Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Isla-egta jiritaanka

W/Q: Gallad Gurxan
Awood sare 0
14.1k
·

8/27/2020

Isla-egta jiritaanka

M aalin aanan sidaas usii fogayn ayaan nin ahlul-diin ah oo aan su’aalo
iswaydaarsanaynay ku iri; sida kali ah ee ay isla-egta (equation-ka)
jiritaanku (existence) ku suuroobi karayso waa in ay la ekaataa eber (zero.)
Ninkii inta uu qoslay ayuu yiri, ma wax jira oo aan aragno ayaad leedahay waxa
ay la ekaan karaan eber? Deetana yasmo iyo jeesjees baa xigay. Aniga oo u
duurxulaya, doonayana in aan wax dareensiiyo ayaan ku iri, oo waxa aad isla-eg
iskuulka kusoo dhigatay – haddiiba aad soo dhigatay – soo eber lama aysan
ekayn; isla-egta saableyda, isla egta xoogagga, isla-egta qulqulka danabka iyo
wixii la hal-maala? Jawaabtiisu waxa ay ahayd mid u badan maya iyo markaas waa
arrin kale.

Dadku aragtida ay eber ka haystaan iyo turjumaadda luuqaad ahaaneed oo ay u
xambaariyaan waa ay ka duwantahay doorka ay eber ku leedahay nolosha, cilmiga
iyo jiritaankaba. Wax kasta oo isla-eg gali kara waa hubaal waxa ay la mid
noqonayaan eber. Waxbaa eber la mid ah haddii aad maqasho, kama dhigna waxba
ma jiraan. Wuxu ayaga oo jira ayay haddana eber la mid noqon karaan. Sidaasi
daraadeed, isla-egta jiritaanku waxa ay la mid tahay eber. Haddii isla-egta
jiritaanku aysan eber la mid noqon, markaasi jiri mayso isku dheeli-tirnaan,
jiritaankuna suurageli mayo.

Xilli ay meel adag maraysay doodda ah, maxay wax u jiraan, halkii ay ahayd in
aysan waxba jirin? Iyo sidee ayuu illaah laftigiisu wax la’aan uga abuuray wax
mise waligeed iyo waaqeedba waxbaa jiray? Ayuu xisaabyahan, haddana wadaad
diimeed Talyaani ahaa oo lagu magacaabo Grandi isku dayay in uu xisaab ahaan
kusoo dhiraandhiriyo sida uu illaahay eber uga abuuri karay wax sanadkii
1703-dii. Dhiraandhirintiisa oo dheerayd, haddana silloonayd marka loo eego
xeerarka aritmatigga, buu ugu dambayn kusoo afmeeray in 0=1 asaga oo yiri
sidaas Illaah baa ka dhigay. Grandi waxaa lagu xasuustaa taxanaha tirobeelka
ee loogu magac daray ee loo yaqaanno Taxanaha Tirobeelka Grandi.

Dadka ay diintu madax martay waa ay dhayalsadaan jiritaanka oo waxa ay awoodda
iskugu geeyaan illaahay, ayaga oo illaahay usoo qaata inuu yahay fal-sameeye
(faacil) waxa la garan waayaba qabta, balse waxa ay ilowsanyihiin in
jiritaanka laftigiisu uu ka cajiibsanyahay illaahay. Jiritaan la’aantiis
illaahay fal-sameeye ah ma jiri lahayn!

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...