metalayaa ay iyaguna dhankooda kaga
doodayaan in xukuumadda hadda jirta qudheedu ay tahay islaami, qodobada
dastuurkeeda ku qoronna uu ka mid yahay mid dhigaya: 'Diinta dalku waa islaam,
wax shareecada islaamka khilaafsanna laguma dhiqi karo.'

Waxay ila tahay in Soomaalidu ay ugu horreeyaan ummadaha ugu baahida badan
jawaab u helidda su’aasha ah: Kee baa islaamkiisa la qaadanayaa? Hayeeshee,
waxaa muuqata in Soomaalidu jawaab ay weydiinta u helaan ha joogtee, aysan
weli xitaa weydiinta qudheeda ku baraarugin. Sida la wada ogyahayna, in
xanuunka daawo loo helo waxaa ka horreeya in xanuunka noociisa la garto.

Dadka badankoodu waxay u haystaan in islaamku uu yahay walax qura oo qeexan oo
aan lagu kala aragti duwanaan karin. Waana middaas fikradda wadaaddadu ay
faafiyaan. Laakiin sida dhabta ah, islaam mid qura ahi ma uu jiro, ee waxaa
jira islaamyo fara badan. Waa run in muslimiintu ay wadaagaan hal Musxaf ama
kitaab quraan oo mid ah iyo gacalada nebiga. Hase ahaatee, quraanka iyo
islaamku isku macne ma aha. Kun iyo afar boqol oo sano ayaa muslimiintu
quraanka akhrinayeen, isla jeerkaana siyaabo kala geddisan u macnaynayeen
iyada oo qolo kastaa ay erayda quraanka waafajinayso danaheeda, duruufaheeda
iyo fahankeeda. Khaliifkii Cali bin Abii Taalib-na waa kii yiri: "Quraanka
labada jeldi ee musxafka ku qorani iskii uma uu hadlo, laakiin ragga ayaa ku
hadla /القرآن بين دفتي المصحف لا ينطق وإنما يتكلم به الرجال". Hawraartaas oo
macneedu uu yahay quraanka waxaa qeexa oo macne iyo ulajeeddo u yeela caqliga
ragga, fahankooda iyo danahooda.

Mustashriqii Jacques Berque (1910-1995) oo baaritaanno aad u badan islaamka ka
diyaariyey, macnaha quraankana af Faransiis u rogay, wuxuu leeyahay buug uu
cinwaan uga dhigay "Dib-u-akhrinta quraanka" (=Relire le Coran /إعادة قراءة
القرآن), toddobaad ka hor geeridiisna wuxuu daabacay daraasad uu u bixiyey
"Islaam kee?" (=Quel islam?/ أي إسلام؟), oo macnahu uu yahay: Islaamkee baan
ka hadlaynaa? Ama islaamkee baan doonaynaa?

Jacques Berque iyo aqoonyahanno kaleba waxay qabaan in quraanka labo siyaabood
oo kala duwan loo macnayn karo. In loo macneeyo sida xagjirka salafiyiintu ay
u macneeyaan iyo in loo macneeyo sida caqlaaniyiinta ay muctasilada iyo
falaasifadu ka midka yihiin. Laakiin dhibka dhacay wuxuu yahay in macnaynta
qolada hore ay xoogaystay ilaa xad ay ku guulaysatay in ay qariso macnaha
qolada danbe. Taas oo ka dhigan in islaamkii jahliga, dib-u-dhaca, nacaybka,
colaadda, dhiigga iyo qaraxyadu uu ka guulaystay islaamkii aqoonta,
dimoqoraadiyadda, dulqaadka, xuquuqu insaanka, horumarka, ilbaxnimada iyo wada
noolaanta. Waa halkaas meesha ay ka soo jeedaan dhaqdhaqaaqyada jihaad doonka
ah ee Alshabaab, Booko Xaraam, ISIS, Qaacida, Taalibaan, Nusra iyo kuwa la
halmaala iyo weliba kuwii ay ka farcameen ee Ikhwaanka iyo salafiyada oo
nuxurkooda dhabta ahi uusan waxba ku kala duwanayn.

Islaamku waa diin weyn oo dhul ballaaran iyo ummado badan ku dhex faafay,
caqiidadana waxaa u weheliya taariikh iyo dhaqan. Sidaa awgeed, in uu laamo
iyo midabyo badan yeeshaa waa arrin si fudud lagu fahmi karo, oo waxaa ku
rumoobaysa oraahda gabyaagii Maraykanka ahaa ee Walt Whitman ee tiraahda:
"Miyaan iska hor imaanayaa? Hagaag, haddaba waan iska hor imaanayaa, waan
weynahay, wax badanna waan ka koobnahay /Do I contract myself? Very well, then
I contradict myself, I am large, I contain multitudes." Mar walba oo dhulka
islaamku uu ku faafayo iyo dadka qaadanayaa ay bataan, waxaa badanaya jaadadka
iyo muuqaallada islaamku uu yeelanayo (Akhristaha danaynaya in uu wax badan ka
ogaado wejiyada islaamku uu leeyahay, wuxuu kaga bogan karaa dhigaallada uu ka
midka yahay buugga uu qoray Shahab Axmed ee magaciisu yahay "What Is Islam?
The Importance of Being Islamic/ما الإسلام؟ في مغزى أن تكون منتميا إلى
الإسلام").

Saamaynta diintu ay dadka ku leedahay mid la mid ah ayaa dadku diinta ku
leeyihiin, islaamkuna waa miraha ka dhasha falgalka u dhexeeya dadka iyo
nusuusta diinta. Islaamka Ibaadiyada, kan Shiicada iyo kan Sunnadu isku mid ma
ah. Marka qolo kasta gudaheeda loo yimaadana waxaa la ogaanayaa in islaam mid
ah aysan haysan. Tusaale ahaan, islaamka salafiyada iyo kan suufiyadu isku mid
ma ah. Salafiyada iyo suufiyadana mid waliba waxay u qaybsantaa firqooyin fara
badan oo dhexdooda ay ka aloosan tahay khilaaf iyo colaad ay seefta iska
aslaan. Bilmatal Alshabaab iyo Ictisaam toban sano ka hor -si toos ah iyo si
dadbanba- waxay uga wada tirsanaayeen hal urur oo Wahaabi ah, isku kutub bay
raacan jireen, waxayna isu ahaayeen culumo iyo xertood, maantana doodaha iyo
isgaalaynta u dhaxaysa waa laga wada dheregsan yahay. Weli labada qolo quraan
mid ah bay akhriyaan, laakiin waxaa is-khilaafay danahoodii, arrinkaas oo
keenay in qoloba ay si gaar ah oo danaheeda waafaqsan ay u macnayso nusuusta
diinta ee horay ay isku sida u macnayn jireen.

Haddaba islaamkee baa laga hadlayaa marka la leeyahay islaamka ama shareecada
ayaa la isku xukumayaa? Ma islaamka salafiyada mise kan suufiyada? Salafiyada
yaa metela oo shareecada ay rabaan noo sheegaya, ma Ictisaam mase Shabaab mase
Salafiya Jadiida mase... mase... mase? Suufiyada iyaga yaa metala, ma
qaaddiriyada mase saalixiya mase... mase... mase..:? Soomaalida aan salafiyada
iyo suufiyada ahayn waddanka wax ma ku leeyihiin mase kuma laha? Islaamka iyo
soomaalinimadu ma isku macnaa mase waa labo arrin oo kala geddisan, oo midi
waa diin iyo aydaloojiyad midina waa dhiig iyo dhalasho (=Muslim kastaa
Soomaali ma aha, Soomaali walbaana muslim ma aha. Qarniga 21-aad dunidu ma
ahaa tii beelbeesha ama diindiinta loo noolaa, ee waa duni dadka iyo diimuhuba
ay isdhex dageen, islaamka iyo muslimiintuna ay dhexgaleen diimo iyo dhaqamo
kale oo badan)?

Sideedaba maxay tahay shareecada lagu baaqayo in lagu dhaqmo? Shareecada iyo
xuduuddu ma isku mid baa mase way kala geddisan yihiin? Fulinta xuduudda ma
laga maarmi karaa mase waa lagu khasban yahay in la fuliyo oo wiilasha dayacu
ku khasbay in ay dadka jeebsiibaan gacmaha laga rifo, dumarka duruufuhu badeen
in ay jirkooda iibiyaanna la karbaasho ama dhagax lagu dilo, barbaarta
wadaaddada u caroodana luqunta loo dheereeyo kadib marka riddo iyo diin ka bax
lagu xukumo, haweenkana lebbiskooda la kontoroolo, lagana dhaadhiciyo in ay
ragga ka hooseeyaan. Waayo waxaan ognahay in saddexdaan qolo ay yihiin kuwa
had iyo goor u nugul in xuduudda lagu fuliyo, oo si arxan daran loo ciqaabo.
Wadaaddadu marka lagu baraarujiyo in rajminta -ama dhagax ku dilka- gabdhaha
aan quraanka lagu xusin, waxay ku andacoodaan in Eebbe uu arrinkaas hilmaamay
kolkii quraanku soo degayey asii nebigu uu gadaal ka xasuustay! Laakiin sida
wadaaddada qudhoodu ay noo sheegeen qofka Alle iyo nebiga ku been-abuurtaa
taqi ma aha, meel xun buuna ku danbeeyaa. Run ahaantii, wadaadda islaamka oo
dhammi waa diidaan fikradaha xorriyadda, sinnaanta iyo xuquuqu insaanka, oo
la’aantood dowladaha casriga ahi aysan si hagaagsan u shaqayn karin.

Soomaalida qaarkeed waxaa yaab iyo amakaag ku riday dooddii caqliga iyo
dowladnimada labadaba khilaafsanayd ee xildhibaanada soomaalidu ay kala
horyimaadeen soo jeedintii xildhibaanad Maryan Axmed Haaruun ay ka hor
sheegtay barlamaanka, ee ahayd in soomaalida aan muslimka ahayni ay yihiin
muwaadiniin xuquuqda iyo waajibaadka dalka dadka kale ula siman, oo xaq u leh
fursadaha shaqo ee waddanka ka jira.

Xildhibaannada ma waxaa isaga khaldamay qabiilkii ay baarlamaanka ku yimaadeen
iyo dowladnimada? Mase dhammaantood waxay rumaysan yihiin fikradihii dunidu
qarniyadii dhexe ku dhaqmi jirtey ee dadku ay kala sarreeyeen, ee ku dhisnaa
faquuqa fikradaha ahlu-dimada, jisyada, iyo guri islaam iyo mid dagaal (=دار
الإسلام ودار الحرب)? Mase xildhibaanada sharafta leh damac iyo danaysi baa ka
hadlinaya, oo kursiga iyo jeebkooda baa kala weyn mustaqbalka ummadda ay
sharci dejiyaha u yihiin? Xildhibaannadu Soomaaliga aan muslimka ahayn maxay
ka damacsan yihiin? Ma sida wadaaddada xagjirka ah bay riddo iyo dil ugu
xukumayaan? Haddii sidaa la yeelo, tillaabada xigtaa soo noqon mayso in
muslimiinta markooda la sii kala guro oo marba qoladii laga awood bato inta
riddo lagu xukumo la layn maayo, xaalkuna noqonmayo "Ninba waa mare mus ma
kula koray".

Mar kasta oo fikirka islaamiyiinta uu fashil ku yimaado waxay durba ku
andacoodaan in waxa la fuliyey ee fashilmay uusan ahayn islaamka saxda ah.
Haddaba, waa yaabe islaamka saxda ahi waa kee???

Wadaadda ku baaqa in shareecada lagu dhaqmo intooda wacyiga lihi waa dareensan
yihiin in dooddaasi ay fududahay marka dadka la wacdinayo, laakiin ficil ahaan
aan dowladi u fulin karin. Maxaa yeelay cidda isku dayda in ay dhaqan geliso
waxay shanta la galaysaa qurmoon bulshada kala geeya. Sida maqaalka hoos ku
lifaaqani uu tilmaamayo fikirka Taalibaanka ee hadda taagani ilaa xad waa ka
duwan yahay midkii ay rumaysnaayeen 1990-aadka, oo waxyaabo ay xilligaas
xaaran u arkayeen -sida waxbarashada gabdhaha iyo adeegsiga isgaarsiinta
casriga ah- bay hadda xalaal u arkaan.

Dhammaan dalalkii isku dayey fulinta shareecadu maanta waa ka qoomameeyaan.
Tusaale ahaan, baaritaannadu waxay tibaaxayaan in magaalada Tahraan ee
caasimada dalka Iiraan ay tahay caasimadaha dalalka Bariga Dhexe midda
dadkeedu ay ugu diin yar yihiin. Dalka Sacuudiga magaalooyinka Maka iyo
madiino waxaa ka buuxa dhallinyaro diin iyo wadaad toona aan la maqashiin
karin. Weydiimaha dhallinyaradaani ay ka doodaanna waxaa ka mid ah kuwa
oranaya: “Ma caddaalad baa in muslimiinta oo keli ahi ay janno galaan? Muxuu
Eebbe islaamka uga dhigay diin caalami ah isaga oo hal af ku tiiransan ( waxay
tilmaamayaan quraanka afka carabiga ku qoran)”.

Dalka Turkiga oo labaatankii dabshid ee u danbeeyey uu ka socday hawlgal lagu
abuurayo “fac cusub oo taqwo leh/ a new pious generation”, isagana waxaa ka
soo baxay facyaal ku doodaya in ay Alle rumaysan yihiin, laakiin anbiyo iyo
waxyi toona aysan rumaysnayn (=Rubuubiyiin/ Deism). Saxaafadda dalkana waxaa
ka bilaabatay dood ku saabsan sababta keentay “daacuunka rubuubiyada/ deism
plague.” Dalka Suudaan oo dhowr iyo soddonkii sano ee u danbeeyey arrinka
shareecada faraha uga gubtayna waa kii bishii hore ku dhawaaqay in uu ka
laabtay shareecadii, oo calmaaniyaddii dib loogu noqonayo. Waayo sida uu ku
dooday Cabdiwahaab El-Affendi oo ah cilmibaare u dhashay dalkaas Suudaan:
Islaamka siyaasiga ahi “wuxuu la mace noqday musuqmaasuq, munaafaqnimo,
cadaawad iyo caqiido xumo. Malaha Suudaan waa dalkii u horreeyey ee si dhab ah
islaamiyiinta looga horyimid." (Eeg maqaalka Cabdiwahaab ee cinwaankiisu yahay
‘Sudan protests: How did we get here?’). Guud ahaan, dalalka carabtana waxaa
ka jirta mowjad calmaaniyad doon ah.

Dhammaan dalalkaan iyo guud ahaan dunida, doodda wadaaddada saxwadu waxay ka
abuurtay in muslimiin badani ay islaamka iyo xitaa diimaha oo dhan ay nacaan.
Doodda fulinta shareecadu ma dhalin natiijo aan ahayn in dadyow badani ay
islaamka la colloobaan. Waxaana laga digayaa in islaamiyiintu [=wadaaddada
saxwadu] ay diinta burburinayaan haddii inta goori goor tahay aan laga gaarin.
Khudbadii madaxweynaha faransiiska 'Emmanuel Macron' uu darraad jeediyey ee uu
ku yiri: islaamku "waa diin dunida oo dhan uu dhib ka haysto /a religion that
is in crisis all over the world", ma aha hadal ama dareen u gaar ah Makroon
iyo Faransiiska, balse waa dareen ay la wadaagaan ummado badan oo kala diin,
dhaqan iyo midab ahi. Taana waxaa ugu wacan sawirka wadaaddada xagjirka ahi ay
islaamka iyo nebiga ka bixiyaan (=بعثت بالسيف بين يدي الساعة، وجعل رزقي تحت ظل
رمحي). Qarniyadii dhexe diinta kirishtaanka wadaaddo ayaa faddareeyey,
islaamkana maanta wadaaddo iyo siyaasi aragti gaaban baa foolxumaynaya.

Isku soo duubo, islaamku waa noocyo badan yahay, fikradda fulinta shareecaduna
ma laha nuxur aan ahayn in talada waddanka wadaadda loo dhiibo iyo in bulshada
inteeda itaalka yar la ciqaabo oo jeedal, gacan goyn iyo dhagax ku dil la
isugu daro. Laakiin weydiinta meesha ku jirtaa waxay tahay: Wadaaddadu ma ku
heshiin karaan haddii hoggaanka dalka farta laga saaro mase taasi waxay
abuuraysaa khilaaf hor leh iyo urur diimeedyo cusub?

Saxaabad qaarkood nebiga waxay weydiiyeen: Rasuulkii Allow islaamka kee baa
ugu wanaagsan? Wuxuu yiri: “Kan muslimiintu (=aadanuhu) ay ka badbaadaan
afkiisa iyo addinkiisa.”

https://l.facebook.com/l.php?u=https%3A%2F%2Fwww.nytimes.com%2F2020%2F10%2F02%2Fopinion%2Fafghanistan-
peace-talks-doha.html%3Ffbclid%3DIwAR2PIiOkcwKdt_rCXblQSaUJoksydA-
fNxenrOeVd34CVqF38wE7mklHJ5k&h=AT1AEWGNAsIxO-HjIb8b7RiIF-
zHIGAFXal2qUUgmVxmE9zKXAk8GC70nOuyN2Vv-OJArBLp15z7cLZg_qhpuHQgTQZcv-
SThvRZIq_qNqJMi4pcB_UPotwUUvuA&tn=%2CmH-R&c[0]=AT12gbi9i5CM0NtptXugM1YxANzdVLJxqatKKX-1ZyjS3uVpi7Rx0OJFgc_K47d_ni0uNmFTmMOhqi2ciRmOEB8Zmc8_vDJZvpf1-SZtesH2L32EHYGDHqredwPnXAHDW9kIejfIL9btERphBxrddAaKRPcOYYtXtY6qXnfp6BdxQhI

5 October 2020

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...