Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Insaanka iyo xasiloonida

W/Q: Kudil Waaq
Falsafad 0
14.8k
·

7/12/2020

Insaanka iyo xasiloonida

D adku waxey jecelyihiin xasilloonida. Had iyo goor waxey baadi goob ugu
jiraan dareen qabow iyo maskax daggan, kolka ay helaanna waxey diyaar u yihiin
inay buuro kaynaan ah seetiyaan si ay ilbidhiqsi dheeraad ah usii hakiyaan.
Marna qofku kuma qanacsana qabyo iyo wax dhantaallan. Waaqica noloshu se lid
ayey ku tahey dhammeystirnaanta, oo ilaahyo dadku ikhtiraacdeen mooyi e, qof
hanka ku qabsadey oo aan murugo iyo niyad jab kala kulmin ma jiro.

Isla weyni bay u muuqataa in qofku intuu maskaxda iyo laxaadkiisa ku duugo
wixii suuragal ah oo dhan, isagoo caga jugleynaya dalbado in su’aal walba
jawaabteedu bogcadda isasoo wadho, oo kownku rabitaankiisa u adeego. Si kale
marka loo fiiriyo se, shaki, hubsiinyo la’aan, iyo qulqulad maaha wax dadka
badidoodu u babac dhigi karaan. Tani maaha eed lagu liidayo insaanka, balse
waa xaqiiq sameyskooda ka turjumeysa. Aad bay ugu adagtahey in qofku si
daacaad ah u qirto jahligiisa, ama tuhun galiyo rukumada uu xaqiiqaha
jiraalkiisa cuskinayo.

Waxaad moodaa in hadduu shaki isu saamaxo, sidii filin kartoonkii ka war heli
isaga oo samada heehaabaya, oo aan salba cago ku hayn. Laakiin khuraafaad la
isku maaweeliyo waaqica ma suurin karo, runta oo daacad loo noqdana waa habka
kaliya ee jawaab lagu heli karo – haba khadhaadhaatee.

I.

**Markey aqoon iisii korodhaba, waxa iisii caddaata aqoon yarideyda **

Aristootal

René Descartes (loogu dhawaaqo Rineey Deykaart) oo lagu tilmaamo aabaha
falsafadda casriga, ayaa kala badhtimihii qarnigii 17aad u tafaxaytey inuu wax
ka taabto masaladda ah: “Maxaa jiritaankiisa la hubaa, oo shaki gali karin?”.
Isaga oo si habsami leh usoo bandhigaya cilladaha xalraadiska u baahan, wuxuu
si taxaddar leh shaki uga baadhayaa waaxyaha uu waaqiciisu ku saleynayo, isaga
oo islamarkaana wixii tuhun ka galo oo dhan dhinac meel ugu xaabaya. Wuxuu ka
bilaabiyaa laxaadkiisa, dooddiisuna waxey u dhaceysaa caynkan: way dhacdaa in
laxaadkaagu ku khaldo, oo kuu sawiro wax aanan jirin, ama wax jira
sifooyinkiisa beeniyo. Qof dheer baa laga yaabaa inuu kuu la muuqdo qof
gaaban, ama geed laantii inay sansaan abeeso kula yeelato, iwm. Kolka aad
riyooneyso, dunida kuu muuqata waxba kama jiraan, haddana waxa dhacda inaad si
dhab ah u rumeyso, oo saqbadhkii adoo hiqda guraya naxdin lasoo boodo,
dabadeedna kolkaad ogaato inay riyo aheyd intaad hab isa siiso, naftada ku
sasabto in yaxaaskii xalay oo dhan ku caydhsanayey maskaxdu mala-awaashey.

Matrix style head plug | Augmented reality technology, Futuristic ...

Maanta inagu se tusaaleyaal ka fiican baynu sawiran karnaa, sida filinka
Matrix, oo dadka badidooda maskaxda fiilo kaga rakibantahey, taasoo
koombiyuutar ku quudinayo warbixin duni la ikhtiraacey oon waxba ka jirin.

Dulucda doodda Deykaart waa in warbixinta laxaadkaagu saanyado aanan lagu
kalsoonaan karin, oo kaliya maadaama aad wax aragto, maqasho, ama dhadhamiso
aysan la micno aheyn in shaygaas aad la falgashey xaqiiqatan jiro. Kawaran se
xaqiiqaha kale ee kownku ku dhisan yahey, ama ilaha quudinaya hal-abuurka
shakhsiga. Tusaale, haddaad jiifto iyo haddii kaleba, mar walba 2+3 waxey
lamid tahey 5. Si lamid ah, maskaxddu ma curin karto fakar ama walax aysan
waligeed xidhiidh la yeelan. Dhagdheer waxeynu dhihi karnaa waa qof + bahal
sifooyinkooda la isku badhxay. Inkastoo ay dhagdheer tahey khuraafaad, haddana
hal-abuurkeedu suuragal maaha haddeyna horey usii jirin fikradaha naag iyo
bahal. Haddaan maanta kugu xujeeyo inaad maskaxda ku sawirato midab cusub, ma
awoodid. Hal-abuurka iyo ikhtiraaca sidiisuba waa uun waaqica jira oo hadba si
cusub la isugu tidco. Marka haddii xitaa laxaadkaagu dunida suuro u yeelayo,
sidey rabto ha u muuqatee, waxey ka dhigantahey in ugu yaraan qeybo kamid ah
suuraddaas ay jiraan.

Deykaart, oo leyliskan xagjirnimada lagu sifeyn karo ugala gol lahaa inuu
waaqica ka sal gaadho, una yeelo aasaas shaki-ma-galaan ah oo uu aqoonta
inteeda kale ku dul handasi karo, ayaa wuxuu soo jeedinayaa inay suuragal
tahey in noole isaga aad uga xeeldheer (sida ilaah ama shaydaan) khayaami karo
oo xeerarka kownka iyo hal-abuurka laftooda ka ilduufi karo. Halkan markuu
marinayo, oo uu wax walba shaki ku beeray dhinacna u xaabiyey, ayaa wuxuu isku
dayayaa inuu si tartiib ah dib usoo xero gashto xoolihii tuhunku ka dhacey (oo
wax walba ah). Halku-dhigga caanka ee odhaneysa “ Waan fakaraa, sidaas
darteedna waan ahey
” (I think therefore I exist) ayuu Deykaart curinayaa
kolka ay qisadu xaggan mareyso, waayo waxa u caddaaneysaa in jiraalka
maskaxdiisa marna shaki gali karin. Laxaad ha sawirto ama yuusan sawiran,
hadduu marba fakarayo waxey ka dhigantahey ugu yaraan in shaygan fakaraya ee
maanka ka shaqeysiinaya uu jiro. Haddii xittaa la khiyaamayo, khiyaanada
lafteeda waxa shardi u ah in uu jiro shayga la khiyaamayo, oo isaga ah.

Hase yeeshe, faylasuufka waxa kale oo caddaata inuu hawd sud ah eerigo’an ku
yahey, meel uu u baxsadaana aysan jirin. Waayo hadduu labo u gayn lahaa labo
kale, dabadeedna sidaa gunaanad ku gaadhi lahaa ma awoodo, oo mandiqan
laftiisa shaki buu galiyey. Sidaas darteed, faylasuufku wuxuu ugu danbeynta
qaylo-dhaan iyo birmad ka raadsanayaa caqiidadiisa, waxeyna dooddiisu isugu
soo biyo shubmaysaa in Alle jiro, khaa’innimo iyo beenna ku suurtoobin.
Maadaama caqligiisa cidda milkidey ay Alle tahey, waxey ka dhigantahey wixii
uu caqligiisa ku ogaado oo dhanna inay xaqiiq tahey. Illeen ilaahey caqli
faashil ah oo dadka marin habaabiya inuu ku raro fadeexo ayey ku tahey oo
sifooyinkiisa ayey naqdineysaa.

II.

-Intaad sacabadow dhigan lahayn, nacab ku dhuudaaya
– Si uu dhoomo inaad buuxsatoo, dheregtay kuu moodo
– Dhafoor xumiyo cadawgaagu yuu, dhuubni kaa garane
-Waxaa loogu soo dhaashadaa, dhuux sagaaro e

Dhoodaan

Maanta kaydka aqoonta ee bulshaweynta dunida wuu boqol jibbaarmey baa la dhahi
karaa, kolka la barbar dhigo xilliguu noolaa Deykaart oo saynisku wali iska
curdan ahaa. Siyaabo badan se marka loo fiiriyo, su’aalo badan oo ruuxii u
kuurgala hadhkiisa ka sasinaya wali waa idil yihiin.

Diimaha waxa lagu xantaa inay yihiin saynis bidaa’iya oo ka dhashey su’aalo ay
qabeen dadyawgii qadiimiga ahaa. Kolka sidan loo fasirto, way dhibyartahey
inaad fahanto sababta ay diimuhu dunida ugu baahsan yihiin, waayo cid aan
jiritaankooda sawaxan ka dhalin carro-edeg kuma sugna. Faqfaqitaanka iyo
jawaab raadiska ay dadku ku hawlan yihiin ayaa u horseedaya in, markey isbaaro
la kulmaan, hiyiga ku qabowsadaan in Alle isbaarada meesha dhigey, in sababta
ka danbeysa la isku mashquuliyaana aysan munaasab aheyn. Xeerarka mandiqa u
dajisan marka la tixraacayo, waxa doodda qaabkan leh loo yaqaannaa “Allahu
aclam” ama “God of the gaps”. Waa halqabsi aad bohol walba ku gufayn karto,
ama iskaga dhaadhicin karto inaad ku gufeysey. Hase yeeshee, inkastoo jahliga
ku badey booraan hadimo halka aad isu dhiibi laheyd ay ka habboon tahey inaad
iska caabido ood mayyal adeygto, haddana muhiim miyey tahey inaad khuraafaad
isku sasabto?

Dhigaalkan waxaan rajeynayey inaan kusoo koobo khilaafka ka dhasha su’aalaha
tirada badan ee insaanku caadiyan isweydiiyo iyo jawaab la’aanta uu ka haleelo
kownka, iyo siyaabaha kala duwan ee dadku uga falceliyaan (sida diimaha,
nihilsm, existentialism, absurdism, iyo Buddhism). Maadaama ay adagtahey inaan
si nuxur leh uga faalloodo aniga oo aanan qoraalka aad u dheereyn, waxa aan
go’aansadey inaan dhawr qeybood ka dhigo. Hadduu waaq idmo, goor dhow filo
qeybaha kale.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...