Hub ka dhigistii Ilaahyada

X igmad aan u malaynayo inay asal ahaan Jarmal tahay ayaa waxay tidhaa
“Meesha aqoontu ku dhamaato ayuu iimaanku ama aaminaaddo ka bilaabantaa”
Taasi oo macnaheedu yahay waxkasti oo aan garanwayno siday u shaqeeyaan
ilaahyadeenna ayaan u tiirinnaa.
Tusaale ahaan danabka ama biriqda waxa keena iyo siday ku samaysanto dadkii
hore may aqoon, taasi ayaa waxay sababtay inay diimuhu dhacdadaasi dabiiciga
ah u adeegsadaan inay dadka ku cabsi galiyaan, tusaale Giriikii hore hilaaca
waxay ku sheegeen hubka ilaaha Zeus lagu magacaabo.
Islaamku sidaa si la mid ah suurad dhan oo quraanka ka mid ah ayaa hillaac
lagu magacaabay waxana suuradaa lagu sheegay “inuu biriqda ilaahay diro cidduu
doonana ku dhufto”
“وَيُرْسِلُ الصَّوَاعِقَ فَيُصِيبُ بِهَا مَن يَشَاءُ”
Sidaa aad arkaysaan dadkii inaga horreeyay danabkii ama biriqdii ayay ka
dhigeen hub ilaahyadu leeyihiin lkn ceebi waata dambaysee waxa ilaahyadii
hubka dhigis lagu sameeyay markii la fahmay in hillaacu yahay uun koronto
dabiici ah oo ka dhalata charge-kala-duwanaanshaha daruuraha iyo dhulka.
Intaas markii la ogaadayna waxa la soosaray aalad afka ingiriiska lagu yidhaa
“Lighting rod” oo ah aalad biriqda/danabka guryaha iyo baaburta ama meel walba
oon la rabin inuu danab ku dhaco ka qabata oo dhulka u gudbisa.
Sida sawirkan hoose ka muuqata qubbada masjidka rasuulka ee Madiina ayaad ku
arki kartaa aalladan biriqda/danabka qabata taasoo muujinaysa kalsooni darrada
jirta muslimiinta dhexdooda maadaama looga baqayo Allaah inuu gurigiisa ku
khaldamo oo qabriga nabigiisa sharafta badan ee Maxamed gubo. Isaga oo hore u
ballan qaaday inuu gurigiisa iyo dadka soo booqdaba ilaalinayo kana hor
istaagi doona cadawga sida dhacday qisadii maroodiga ee nabiga soo saarkiisa
ka horraysay.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida