Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Hooyadaa ayaa ka naxariis badan ilaahaaga

W/Q: Maygaag Guuleed
Awood sare 7
2.7k
·

1/6/2018

Hooyadaa ayaa ka naxariis badan ilaahaaga

DH ammaan diimaha samaawiga ahi Ilaahooda waxay ku tilmaameen inuu yahay
mid naxariis badan, caddaalad badan oo neceb inuu ku xadgudbo addoomihiisa,
sidoo kalena aanan aqoon eexashada iyo qaraabo kiilka, Ilaahay waa mid ku
qiimeeya addoonkiisa falalkiisa adduunka oo ku xisaabiya.. Ilaahay waa mid
ciqaabta u soo hormariya kuwa amarkiisa qaadan waaya ee ku gacan saydha
nimanka uu farriintiisa u soo dhiibay, Ilaaha Islaamku waxa uu leeyahay
“Eebahaa maaha mid ku gabood fala
addoomihiisa”[1](https://kaashomaanka.com/ilaahay-ma-naxariis-badan-yahay-
sida/#easy-footnote-bottom-1-848), hadaba waxaa is waydiin mudan Maxaa keenay
dhibaatooyinka aan dhamaadka lahayn ee adduunka maanta gil-gilaya gees walba
haddii uu jiro Ilaah naxariis badan oo xumaanta neceb?

Aaway Ilaahii caddaaladda iyo naxariista badnaa ee dhagahayagu mudada dheer
maqlayeen buun-buuninta magiciisa iyo awooddiisa markii aan gabadha yar ahaa?
Sidee buu ilaahay caadil u noqon karaa maadaama uuna simin dadka dhaqankooda,
dabeecadahooda, awoodahooda iyo noloshoodaba?

Waxaad arkaysaa qof caafimaad qaba, xoog badan, maskax badan, xirfad leh,
hodana qurux badan, xaas wanaagsan leh, caruur badan, caan ah, awood fulineed
leh sidoo kale waxaad arkaysaa qof saboola, tabar yar, xanuusanaya, nolol
maalmeedkiisa aan soo qabanayn, fool xun, maangaaba, ma dhalays ah, xaas
masayr badan oo ku nacday saboolnimada iyo fool xumada qaba.. Muxuu yahay
danbiga ninkan danbe? Ma isagaa doortay dabeecadaha abuurka ah?
Ilaahay labadan qof muxuu u kala sarraysiiyay?
Muxuu mid kamida ugu deeqay nimcooyinkiisa badan mid kalana ugu diiday? Muxuu
yahay halbeegga uu adeegsaday Ilaahay ee laba addoon midna u gumeeyey midna
guusha u siiyay?

Ka warran haddii labadan addoon isku jinsiyad yihiin oo isku midab yihiin oo
isku magaalo yihiin oo isku xaafad yihiin oo isku qabiil yihiin oo isku diin
yihiin oo camalkoodu siman yahay.. Maxay tahay sababta Ilaahay midna gacanta
sare u siiyay mid kalana xanuuno iyo aafooyin ugu salliday? Aaway cadaaladdii
ilaahan neceb xadgudubka iyo eexashada sida kutubtiisa badan ee iska hor
imanayaa sheegeen?
Ilaaha quraanku mar uu arrintan isku dayay inuu nala wadaago xikmadda uu ka
leeyahay waxa uu yiri “…Annaga ayaa u qaybinay noloshooda adduunyo waana ka
kor yeelay qaarkood qaarka kale darajooyin, si ay isugu adeegaan” jumlada
“ليتخذ بعضهم سخريا”ee u danbeeya aayaddan culimada tafsiirka qayb kamida ayaa
ku micneeyey “Si aad isugu jees-jeestaan”.
Maxay tahay xikmad ilaaheedka ku jirta in kuwa hantida haystaa ku jees-jeesaan
kuwa baahan? Muxuu yahay Ilaaha caruurta ah ee sidan u fekerayaa? Adduunka iyo
dadka dhibaatoonaya ee xanuunada badan iyo rafaadka ka cabanayaa isagu ma
jees-jees iyo madadaalo ayuu u abuuray?

Miyay ka dalbadeen bilowgii inuu abuuro hadaba muxuu adduunkan ugu beeray?
Hadii uu ogaalkiisu buuxo oo ka war hayay inay dhibaatoon doonaan oo silci
doonaan miyayna haboonayn isaga oo sumcadiisa iyo wajigiisa dhawranaya iyagana
u tudhaya oo boggiisa naxariista tusaya inuusan ku soo biirin adduunkan?

Miyayna la yaab ahayn dadkaas uu adduunku ku sliciyay haddii ay rumayn waayaan
kitaabkiisa khaladaadka badan ee is burinaya ama ka hor imanaya caqliga iyo
cilmiga ka buuxaan inuu hadana u diyaariyay cadaab waaraya oo ay waligood ku
jirayaan isaga oo waliba macaansanaya bed-bedelidda jidhkooda si ay xanuun
badan u dareemaan! inkasta oo aanan garanayn jidhka cusub ee la abuuray
sababta loo cadaabayo maadaama aana isaga lagu danbaabin.. Ilaahan noole yar
oo uu abuuray oo aan qiimo agtiisa ka lahayn kharash badan ku bixiyay sil-
silado, albaabo waawayn, godad cadaab ah iyo shaqaale badan oo horjooge iyo
ilaalo ka ah cadaabtan baaxadda wayn miyaa lagu tilmaami karaa mid naxariis
buuxda/guud leh ama ugu naxariis badan kuwa naxariista? Hooyadaa marna ma
ogolaanayso in dab lagugu solo ama aad gaajo u dhimatid, balse wixii
karaankeeda ah waxay isku dayaysaa inay kaa bad-baadiso.

Related image

Ilaah xanaaqsan

Ilaaha Islaamku sawirkiisa soo gudbiyay waa mid ciil la gubanaya oo dhiigiisu
kacsan yahay 24/7, wuxuuna ku dhiirri galinayaa kuwa raacay inay daadiyaan
dhiigga addoomada kale ee aan ku qancin farriintiisa, wuxuu farayaa
qafaalashada iyo xoog ku kufsashada dumarka dagaalka dartii loo galay lagu
qabsado.. wuxuu farayaa addoonsiga caruurta iyo haweenka bir-ma-gaydada ah..
Ilaahani hadii uu sidaa u neceb yahay kuwa diiday(gaalada) miyayna haboonayn
inuu gacantiisa ula tago oo il-bidihqsi ku masaxo ama joojiyo gabi ahaanba
dhalashada kuwo hor leh.. Goodinta badan iyo adeegsiga qaar kamida
addoomadiisa si ay ugu soo aar-gudaan miyayna ku tusayn tabar yarida Ilaahan
jirran maskax ahaan??

Ilaaha Quraanku wuxuu ku mashquulsan yahay noole yar oo il-ma aragtay ah
-marka isaga la barbardhigo- lugta uu suuliga hor galinayo iyo gacanta uu
cuntada ku cunayo ama waxa uu lacnadayaa gabadh iyadoo cadar isku buufisay
bannaanka u baxday ama qayb yar oo kamida timaheeda qaawisay isaga oo iska
indha tiraya ama is ilowsiinaya dhibaatooyinka dhabta ah ee ka jira adduunkan
sida Macaluusha, colaadaha iyo aafooyinka dabiiciga ah, wuxuuna ogolaanayaa
inuu jiro hub gumaadi kara dhamaan noolayaasha dul saran adduunkan.

Maalin walba malaayiin caruura oo bir-ma-gaydo ah ayaa ku dhinta dabka ka kaca
colaado, abaaro iyo aafooyin kale oo dabiiciya halka qaar kale ay la silciyaan
oo cisbitaalo ugu jiraan xanuuno iyo ceebo jidhka ah oo ay ku dhasheen, Maxay
galabsadeen caruurtaas oo ilaahan naxariista badani ka jidh dilayaa? Muxuu
qaar kale ugu dilayaa gaajada iyo harraadka oo lafahooda ugu ogolaanaya inay
haaddu kala boobto? Yaa naxariis badan Ilaahaas roobkiisa ka joojiyay ee oonka
baday iyo dadka u soo gurmanaya ee caruurtaas cuntada, biyaha iyo dawada
gurigooda ugu keenaya? Yaa mudan in loo mahad celiyo oo magacooda la wayneeyo?

Ilaahay miyuu gabay hawshiisii mise Ilaaha ay kutubtu inoo sheegeen ayaa ka
duwan ka dhabta ah mise Ilaahba ma jiro ee cabsida iyo cadaalad darrada jirtay
waagii hore ayaa abuurtay is moodsiinta jiritaanka oday khiyaaliya oo dadka
gafka ku kaca ka abaal marin doona markay dhintaan, oday xanaaqsan oo raba in
la iska sasabo si uuna aaffooyin dabiiciya ugu keenin dadka..
Dhabta ayaa ah in adduunkani uusan ahayn mid innaga darteen loo sameeyey oo
waxa qurux badan inaynu calaacalka dayno oo ka baxno isku hallaynta duq aan
wax qabadkiisa la arag oo samada ku dhuumaalysanaya? Muxuu u soo dagi waayay
oo dabkan adduunka ka holcaya u damin waayay haddii naxariis badnida uu ku
faanaa wax ka jiraan? Haddiise ay ku adagtahay taasi muxuu u soo diri waayay
malaa’ig masaakiinta Yemen, Suuriya iyo Soomaaliya quudisa oo colaadaha
joojiso, nabad waartana soo dabaasha sidii uu malaa’igta ugu soo diri jiray
Maxamed si ay dagaalka iyo dhiig daadinta uga qayb galaan?

Ilaahay Maanta ayaa loo baahan yahay inuu faydo shaatigiisa oo ina tuso
murqihiisa waawayn masaakiintana xaqooda u soo dhiciyo, kuwa xadgudbka wadana
abaal mariyo, hadii kale marka laga talo baxo ee gacmaheenna aan ku soo
dabbaalno nabad adduunkana aan ka dhigno mid qurux badan yaanan la arkin
maangaabyo u mahad celinaya ilaahan dhagoolka ahaa xilligii gacmahayagu
daaleen sidii aan kor ugu haynay, indhahayaguna baryadiisa ay la ilmaynayeen.

Ilaahani kuwa gacmahooda kor u taaga ee baryadiisa dartii isu dul dhiga ma tix
galiyo baryadooda oo colaado iyo abaaro ayuu ku abaal mariyaa sida Soomaalida
iyo ummadaha fadhiidka ah diimahana ku dhagan ee colaaduhu ragaadiyeen halka
kuwa tashada ee ka tala baxa gacmahoodana wax ku qabsada ugu deeqo nolol
fiican, hiil iyo hoona la garab taagnaado.

Dadka maangaabka ah qaarkood ayaa laga yaabaa inay ku doodaan in Ilaahani
imtixaanayo oo rabo inuu ogaado kuwa dhibka u dulqaata iyo kuwa kale laakiin
dadkaasi waxay mooggan yihiin in Ilaahani yahay kii qoray fal walba oo ay
samayn lahaayeen addoomadani ilaa qiyaamaha, sidoo kalana noloshooda ku dhex
jiro oo tallaabo walba oo ay qaadaan ay tahay mid uu isagu jaangooyay oo ayna
marnaba ka leexan Karin.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...