Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Indho-shareerka jahliga

W/Q: Saacid Kaahiye
Falsafad 1
6.7k
·

8/3/2020

Indho-shareerka jahliga

Caddaalad in la sameeyo laba Cali oo isku diida lama arko lkn sidee baan
caddaalad u samaynaa oo wax u kala qaybsannaa ayay waligeed dooddu ka taagnaan
jirtay.

Dadka marka la yidhaahdo caddaalad sameeya midba meel buu ula kacaa oo midbaa
qabiil laandheere ah ka dhashoo qabyaaladda xoojiya, midbaa taajir ahoo
hantiilayaasha xaqa u badiya. Midbaa intuu isaga xoog is bido yiraahda ninka
roon reerka ha u haro!

Dabeecadda dadka badankooda ayaa waxay tahayba in ay doc u janjeeraan oo wax
ay gaar u jecel yihiin oo ay doonayaan in ay wax kaste ka sarreysiiyaan ay
jiraan, caddaalad samee haddii la yiraahdana waxaas umbey darajeeyaan.

Faylasuufyadu waligood bay is waydiin jireen sidee baa caddaalad dhab ah loo
gaaraa oo hogagaas ina horyaala loogaga badbaadaa oo wax loo qaybsadaa
ayadoona doc loo janjeersanayn!

John Rawls | Biography, Philosophy, & Facts | Britannica

John Rawls

Qarnigii hadda ugu dambeeyay ee labaatanaad waxaa soo baxay faylasuuf lagu
magacaabo John Rawls. Faylasuufkan isaga oo isku dayaya in uu su’aashaas ka
jawaabo ayaa wuxuu qoray 1971-kii buug caan ah oo loo yaqaan Theory of
Justice
(Aragti Caddaaladeed)

Wuxuu soo jeediyay xal loo yaqaan veil of ignorance (indho shareerka
jahliga) kaas oo runtii dadka badankoodu ay la dhaceen sida uu u fudud yahay
iyo sida uu macquulka u yahay.

Sida magacaba ka muuqan karta xalkaas wuxuu qabaa in qofka la leeyahay
caddaalad samee ama caddaalad lagala doodayo uu dabo istaago indho shareer
jahli ah oo uusan ogaanin qofka rag iyo dumar wuxuu noqon doono, qabiilka uu
ka dhalan doono, diinta uu haysan doono, khaniis iyo caadi waxa uu noqon
doono, ama gabi ahaanba waxa uu ahaan doono!

Macquul ma’ahan in aad tiraahdo xuquuqda dumarka halaga qaado oo ilmaha halagu
dayaco adiga oona ogayn rag iyo dumar waxaad noqon doontid, macquul ma’ahan in
aad tiraahdo madowga hala gumaysto ama caddaanka hala laayo adiga oona ogayn
caddaan iyo madow waxaad noqonaysid!

Macquul ma ahan in aad tiraahdo laandheeraha haloo eexdo adiga oona ogayn in
aad laangaab noqonaysid iyo inkale, macquul ma’ahan in aad toraahdo laaya
gaalada iyo khaniisada adiga oona ogayn inaad gaal iyo khaniis noqinaysid iyo
in kale!

Dadku waxay xadgudub iyo caddaalad daro sameeyaan marka ay ogyihiin waxa ay
yihiin iyo meesha ay lugaha ku haayaan ee qofku marka uuna ogayn bey’ada uu ka
dhalan doono iyo waxa uu noqon doono, caddaalad sax ah oo is jeceel iyo wanaag
ku dhisan ayuu doortaa.

Akhyaar intaad indho shareerka jahliga xirataan iswaydiiya dadkaan aad isku
haysaan qabyaaladda ama siyaasadda ama diinta ama ra’yiga sidee baad ula
dhaqmi lahaydeen haddii aadna ogayn labada dhinac meesha aad ku dambayn
doontaan idinku!

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...