"Ilaahay ha u naxariisto"

Waxaa la sheega in oday kamid ah Soomaalida geelleyda ah wiil uu dhalay uu
jirro ama xanuun ugu dhintay deegaan aan kiisii ahayn. Odaygii geel jiraha
ahaa warkii baa soo gaadhey, warankiisuna hore qaatay isagoo go’aansaday inuu
u aaro wiilkiisa.
Markuu soo gaadhey goobtii wiilkiisu Ku dhintay, dadkii waxay Ku boobeen tacsi
dhegihiisa waxaa ka batay ereyga “Illaahay ha u naxariisto” odaygu weligii ma
maqal ereyga “Illaahay” wax loola jeedona garan maayo, isaga se waxay kaga
dhegtey waydiinta ah yaa diley wiilkaygii hebel? Dadkuna waxay ugu jawaabaan
Illaahay baa diley oo tiisi bay noqotay, waxayna u raaciyaan Illaahay ha u
naxariisto.
Duqii yaab!!!!!. Waxa la sheegeya isu qaban waaye, Illaahay baa diley oo aanu
aqoon, hadana ha loo baryo inuu u naxariisto. Yaab iyo af-kala qaad bay Ku
noqotay. Hal mar intuu istaagey buu yidhi dhegeysta: Ninka wiilkayga diley
naxariis uga baryi maaye indhaha uun iisaara anaa ka daba geyne, ama iisoo
geed fadhiisiya isaga waa Illaahay iyo beeshiisaba. Meeshi waa lagu kala
yaacay markuu odaygu hadalka yidhi.
Dadkii maanta argagixisadu Xamar Ku dishey waxay dilka dadkaa Ku raali
gelineyeen Illaah la sheego inuu xagga sare fadhiyo, waxay adeegsanayeen kutub
Carbeed oo bannaynaysa daadinta dhiiga dadkaa masaakiinta ah. Hadii aad
aaminsantahay in Illaahay jiro, waxaad sidoo kalena aaminsantahay habaar
qabahaasi inuu qorsheeyey ama qoray inay dadkaasi dhintaan, halkaa Ku
dhintaan, xiligaana dhintaan welibana ay gacanta argagixisadaa Ku dhintaan.
Argagixisadu markay weerarkan soo qaadayeen waxay Illaahooda ka baryeen inuu
hawsha u fudaydiyo.
Hadaba ma gar baa in dhiiga dadkaa masaakinta ah ciddii daadisay looga baryo
naxariis? Illaaha aad aaminsantahay ma badbaadin kari waayey dadkaa la diley?
Aniga waxaa ila quman in aan cidna loo baryin. Si dhibkaas aan uga nasano
waxaan Ku talin lahaa in la dumiyo meelaha lagu barto argagixisanimada,
kutubaha Carbeed ee xagjirnimada laga barto la mamnuuco goobaha lagu faafiyana
la xiro.
Waa ka xumahay Geerida weriye Cawil Daahir ee ay maantu dad qalatadu ku dishay
isaga iyo maato kaleba magaalda Muqdisho.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida