Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Hummaagyo kala janjeera

W/Q: Aadan Cali
Falsafad 2
16.0k
ยท

1/1/2019

Hummaagyo kala janjeera

DH ulka iyo cirka ayaa dadka iska dhalay. Balse, yaa taas garan kara?
Kuwii ka dhex baxa un baa garan kara. Eebbe iyo abuurtiisu waa ay isku dhex
jiraan oo mid qura ayay isku yihiin. Balse, magacyada ayay ku kala duwan
yihiin. Mucjisaduna waa wadada Eebbe iyo abuurtiisa isku xirta. Marka ay dadku
quruxda gartaan ayay foolxumada fahmaan. Marka ay wanaagga dareemaanna
xumaanta ayay arkaan. Wax jira iyo wax aan jirin, wax adag iyo wax jilicsan,
wax dheer iyo wax gaaban, wax qoyan iyo wax qallalan, wax dhaw iyo wax dheer,
wax yaabahaas oo dhan waa ay istilmaamaan oo midba midka kale ayuu sheegaa.

Codka kaligiis ah nuxur ma leh. Muusiggu wax kale ma ahan ee waa codad la isku
qasay. Cododka isku qasan ayay dhegtu macaansataa, naftuna ku xasishaa. Kan
dambe iyo kan hore waa ay is daba joogaan. Qofka caqliga badani waxba ma
caashaqo, waxba ma leh, waa kaligiis. Naftiisa iyo waxa uu qabto midna sare
uma qaado. Marna lagama maqlo isaga oo naftiisa ka sheekaynaya. Haddii aysan
dadku isla waawaynaadeen, qofna qof ma ximiyeen. Haddii aan xoolaha la kala
sheegan cidina wax ma xaddeen.

Wixii dhulka ka sareeya waa xurriyad iyo faaruq. Qofka cabqariga ah waa sida
biyaha oo kale. Wax waliba biyo waa ay u baahan yihiin laakiin iyagu waxba uma
baahna. Cid kasta waa ay waraabiyaan laakiin cidna iyaga ma waraabiso. Wax
waliba waa ay ka sarreeyaan waana ay ka hooseeyaan. Wax waliba waa ay ka
midyiihiin, bannaan kana waa ay ka joogaan. Wax walba waa ay ka jilicsan
yihiin waana ay ka adag yihiin. Biyuhu waaa nolol waana geeri. Waayo, nolosha
ayay geeridu ku dhex jirtaa, sida ay geeridu nolosha ugu dhex jirto. Wax nool
ayaa dhiman kara, wax dhintay ayaana noolaan kara. Wax aan noolayn ma dhiman
karaan, wax aan dhimmanna ma noolaan karaan.

Qofkii madaxnimo ka fogaadaa khaladaad badan ayuu ka fogaaday. Qofkii
shantiisa dareeme oo keli ah wax ku dareemaana dhagax kama duwana. Midkii
dhegihiisa oo keli ah wax ku maqlaa waa dhegool, midkii indhihiisa oo keli ah
wax ku arkaana waa indhool. Midkii luguhiisa oo keli ah ku socdaana waa
curyaan.

Quruxda iyo hantida ayaa nafta burburiya. Amaanta iyo cayduba si isku mid ah
ayay cabsi u leeyihiin. Caannimaduna waa doqonnimo. Dadku waxay u diriraan in
la amaano, marka ay gaaraanna waxa ay ka cabsdaan in la caayo. Qofka caanka ah
magac ayuu caabudaa, sida uu u illaalinaya waa uu ku saxariiraa.

Wixii aad jelcaato un baad oydaa marka aad waydo. Markii aad u malayso in aad
kaligaa saxan tahay ayaad khaladan tahay. In aad shakido waa iimaan, in aad
yaqiinsataana waa gaalnimo.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...