Ilaahay ayay u gafeen

I n badan oo kamida Quraanka mohamed markaad si miyir qaba u eegto ama aad
sameyso waxay tadabarka ugu yeeraan muslimiinta waxaadba is leedahay ilaahay
oo iska cayaarayo ayay hadalka ka qoreen waa hadaanba ka soo qaadno inuu jiro
wax ilaahay layiraah oo cirka kursi u yaal layiri 8 ayaa sida aan la aqoon
waxay yihiin.
Waxaad arkeysaa ilaahay oo caayaya nin caraba iyo naagtiisa, mararka qaarna
sankaan kaa calaameyn leh, ama leh foodaan ku dhegeynaa, waxaan is iri waxa ay
ku sheegaan malakul jibriil ayaa ilaahay oo iska kaftamaayo mohamed oo stress
god kula jira kala dul dhacey.
Waayo ilaahayga ay leeyihiin waxa planet aduunka jiruu sameeyey uma qalanto
inuu dhaho dumarka markey tukanayaan jirkooda aad ha u sii qariyeen waayo
ilaahay ayaan ogoleyn haween qaawan oo tukaneyso.
Waa yaabe ayagoo dharka qabo ma arki karo miyaa? Oo intaan anaga aragno ayuu
arki karaa asagana inkastoo ilaahay dumarka sigaara u beegsadey waa siduu
mohamed ka soo sheegaye, uma eka warka ilaahay loo tiiriyo ee quranka wax ka
yimid noole xilmad leh.
Nin caraba oo cuqdad naageed qabo warkiisa ayuu u eg yahay misna boqortooyo
heley sidaas ayuu dumarkii miduu caruurnimo ku fuulo iyo miduu ninkeedii ka
furto iyo kuwa uu nacalad dusha ka saaro oogu qaybshey dumarkii la noolaa
waxyigii mohamedkii saxaraha sacuudiga ka soo muuqdey qarnigii 7aad.
Umaleyn maayo ilaahay xitaa haduu jiro inuu la soo shirtigi karo qof aan mar
hore cadaab u sii qorey ayaan rabaa inuu I baryoo danbi dhaaf i weydiisto oo
weliba cibaado iyo baryadeyda ku baroortaa har iyo habeyn.
Waxay la mid tahay computer ama system aad progaraamisey misna aad tiri waxaan
ku shubey waxaan ahayn waa inaan ka helaa hadaan ka waayana dab ayaa yaqaan oo
ku shidi.
Tolow ilaah ay xikmadiisu saas tahay sidee u kala wadaa aduunkaan iyo nolshaan
mowjadaha is diidan ku dhisan, ilaahow hadaad jirto cida ugu weyn oo kuu
gaftey waa kuwa isku magacaabey rususha ama ambiyada iyagoo ku an dacoonayo
ilaah ayaa dhegta wax noogu sheegey.
Kuwaas hadaad ka aarsan weydo ilaahay ama aad soo gole joojin weydo fagaare la
yaqaan waxaan kuu aqoonsan doonaa qoodh iyo xeraale aan mudneyn in laga hadla
xitaa.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida