ILaalinta xuquuqda dumarka iyo wadamada islaamka

X illigii ay go’aansatay dowladda Switzerland dhisitinakaa masaajiddada!
Kama aan akhrin saxaafadda Carabta wax arrinkaas ku saabsan. Waxaan la yaabay
markan ka akhriyey jariiradda Al wadan ee Sacuudiga kasoo baxda qaybteeda
internetka bishi Maarso, 2010, maqaal uu qoray qoraa lagu magcaabo Turki Al-
dakhiil. Maqaalkaas, oo ahaa mid uu kaga maadsanayo sida ay u ilaaliyaan
xuquuqda xayaawanka dalka Swizterland.
Maqaalku wuxuu ka sheekeynayay qareen ku nool magaalada Zurich, oo magaciisa
la dhaho Anthoni; shaqadiisun tahay in uu difaacista xuquuqda xayawaanka kaga
hawlgalo maxkamadaha dalka Switzerland. Anthoni wuxuu isku bari yeela markaa
shaqadiisa wax laga weydiiyo, “ Micnaha caddaaladu waxa weeye inaad difaacdo
kuwaa aan awoodin inay difaacaan nafahooda! “. Qoraalka Al-dakhiil ee maadda
ah, wuxuu ahaa mid laba dhinac le’ ah; dhinac wuxuu ahaa maad laga
maadaysanayo waddan aan qof qudha oo Muslim ahi jeclayn inuu kaa maadsado ee
jeclaan lahaa in uu ku noolaado; dhinac kalena wuxuu ahaa yeedhmo loo
dhawaaqayo waddan aan ilaalin xuquuqda dadka (Sacuudi); Musliimintuna aanay
jeclayn in la dhaliilo!.
Dhammaan faalloyinkii laga bixiyey maqaalka Al-dakhiili waxay ahayeen kuwa
fudud oo qosol ku lammaan yahay. Waxaa ka mid ah falcelimahaas mid ay qortay
gabadh Sacuudiyaan ah, oo tidhi, “ Hoogeygiiyey maan noqdo sac ku nool
Switzerland! “.. Falcelinatani waxay uu eegtahay mid maad ah. Laakiin, waa
mid dhab ah oo salka ku haya gabood-fallo dhab ah. Doonista gabadha
Sacuudiyaanka ah ee ah inay hesho badh ka mid ah xuquuqda lo’da Switzerland
waxay caddeyn u tahay saboolnimada ku haysta waddankeeda iyo sidaa aan loo
ilaalin xuquuqdii dumar ahaan ay u baahnayd in ay ka hesho dowladda uga
hantida badan dunnida carabta—Sacuudiga!!. Hadalka gabadhani wuxuu noqonayaa
mid habboon, oo yimi wakhtigiisi barti loogu talogalayna yaala. Haddii aynnu
dhugmo iyo fiirsasho u yeelano nolosha dhabta ah ee dumarka ku nool Sacuudiga
ee laga xarrimay dhammaan xuquuqahoodii, oo weliba u ka xarrimay waddan isu
arkaa inuu yahay qalbiga Islaamka!.
Xorriyadda ka maqan dumarka Sacuudiyaanka ah maaha oo qudha, cabirrista
ra’yiga, socodka iyo waxbarashada ee waxay cagta hoosteeda ugu jiraan magac
diimeed iyo mid qaanuun (Fatwo diimeed iyo xeer Sacuudi), dumarka Sacuudigu
boqolkiiba sagaashan iyo saddex(93%) waxay la kulmaan nooc kasta oo ciqaabi
iyo cunfi lee yahay sidaa lagu sheegay warbixin aqoomeed dhowaan soo baxday.
Wax lala yaabo noqon mayso markaa in Sacuudigu cidhiidhsado kalmaha ugu
hooseeya xuquuq ilaalinta sidaa lagu sheegay warbixin laga soo saaray kulanka
ganacsiga adduunka kaas, oo lagu gorfeeyey ilaalinta xuquuqda dumarka
sannadkii 2009. Sidaa la hubo ee waqaacuna sheegayo boosaska uu dambeeya oo
dhan waxay uu carbuunayeen waddamo Islaam ah, keliyaa waxaa boos kaga
guuleystey kalmaha hoose dowladda Biniin ee Africa ku taalla. Inta badan waxa
galay waddamada walaalaha ah ee Carbeed iyo kuwa kale ee muslimiinta badani ku
noolyihiin.
Yemen waxay ku guuleystey booska ugu hooseeya si sharaf leh! Waxayna gashay
kaalinta 134aad. Pakistan waxay iyana gashay 132, halka Sacuudi galay 130,
waxaana ku xigay Turkey oo galay 129 waddo furan weeye wixii intaa ka dambeeya
Iran 128, Masar waxay heshay boos sharfoon 126 marka loo eego walaalaheeda
kale ee Carbeed. Waxaan kuba jirin warbixintan saddex dowladood oo shareecada
qaybo ka mid ah laga dabbaqo, oo kala ah Soomaaliya, Suudaan iyo Afghanistan
oo dumarka loola dhaqmo si aad uu liidata.
Indonesia ayaa ugu door roon waddamada Islaamka ilaalinta xuquuqda dumarka
waxayna gashay kaalinta 93aad, lakiin se waxay haddana ka hooseysa waddamo
badan oo ka liita kana faqri badan, balse dhowra xuquuqda dumarka.
Warbixintu waxay sheegayaa in in ka badan milyan badhkii, oo dumar Muslimiin
ah ay maalin kasta la kulmaan noocyo kala duwan, oo dhibaatooyin ah; kala-
saraysiin; gaaracis; kufsi iyo wax ka daran.
Dhammaan warbiximaha kasoo baxa ha’yadaha xuquuqul insaanka dowliga ah iyo
kuwa maxaliga ah waxay qirayaan tiro-koobkan, waxayna ka digayaan xaaladda
dumarka Musliiminta ah ee ku dhex nool bulshada Islaamka u nisba sheegata iyo
khataraha soo wajahaya bulshooyinkaas, oo ay ka mid yihiin mustaqbalka
waxbarasho iyo ganacasiga waddamadaas, madaama ay dumarku haddii loo ogolaan
laha ay ka qayb qaadan lahayeen kor-u-kaca waxbarashada iyo dhaqaalaha. Su’aal
baa halkaas la iska weydiin kara ah, dumarku ma ka qaybqaadan karaan horumarka
bulshada?
Sidee ayey bulsho u doonaysa in ay horumar ku talabsaadaan iyadoo badh ka mid
ah bulshada uu curyaaminayoo badhkii kale—Dumarka—, iyagoo horumar kale iska
daa in ay u ogoladaan ee doonaya in ay dooraan habkii ay u noolaan lahayeen
iyo habkay u lebbisan lahayeen?!.
Tixraac: Dhicitaanka Caalamka Islaamka… Aragtida Mustaqbaleed ee Ummad sii
Dabbargo’aysa. (سقوط العالم الاسلامى .. نظرة في مستقبل أمة تحتضر – حامد
عبدالصمد)
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida