Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Ilaahay wakiil ka socda oo Carabi kaliya ku hadla miyuu u baahan yahay?

W/Q: Khaalid Xasan
Awood sare 4
3.3k
·

2/15/2019

Ilaahay wakiil ka socda oo Carabi kaliya ku hadla miyuu u baahan yahay?

Haddaan ka yeelo kitaabka quraanka luuqad ajanabi ah waxay dhihi
lahaayeen maxaa loo caddayn waayey aayaadkiisa, ma (Quraan) ajanabi ah iyo
nabi (Carabi ah), waxaad dhahdaa isagu kuwa rumeeyey wuxuu u yahay hanuun
iyo caafimaad, kuwa aan rumeynina dhagahooda waxaa ah culays, waana ka indha
la’ yihiin kuwaasna waxaa looga yeeri meel fog
– Fussilat:44

وَلَوْ جَعَلْنَاهُ قُرْآنًا أَعْجَمِيًّا لَّقَالُوا لَوْلَا فُصِّلَتْ
آيَاتُهُ ۖ أَأَعْجَمِيٌّ وَعَرَبِيٌّ ۗ قُلْ هُوَ لِلَّذِينَ آمَنُوا هُدًى
وَشِفَاءٌ ۖ وَالَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ فِي آذَانِهِمْ وَقْرٌ وَهُوَ
عَلَيْهِمْ عَمًى ۚ أُولَٰئِكَ يُنَادَوْنَ مِن مَّكَانٍ بَعِيدٍ

Annagaana soo dejinay isagoo quraan carabi ah inaad kastaan
Yuusuf:12

إِنَّا أَنْزَلْنَاهُ قُرْآنًا عَرَبِيًّا لَعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ

Annagaa ka yeelnay Quraan carabi ku soo dagay, inaad kastaan darteed.
Az-Zukhruf:03

إِنَّا جَعَلْنَاهُ قُرْآنًا عَرَبِيًّا لَعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ

Rasuul kuma dirno waxaan afka qoomkiisa ahayn si uu ugu caddeeyo, wuuna
baadiyeeyaa Eebbe cidduu doono inta xaqa loo caddeeyey ka dib, wuuna
hanuunin cidduu doono, waana adkaade falsan.
– Ibraahim:14

وَمَا أَرْسَلْنَا مِنْ رَسُولٍ إِلَّا بِلِسَانِ قَوْمِهِ لِيُبَيِّنَ
لَهُمْ ۖ فَيُضِلُّ اللَّهُ مَنْ يَشَاءُ وَيَهْدِي مَنْ يَشَاءُ ۚ وَهُوَ
الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ

I laahey hadii uu gumeyste raba in ay dadku caabudaan ahaan lahaa sida
Maxamad noo sheegay, ilaahey ma dirsan laheyn nin wakiil u ah oo carab ah af
carabi kaliyana ku hadla. Aayaddaan kore waxay leedahay ilaahey quraanka wuxuu
carabi uga dhigay inaad kastaan daraadeed. Maxamad in uu been noo sheegayo
waxaa lagu garan karaa adduunka waxaa ka jira lix kun oo luuqadood (6,000),
maadaama ay dadka adduunka oo dhan aysan carabi ku hadlin, ilaahey ma caqliguu
la’ayahay markuu leeyahay Quraanka carabi ayaan ku soo dajiyay sidaad u
kastaan darteed. Ma dadka oo dhan baa carabi fahmaya mase ilaahey carabta
kaliya ayuu u soo dajiyay quraanka? Marka taas micnaheedu waxay tahay ilaahey
wuxuu rabaa kaliya in ay carabta caabudaan maadaama ay fahmayaan wakiilkiisa
oo ah Maxamad sida uu aayadaas ku sheegayna uu quraanka carabi ku soo dajiyay
si ay dadka carabta ah u fahmaan. Ilaahey haddii uu rabo in ay dadka oo dhan
caabudaan muxuu u soo dirsaday wakiil carabi kaliya ku yaqaan, muxuuna u
leeyahay quraanka waxaan ku soo dajiyay carabi si aad u kastaan daraadeed?

Ma og tahay in nimankaan sheegta nabinimada iyo in ilaahey soo dirsadey
badankoodu bariga dhexe (Middle East) kawada yimaadeen? sida nabi ibraahiim,
ciise, maxamad iyo dhammaan nabiyada kale ee quraanka lagu sheegay? Haddii uu
ilaahey dooni lahaa in ay dadka oo dhan caabudaan muxuu ilaahey nabiyadiisa oo
dhan bariga dhexe ugu diray? Adduunka oo dhan ma bariga dhexe baa mise ilaahey
wuxuu jecel yahay dadka bariga dhexe kaliya oo rabaa inuu cadaab ka bad-
baadiyo? Diimaha Ibraahiimiyada loogu yeero ee kala ah Kirishtaanka, Yuhuudda
iyo Islaamku waxay ka yimaadeen bariga dhexe, taas waxay ku tuseysaa in
nimankaan isku sheega in ay wakiil ka yihiin awood sare ay isku daydeen oo oo
quraafaadka iyo sheekooyinka kala min-guuriyeen sababtoo ah ma jirto sabab
caqli gal ah oo ka danbaysa in hal tuulo toban nabi laga soo saaro, ama qoys
dhan wada nabiyo noqdaan halka kownka intiisa kale ayna fikrad yar ka haysan
nabinimada, waligoodna maqal cid sheegtay inay wakiil ka tahay awood xagga
sare deggan.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...