Isku-jinsinimada ma la doortaa mise waa dareen dabiiciya?

Isku-jinsinimada: Dadka jinsiga lamidka ah dareen rabitaan xiriir u qaba.
Labo-dareeneed: Dadka labada jinsiba dareen rabitaan u qaba.
HORDHAC
H addaad xuquuqdaada iyo ahaanshahaaga u doodi waydid waxaa dhacda in dad
kale booskaas buuxiyaan oo sharraxaad khaldan ka bixiyaan waxaad tahay, iyagoo
dantooda u adeegsanaya, waana mushkiladda heysata bulshada LGBT (Lesbian,
Gay, Bisexual, and Transgender). Maxaa yeelay, maqnaanshaheenna natiijadeeda
waxay noqotay faham-darradii oo korortay. Faham darrada laga dhaadhiciyay
bulshadeenna waxaa ka mid ah fikradda leh inuu qofka doorto ama isku beeri-
karo dareenka isku-jinsinimada ah sida ay dadka qaar amiinsanyihiin oo
sidaaas awgeedna isku-jinsinimadu tahay hab-nolaleed doorasho ka dhashay.
Su’aalaha isweydiinta mudanse waxaa waaye:- marka hore doorashadaa sideebay u
dhacdaa iyo maxaa caddeyn u ah aragtidaas?
DOORASHO
Doorashada ay dadkaan aaminsan yihiin waxay u kala baxaysaa laba qeyb;
doorasho hore iyo doorasho dambe. Sida hab-fikirkan doorashada ah arrintan uu
u dhigayo. Doorashada hore waa marka ubadka yar oo weli qaan gaarin dalbanayo
inuu ku daydo “dhaqamada” bulshada LGBT-ga ama qof qaangaaray oo tijaabo kadib
doortay dareenkan ayagoo markaas dareenkooda caadiga ah u beddelay mid isku-
jinsi ah. Doorashada dambana waa marka shakhsigu doorto inuu raadsado dabiib
baddaalaad ku keena dareenkiisa (Conversion therapy) si uu isaga daweeyo
dareenka isku-jinsinimada ah. Si kooban;─ fikirkaan wuxuu leeyahay ‘qofka
isaga ayaa doortay inuu dareenkaan la noolaado isaga ayaana dooran kara inuu
iska suuliyo!’
Boodhad u ololaynaysa bedelista dareenka isku-jinsinimada | Exodus
Haddaba, hadday isku-jinsinimadu tahay doorasho, waa inuu jiraa hab ama
qaabfudud oo dareenkaas lagu tiri karo balse si saas ka duwan ayay xaqiiqada
arriintaan caddeyneysaa. Tusaalo-ahaan, waxaan isticmaali karnaa kiiska ururka
“Exodus International” iyo isku daygoodii fashilmay. Laga soo bilaabo 1976
ilaa 2013 ururkaan wuxuu awoodda saaray inuu baddalo dareenka dadka LGBT-ga ee
rumeysnaa diinta masiixiga. Waxay adeegsadeen qaab kasta oo ubaabi’in karaan
dareenka iskujinsiga ah, sida;- in si cilmi nafsi ah loo daweeyo, qofka isaga
oo loo ceebeynayo dhaqankiisa ama carada eebihiisa oo lagu baraarujinayo, in
la koronteeyo qofka si uu u xasuusto xanuun marwalbuu ukacsado qof la jinsi
ah iyo inkaloo badan. Inkastoo ay sameeyeen isku dayo badan ugu dambeyn, 2013,
waxay qirteen in ay dabiibi waayeen dareenkan. 99.9% dadkii ay 37sannadood ka
dabiibayeen dareenka isku-jinsiga wax isbaddal ah kuma imaanin dareenkooda bal
ayba daaweynta noocaan ah ka qaadeen xanuunada maskaxda. Sannadkii horana
waxaa kasoo horjeestay daaweynta ceynkan ah oo cambaareeyay ururka
dhakhaatiirta dhimirka ee caalamiga ah kuwaas oona caddeeyay in isku dayga
daweyntan dareenkaan aysan waxtar lahayn isla jeerkaana ka dhasho dhaawacyada
maskaxda ah ayna tahay waxa ugu horreeya ee sababa isdilka bulshada LGBT-ga.
Geri | Andreas Dress
Marka intaa laga yimaado arrin kale oo khilafasan hab-fikirka dhahaya waa
doorasho, waa inuu sayniskii dabeecadda isku-jinsiga ka helay in kabadan 450
nooc oo xayawaan ah oo ay ka mid yihiin geriga, xuurka madow (black swan) iyo
idaha. Cilmi baarista geriga waxay caddeysay in dhammaan falalka galmeed uu
xayawaankan sameeyo badankooda yihiin kuwa isku-jinsiyeed. Labada lab ee
geriga waxay xiriirkooda ka billaabataa qaab dagaal qaffiifsan iyagoo qoor-
ahaan dagaaltama si’ay ukacsadaan, mid ayaa qoorta utaago si toosan markaas
ayuu kan kale ka fa’iideystaa oo dul fuulaa. Sidoo kale, xuurka madow oo afar
meelood hal meel labkiisa lagu arkay dabeecad ah inay ukumaha ka xadaan
buulasha kale si’ay nidaam isku-jinsi ah ilmaha isula koriyaan haddiba ay
helin dhedig u ukuma dhasha. Sidoo kale waxaa lagu qiyaasay 8% idaha labka ah
inay doorbidaan ido kale oo lab ah xitaa marka labka la ag-geeyo ido dheddig
ah oo bacrinsan. Xaqiiqadu markay sidaa tahay, su’aasha waxay noqonaysaa
xayawaan aan lahayn waxgarasho ma awoodaa inuu doorto dareen mise waxaa
dhaqammadaan ka dambeysa sabab dabiici ah?
DABIICI
Aragtida saxsan iyo midda been abuurka ah waxaa kala saari kara sida ay
xaqiiqada u waafaqsan yihiin oo isku meel ma wada gali karaan andacoodka ah
in isku-jinsinimadu tahay doorasho ula kac ah iyo inay tahay xaqiiqada
sheegaysa in dareenkaan xittaa xayawaanka oo si dabiici ah nolosha ula fal
galo leeyihiin. Waayo? doorasho micnaheedu waa ficil ka dhashay ujeedo ama
fikir hore waana awood aqooneed, xayawaankuna badankood malahan awooddaas
qaasataan kuwa aan tusaaleynay sidaas darteed waa inaan raadinno sharraxaad
kale oo aan ka hor imaaneynin xaqiiqada iyo cilmiga.
Qodobka cilmi nafsigu isku raacsanyahay: Dareenka galmada iyo ka jaceylkuba
malaha doorasho!
Markaan eegno sharraxaadda cilmi nafsiga ah ee la isku raacsan yahay,
qodobka koobaad waxaa waaye in dareenka galmada iyo jeceylka aheyn shay
doorasha leh weliba inay jirto sabab ama sababo dabiici ah oo keeno dareen-
duwanaashada, in kastoo saynisyahannada ku kala aragti duwan yihiin habka uu
falkaan ku askumo. Mid waa aragti hidde-sideed oo muujineysa in sababta tahay
raad yeelka hidde sidayaasha─kuwa aragtidan qabo waxay daliishadaan cilmi
baarisyo ay ka mid tahay cilmi baaristii ugu dambaysay ee la daabbacay
Agoosto, 2019, gunaanadkeeeduna ahaa in hidde sidayaashu ka qaybqaataan
sameynta isku-jinsinimada.
Aragti kale waa tan leh sababo kale oo baayooloji ah ayaa horseedo qaasatan
isku-jinsinimada raga iyaguna waxay heystaan daliilo gooni ah. Tussale ahaan,
mar kaste ay hooyadu dhasho wiil waxaa sii kordhayo jaaniska in wiilka
dhalashada dambe noqdo isku-jinsi waxaana yeelay jir-difaaca hooyada ayaa kaca
weerarna ku qaada borotiinka nimeed ee ubadka dhalandoona taasine waxay raad
ku reebtaa dareenkiisa jinsiga.
Aragti saddexaad waxay leedahay in tababarka iyo bii’ada ilmaha ayaa asal uu
ah isku-jinsinimada balse aragtidaan dambe weli caddeyn saynis ah ma
kulansan, sidaa darteedne saynisyahannada way diideen sababtaan dambe. Labada
aragti ee tartamaya kan hidde-sideedka iyo kan baayoolijiga ah midne kaligiisa
uma sharaxi-karo si dhameystiran waxa qofka ka dhiga isku-jinsi sidaa awgeed
aragtida sayniseed ee maanta waa mid aan qabin in hal sabab oo keliya ay
jirto. Waayo? waxaa la fahamsanyahay inay jirto sababo kala madax-bannaan oo
dareen-duwanaansho abuura sidoo kale waxaa saynisyahannadu aqoonsadeen in
dareennadu ballaaranyihiin oo keliyana ay ku koobneyn isku-jinsinimada.
GUNAANAD
Dareemaha xiriirka ee aadanaha waa kuwa ballaaran oo hadda dhow barashadooda
iyo kala saarkoodu billowday halkii markii hore la isku dhex qasi jiray
dareemo qaab ahaan iyo dhaqan ahaanba kala duwan. Sida la og-yahay waxaa jiro
dad (iyo xayawaan) labo-dareeneed ah oo labada jinsi rabitaan xiriireed uqabo.
Si taa ka duwan, waxaa kale ee jiro kuwa kacsi-la’aan ah lakiin weli dareemo
dareenka jaceylka oo keliya oo doonayana xiriir aan laheyn galmo, intaa
waxaa dheer kuwa dareen jeceel oo dhan dareemin iyago xiiso uqabo galmo
raaxeynta keliya. Welibane intaasi kuma eka duwanaanshaha oo qaar ka mid ah
dadka una badan haweenka dareenkooda maaha joogto balse waa isbedelaa oo
marxalado kala duwan maraa. Intaas oo ay jirto mid kaste wuxu u baahan yahay
baaritaanno iyo dabagal gooni ah mana suurtagaleyso in hal sabab iyo
sharraxaad qura loo helo sida, aragtida aaminsan in gebi ahaan dareenkaan
yahay mid doorasho, jiho ama dareenka galmada iyo isir galmeedkuba way ka
mug weyn yihiin wax loo sababayn karo hal arrin oo la caddeyn Karin, isla
jeerkaasna caadifo iyo dhaqan dhowr darteedna loo dhahay. Waxaana halkaa ku
cad farqiqa weyn ee uu dhexeeyo sharraxaadda fudud (waa doorasho) iyo
xaqiiqada (seyniska).
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida