Ilaahay ma daalinbaa?

M arka aan dooneyno inaan ka faalloonno ama lafa gurno wax walba oo
quseeya Ilaaha muslimiintu rumaysan yihiin inuu xagga sare fadhiyo, waa in
aynu u noqonnaa Quraanka oo ah hadallo laga qoray afka Maxamed 14 qarni muddo
laga joogo loona nisbeeyo inuu yahay hadalkiisa. Si ay idiinku fududaato
fahanka qoraalkan kooban waxaan daqiiqado kooban iska indha tirayaa
aaminaadayda oo ah in aanu jirin Illaah kutubo iyo nabiyo soo diray, sidaa
darteed waxaan u hadlayaa qaab loo arki karo inuu jiro ujeedkayguna yahay
inaan Illaahan iyo sheegashadiisa saarno miisaanka garaadkeenna.
Dulmi muxuu yahay? Daalin se maxaa looga jeeda? Goormaa se dulmi yimaaddaa
ama cidi ku sifawdaa daalin?
Dulmi waxaa looga jeeda in qof ama urur ama wax u dhigmaa uu si badheedh ah
iyo si dadbanba ugula kaco cid kale fal gardarro ah oo aanay ka mudnayn ama
xaq loogu lahayn iyadoo aanay meesha ka madhnayn awood sheegasho ama xeelad
sahlaysa ku kicidda falkaas. Falkaasi ha ahaado dil, dhac iyo wax kast oo xun
dhibina ay ka dhalato, waxyaabahaas oo qofka loo geysaneyo aanu mudnayn ama
xaq loogu lahayn, ka ku kacaya falkaasina aanu xaq u lahayn.
Daalin waxaa looga jeedaa cid kasta oo kula kacda cid kale fal ay ku
dhibtoodaan jidh ahaan ama maskax ahaan, falkaasi ha ahaado mid ay
hirgelintiisa u adeegsadaan xoog ama xeelaad.
Dulmi wuxuu yimaaddaa marka ay lunto isu dheelli tirnaanta awoodaha noocay
doonaan ha ahaadeene ama goorta cid gaar ahi ay yeelato awood jidh ahaaneed
ama maskaxeed oo ay ku muquuniso cid ka awood yar ama isu aragta inay ka awood
yartahay sababa jira awgeed. La xisaabtan la’aanta iyo ku keliyaysashada awood
xad dhaaf ah ama awood siinta cid aan mudnayn oo ku tagrifasha awooddaas ayaa
dhasha dulmi iyo is muquunin.
Marka aan waydiinta ah “Illaahay ma daalin baa?” keenno waa inaan caddayn uga
raadinnaa Quraanka iyo Xadiisyada, caddayntaasi ha ahaato mid isaga difaacaysa
ama mid eedaynaysa kuna caddaynaysa inuu denbiile daalin ah yahay.
Sida ku cad Quraanka Ilaahay isaga ayaa abuuray dadka ama noolaha oo dhan,
sidoo kale wixii noolahaa ku dhaca ama ay la yimaadaan wanaag iyo samaan ama
dhib iyo dheefba waa wax uu isagu leeyahay qadarkeeda iyo ogolaansheheedaba
hadday wanaag iyo dan dadka u tahay, sidoo kalena eedda wixii dadka dhib
gaadha isagaa leh. Suurtagal maaha wanaagga samayntiisa inaan isaga u
nisbayno, xumaantana aan innagu qaadanno.
Illaahay wuxuu xadiith qudsi ku yidhi: “naftayda waan uu diidey inay dulmi ku
kacdo, dhexdiinana waan ka mamnuucay dulmi ee ha is dulmina”. Hadalkan
micnihiisu waxa weeye idin dulmiyi maayo haddaan Illaahay ahay ee idinkuna ha
is dulminina haddaad dadka tihiin. (اني حرمت ظلم على نفسي وجعلته محرما بينكم)
hadaba hab-dhaqanka Illaahay ma yahay mid ka run sheegeya hadlkaas? Jawaabtu
waa maya. Illaahay wuxuu quraanka ku yidhi: “Illaahay waa siduu doono yeele”
(ان ربك فعال لما يريد) hadduu siduu doono yeele yahay saw xaq u yeelan mayno
inaan is waydiino kalsoonida hadalkiisii hore lagu qabi karaa inta ay le’eg
tahay, hadduu siduu doono yeele yahay maxaa diideya inuu ina dulmiyo?
Quraanku wuxuu sheegeyaa in talada adduunku tahay mid isaga oo keliya
go’aamiyo oo aanay jirin cid talada la wadaagta (لا شريك له), ku keliyaysiga
awooddu waa hooyada dulmiga, sababtoo ah kelitalisnimo kolkay timaaddo waxaa
meesha ka baxaya isla xisaabtankii laf dhabarta u ahaa caddaaladda. Isla
xisaabtankaasi waa waxa iska hortaageya in cid gaar ahi awoodda si khalad ah u
adeegsato, hadday luntana waa bar bilawga dulmiga. Kelitaliye siduu doono
yeele ahi inuu dulmi ku kacaa waa marag ma doonto.
Ilaahay wuxuu yidhi: anaa wax lumiya waxna hanuuniya ( يهدي من يشاء ويضل من
يشاء), hadalkani wuxuu inoo caddaynayaa in Ilaahay yahay ka keliya ee wax
lumiya waxna toosiya dadkuna aanay lahayn doonis xor ah oo ay ku kala doortaan
falalka ay ku dhaqaaqaan. Ka warran haddaan anigu ku lumiyo kadibna aan kugu
ciqaabo inaad luntay? Taasi saw dulmi cad maaha? Haddii aynu ku doodno Ilaahay
dadka ma lumiyee wuu toosiyaa oo keliya, miyaanay taasi noqonayn inaan ka been
sheegeyno oo isku deyeyno inaan ka difaacno denbiga iyo dulmigan luminta ah ee
uu isagu ku qiranayo quraanka meelo badan oo kamida?
Illaahay wuxuu kaloo yidhi: waxaad ka baqdaa dhibaato aan haleelayn ama ku
dhacayn kuwiina denbiilayaasha ah oo keliya (واتقو فتنة لا تصيبن الذين ظلمو
منكم خاصة) oo macnaheedu yahay in Illaahay uu si isku mid ah u ciqaabayo kuwa
gefey iyo kuwa aan gefin. Denbiile waliba inuu gurto midhaha gefkuu galay waa
arrin gar ah cid dood ka qabtaana ma jirto, laakiin in la ciqaabo qof aan wax
denbi ah geysani saw dulmi maaha?
Ilaahay wuxuu sheegtay inuu isagu noolaha oo dhan abuuray, maalka, caafimaadka
iyo barwaaqadana uu isagu qaybiyo. Ma caddaaladbaa in dadka qayb ka mid ah uu
indha tiro ama curyaamiyo? Ma gar baa inuu dadka qaybna dan yar liidata ka
dhigo qaarna hantiilayaal? Ma gar baa inuu dadka qaar dhergiyo qaarna gaajo,
harraad ama oon iyo diif ku dilo? Jawaabta waydiimaha sare ku xusan oo dhami
waa maya. Gar maaha balse waa dulmi loola badheedhay dadka qayb ka mid ah iyo
eex loo eexday qaybta kale. Haddii aan si kale u dhigno kuna doodno aragtida
ah in la isku eegeyo dadka bal inay wax is tartaan oo is caawiyaan iyo in
kale, hadaba aynu is waydiinno ma jiraa qof mudan in loo naafeeyo loona
bahdilo si ka kale ee wax haystaa ugu mahadnaqo Illaahii dulmigaas sameeyey ee
u eexday? Ma jiraa qof mudan in la geliyo xaalad dhaqaale oo aad u hoosaysa
ama saboolnimo daran si kuwa eexda wax lagu siiyey ay hanbadooda u tuuraan? Ma
dulmi ka wayn baa jira in kii adiga saboolnimada ku geliyey isla isagii ay
abaal marin ama ajar kaga doontaan kuwii uu kaaga eexday shilimaadka ay ku
siiyaan ee sadaqada ah? Ma garbaa marka qof maskiin ah oo dayac iyo gaajo
asaaggii ka reebtay kaa tuugsado wuxuu nafta ku badbaadiyo isagoo gacmaha kuu
hoorsanaya inaad adiguna ugu jawaabto “Allaah kariim” ama “Illaahay wax ha ku
siiyo”? Cidda wax bixisa saw Illaahay maaha? Cida tuugsiga iyo baryada biday
qofkaas saw Illaahay maaha? Jawaabaha waydiimahan akhristayaal idinkaan idiin
dhaafayaa.
Haddii aan ku doodno innagoo Illaahay ceeb kala cararayna dadku iyagaa
shaqaysan waayay oo is dayacay, hadalkan waxaan uga jeedaa in lagu doodo
karti darrida dadka qaar iyo mashaqystenimadooda ayaa sabool ka dhigtay kuwa
danyarta ah, hadaba maxaynu ka dedaalla ee shaqaysta hantiilahana noqda u
dhehnaa “Illaahay baa siiyey”? In guul darrada dadka la saaro guushana
Illaahay la siiyo waa dulmiga laftiisii oo waxa imanaysa waydiin kale oo ah
“Muxuu Ilaahay qof gaar ugu deeqay hanti kuwa kalana kartidooda ku
hallleeyey?.
Adduunka waxaa ka dhaca abaaro iyo biyo la’aan baahsan oo galaafta nolosha
noole badan. Abaarahaasi waxay ka mid yihiin waxyaabaha naafeeyey nolosha
dadka ay kamidka yihiin Soomaalidu, sida Illaahay ku dooday kuwa rumeeyeyna ay
qirsan yihiin roobka Illaahay ayaa keena. Haddii roobku yahay wax Illaahay
keeno, abaartuna saw noqon mayso natiijadii ka dhalatay xannibaaduu xannibay
roobka? Miyaanay dulmi ahayn in noole dad, dhir, deegaan iyo xoolaba leh kuna
noolaa roobka laga xannibo roobkii oo ay oon iyo harraad u dhintaan? Saw
gunnimo maaha in Illaahay ku qasbo dadkuu roobka ka xannibay inay baryootamaan
si uu biyaha ugu soo fasaxo? Dhulka qayb ka mid ah iyo waxa ku nool in aanu
Illaahay ka xannibin roobka oo ay biyo ka dhergaan qaybina harraad u dhammaato
saw caddaalad darro iyo dulmi maaha? Ilmaha aad dhashay oo oomman biyihiina
aad adigu u hayso inaad ka xayirto kuna qasabto inuu kaa baryo biyo uu nafta
ku badbaadiyaa saw gabood fal wayn maaha?
Hadaba saw garteen maaha inaan qirno in Illaahay yahay daalinka ugu wayn, ka
dulmiga bilaabay iyo dulmi walba oo kownka ka dhaca midka hore u jaangooyay?
Waxaa aan kor ku soo sheegay oo dhami waa xaqiiqooyin jira dadkuna arkaan
balse cabsi darteed ay uga aamusan yihiin. Dulmigu waa mid meeshuu doono ha ka
dhaco, ciddii doontaana ha ku kacdo. Ma jiro dulmi mudan in laga aamuso
raallina laga ahaado iyo mid ay tahay in la iska diido. Dulmi waa dulmi cid
kasta oo ku kacdaa magacay doonto iyo derejaday doonto ha lahaate waa daalin
ama dulmiile ay waajib tahay in la iska dhiciyo heeryadiisana la iska tuuro.
Waxaa la yaab kale ah is burint hadallada Illaahay, dulmiga waan diidey ayuu
yidhi hadana dulmi oo dhan isagaa sabab u ah oo qaddaray inay dhacaan,
raallina ka ah dulmiga meel walba ka socda marka kiisa laga yimaado. Is
burinta hadallada Illaahay markaan aragno innaga oo aan marmarsiiyo u raadin
saw waajib maaha inaan nafteenna runta u sheegno oo qirno laba wajiilaynta
Illaahay? Saw gar maaha inaan qiranno nafeheenana u sheegno xaqiiqda ah in
Illaahay yahay beenaale wayn? Mise qiil baan u raadinaayoo waxaan dhehnaa
Illaahay isma maqlo ama isma maqlayn waaguu Maxamed Quraanka usoo dhiibayey?
Mise waxaan ku doodnaa Illaahay been ma sheego daalinna maahee xasuustiisa xun
oo wuxuu shalay yidhi maanta ma xasuusna? Mise waxaaban ku doodnaa in ilaahay
immika ilbaxay oo dhaqamadiisii hore ee kelitalisnimada iyo dulmiga ahaa
bedelay? Inkastoo tan danbe ayna ka muuqan kownka oo wali caddaalad darro
baahsani jirto. Dhankaad doontaan u qaada runtuse waxay tahay haddii aynu
sugno inuu leeyahay awood uu ku joojin karo dulmigaas balse uuna joojin inuu
noqonayo daalin, dulmigana raalli ka ah .
Haddii si kastaba ha u dhacdee aan isla qirno in Illaahay yahay daalin, is
waydii ma mudan yahay inaad ammaan iyo baryo la daba joogto ama aad caabudo oo
wayneyso? Illaahnimo maaha inaad u qirto wax aanad arag, welibana qiraal ku ah
oo lasoo taagan dulmi, dhac, dil, eex, arxan darro iyo gaajo. Illaahnimo waxa
mudan cidda ku sifawda ama laga helo caddaalad, naxariis, barwaaqo, dhereg,
caafimaad iyo run aan dhammaad lahayn baryo iyo isbahdilna aan ku xidhayn
deeqdaas.
Cidna ha dulmiyin, dulmina ha yeelin, qiilna ha u raadin.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida