Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Ijaabo

W/Q: Maxamed Kaahiye
Sheeko Faneed 0
8.3k
·

4/2/2021

Ijaabo

I jaabo waa inan jamaal, joog iyo haybad-ba isku darsatay. Waa inan
buuxsantay oo gashaanti ah, markaas-na inta is wada gaadhay isu aragtay in ay
dumarkaba kaw; dhanka quruxda, qaabka, toolmoonaanta, jalaqsanida, heemaalka
iyo haybadda iyadu u tahay. kalsoonida ay isu qabtay waxa ay gaarsiisay in
iyada mooyaan’e inta gabadh la lood ama fac ah aysan jirin inan kula tartami
karta quruxda iyo garashada ay aaminsan tahay in gaar loogu aqoolay iyada oo
qura, waxa taasna sababay degaanka ay joogtay oo iyada ma ahan’e aysan raggu
dhedigoodka kale indhaha u qaybin.

Meesha la joogaa-waa miyiga, oo gabadhii qurux haybadi la socoto iyo garaad
lagu arko ama lagu maqlo raggu u kala loolamaan oo nin walbaa ku hamiyo in ay
isaga ooridiisa noqoto. Waa hubaal ninkii ay marantidiisa noqoto in uu rag ugu
horreyn doono, taasna waxaa keentay ijaabo waxa ay ahayd fariid-faracad oo
dhankii ay ku aado uusan yeen-yeen lahaan, lexla-jeclada xoolaha, samaynta ama
falkinta agabka aqal baadiga sida; Rarooyinka, Hararaha, aloolka, wayn-
baaradda/ koleyada iyo xargaha wax lagu rarto iwm. Gabadha agabkaas samayn
taqaan oo garaadna ku darsata waxa ay halkaa ka ahayd lama helaan-lama hure ah
oo lagu soo wada hirto.

Haddii aanu is dul-taag yar ku samayno qaabkii iyo muuqaalkeedii, waxa aan ka
xusi karraa intaan yar; wajiga iyo foolka hore ku hor-mar, Indho waa-wayn oo
balleencad u eg oo galka aan ka soo baxsanayn’e si is le’eg ugu yaalla oo
galacda ku guraya baalo togan oo dhaadheer, suuniyo sidii bil markaa dhawr
jirsatay aad loo qor-qorey oo sida qaanso roobaad u samaysan, san toosan oo
salka dambe ee uu ka soo dareero san-qaroor dheer oo aan bararnayn ku leh, af
yar oo ilko dhuuxa ka cad oo labadda fool ee hore magar yar oo casaan xigeen
ah ku wata, dibno is le-eg oo la isku jaray, cirrid madow oo aan cagaag
lahayn, daaman/ dhabano gad-gaduudan butuc ah oo aan wax nabar ah lahayn
turxaanna laga dhawray, daanka bidix tush aan aad u waynayn oo marka ay
dhoolacadayso oo qura la arki karo, madax aan kala badnayn ee wajigiisa ku
kooban, timo yilix ah oo hadba dabayshu dhan u walhinayso iyo qoor dheer oo
cabaadhyo lagu jar-jaray, haybad gooni ah, gantaaladda gaadada kaga yaal oo
sida gamuun markaa in la gano loo diyaariyey u samaysan.

Gacmo garaaro-leh oo aan aad u dheerayn’e intii laga rabay ah, bal hoos u soo
deg; lugaha ka biloow kor baan kuu celinayaa’e, kubabka is dul-saarka ah ee
lugaha lagu miisaamay, kor uga kac-bawdyaha karoorta ah, cajirada geesaha kaga
yaal, badhida buuran ee isa saaran, sii jeedka il qabadka leh iyo soo jeedka
indhahaba la baxay ayaa ijaabo gaar loogu hadyeey.

Marka ay soconayso lugba mar ayaa ay qaadaysaa, iyada oo sinta lug-taasna la
dhaqaajinaysa, tilaabo degan oo la dikeeyey iyo xaragadda oo lagu ladhay ayaa
nin walba oo Ijaabo arka ka seexan kari waayey, maalinkiina ku dhololaa-
hamaykiina ku salalaa.

Waad garan qof dumar ah oo intaas oo hub ah isku darsatay, san taag iyo isla
wayni lagama waayi karayo’e nin walba oo u soo haasaawi taga kor iyo hoos ayey
u eegtay, oo quursatay-allayleh’e nin u babac dhigaa la waayey oo raggii oo
dhan ayaa ay dhan isugu buustay iyada oo qasdigeedu ahaa; In nin walbaa
hawaysto ay tahay meel ka dhac iyada oo u ekaysay in uusan nin walbaa u
qalmin. Ijaabo wax lagu tilmaamo-ayaa la garan waayey, degaan dhan lagama
waayo-nin karmeed kas iyo garasho dumar ka sal gaari-kara’e wiil hoog ayaa u
baxay Ijaabo. Markii horeba waa tii ragga eryi jirtay’e waa ay kula dustay, oo
tiri buus, hadal kama badinayso oo waa aftahan shabeel naagood ah, maskax kuma
reebi karto oo waa uu ka garasho badan-yahay, waxaan oran karaa maadaama ay
qof tahay, nololna ay rabto wixii ay ragga uga didaysayna ninkani uusan lahayn
ee intii ay ninka ay doonayso ku xulan lahayd ninkani leeyahay in ay aqbasho
oo soo dhawaysato ayay la ahaatay-waa ayna ku dhaqaaqday…..!

F.G: Sheekadaani waa mala’awaal, haddiii aad ku aragtaan erayo aydaan
jeclaysan ka raali ahaada.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...