Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Hidde-sidaha danaystaha ah iyo noolaha nafhurka ah

W/Q: Aadan Cali
Saynis 0
14.1k
·

3/22/2019

Hidde-sidaha danaystaha ah iyo noolaha nafhurka ah

Hidde-Sidaha danaystaha ah (The Selfish Gene)
Noolaha Nafhurka badan (Altruistic Animal)

N afhurka iyo doorbidka noolayaashu sameeyaan, waxa ugu cajiibsan kan
hooyadu ilamaheeda u samayso, waxa aanu gaadhaa heer ay hooyadu nafteeda halis
u geliso bedqabka dhallaankeeda, arinkani kolka xayawaanka iyo xeerka
badbaaddada lagu eego waa mid aan caqligal ahayn, sidee ayaa ay dabeecaddan
cajiibka ahi kusoo horumartay, waayo waxa ay noolaha gayaysiinaysaa geeri,
faa’iido iyo badbaado (Survival) ay u leedahay na ma ay jirto, kolka se
arinkan lagu eego indhaha aragtida Daarwiin ee hidde sidaha, arrinkuba waa
doqoni ma garatay, sidee! Xasuuso xoogga riixa (Natural Selection) -ka ama
xulashada dabeecaddu ma ahan badbaadada noolaha oo keliya, balse waa taranka
(reproduction) noolaahaas.

Kasoo qaad laba noole oo si walba oo kale iskugu mid u ah, keliya farqiga u
dhaxeeyaana uu yahay, midkood waxa uu daryeelaa dhallaankiisa si ay u
badbaadaan halka kan kale aanu ka daryeeliin dhallaankiisa ayna badanaa aad u
saqiiraan. Si kasta oo ay ku yimaadeen ba astaamahan noolaha ka dhigaya ku
dhallaankiisa daryeelaa, waxa ay ku dhex faafi doonaan noolahaas. Waayo
noolaha astaamahan leh ayay dhallaankiisu badbaadi doonaan, halka dhallaankuna
isla astaamahaas sii gudbin doonaan. Kolka ay jiilashu is bedbedelaan waxa ay
u badan tahay in astaamaha ilmo daryeelku ay noqdaan kuwa keliya ee
xayawaankaas ka dhex jira, tanina waa caqliyadda xullashada dabeecaddu ku
shaqayso, oo haddiiba ay jirto astaan ay noolaha isku jinsiga ah i ku kala
duwan yihiin, astaantaasina faa’iido u leedahay taranka noolahaas, astaantaas
ayaa noqonaysa midda dabeecaddu xulan doonto.

Sidaa darteed xulashada dabeecaddu, waxa ay damaanad qaadaysaa in noolayaashu
u dhalan rogmaan sida ugu haboon ee u saamaxaysa inay tarmaan dhallaankooduna
sii tarmo, dabeecaddan wanaagsan, ee ka dhalatay danayste nimada hidde sidaha,
ayaa ay culimada Baayoolijugu u yaqaanaan Altruism ama Nafhur.

Nafhurka xayawaanku waxa uu sidoo kale gaadhaa qaraabadiisa, arrinkan laftiisa
waxa lagu sharraxi karaa aragtida “Kin selection” ama qaraabo kiilka,
aragtidani waxay sheegaysaa haddii aan arrinka ka eegno dhinaca Hidda-sidaha,
hidda sidahayaasha badbaadayaa waa kuwa koobiga ugu badan iska sameeya,
laakiin hidda siduhu sidiisa isuma koobiyayn karo ee waa in uu helaa noole
shaqadan u qabta sida xayawaanada kala duwan, dhirta, iyo fayraska.

Noolayaashani waxay hidde sidayaasha ku gudbiyaan taran jinsi la’ sida dhirta,
ama sida xayawaanka taran jinsi leh, kaas oo dhex mara noole kale oo ay isku
sinji yihiin, sidaa darteed xulashada dabeecaddu waxay ka dul shaqaysaa hidde
sidayaasha si’ ay u soo saarto noolayaal qaada hidde sidayaasha. Haddii ay
jirtay odhaah tidhaahda “Digaaggu waa habka uu beedku beed kale u sameeyo”
xayawaanka laftiisuna waa uun habka ay hidde sidayaashu, hidde sidayaal kale u
sameeyaan.

Innaga oo wadana adduun araggeenan cusub ee hidde sidayaasha ka duulaya, maxay
tahay sababta aan u hindhisno una qufacno kolka duraygu ina hayo?! Haddii aynu
tix gelino xayawaanka duraysan, arrinkani waxuu noqonayaa uun isku aadooyin
fayrasku sababay. Haddii se aynu arrinkan ku eegno aragtida Hidde sidayaasha,
jawaabtu waa mid ta hore ka qurxoon waana sidan: fayrasku waxa uu saameeyay
habdhiska neefsashada ee noolahan hoyga u ah, si uu nooluhu debada ugu soo
bixi karo una sii faafi karo oo sideyaal badan oo kale u samaysan karo.

Haddaba, aragtidan hidde sidayaasha ma aha wax cajiiba in nooluhu nafhur u
sameeyo ilmihiisa in ka badan inta uu u sameeyo noolaha kale ee xigaalkiisa
ah. Tusaale ahaaan: waxa jira jaanis 50% ah in hidde sidayaasha noole laga
helo dhallaankiisa, sidoo kalena isla boqolaydaas 50%’ ah ayaa hidde
sidayaashiisa laga helayaa xigaalkiisa kan ugu dhow (walaalkiis). Sidoo kale
12% noolaha ay ilma adeerka yihiin. Sidaa daraadeed maadaama uu horumarka
noolayaashu (Evolution) ku ka dhaco heerka hidde sidayaasha, ma jiro wax
farqiya oo u dhexeeya noolaha iyo kan xigaalkiisa ah. Hooyada dhallaankeeda
bahalka ka dhicinaysa, iyo xayawaanka kale ee xigaalkiisa difaacayaa waa uun
isku mid. Aragtida hidda sidaha saddex walaalahaa ah ama shan ilmaadeeradaa ah
in aad difaacistooda ku qudh baxdo ayaa ka qiima badan in aad baxsato oo adigu
badbaado. Waana wax aad u caqli gal ah in ay dabeecaddu door bidi doonto
maskaxaha sidan u fikira, nafhurka noolayaashuna waa natiiijada tooska ah ee
danayste nimada hidde sidaha waayo ma jirto sabab uu hidde siduhu u sameeyo
“side” keligii noole ah oo la dhinta.

Ugu danbaytii arrinka cajiibka ah i waxa uu yahay, in sidii Daarwiin
saadaaliyey aan ay suure gal ahayn in astaamo ama dabeecado aan noolaha
faa’iido badbaado iyo taran midna u lahayn in lagu arkaa. Balse tani waa sida
dhacda xaaladahan nafhurka, kolka nooluhu naftiisa ku difaacayo ku kale,
inkasta oo aanay faa’iido u lahayn noolaha ficilka samaynaya balse waxay
dabeecaddani faa’iido u leedahay Kooxda uu noolahani ka tirsan yahay tanina
waa waxa loo yaqaan “Group selection”- ka ama xulashada kooxda.
Nafhurku xayawaanku waxa uu u gubdaa xayawaanka aan xigtadiisa ahayn, waayo
waxaa ay marmarka qaar khatar u geliyaan naftooda si ay ugu baaqaan xayawaanka
ka kale kolka khatar soo waajahdo, oo shimbir madawda iyo yaryaradu waxay
sameeyaan waxa la dhaho “oohinta digniinta” si ay shimbiraha kale u war
geliyaan kolka ay arkaan gorgorka, walow taasi ay sababi karto in uu gorgorku
iyaga kusoo jeesto.

Dadku, ruuxa dhaqamada foosha xun sida dilka kufsiga iyo boobka ku kaca, waxaa
ay ku tilmaamaan “Xayawaan” balse arrinkani gef ayaa uu ku yahay xayawaanka,
waayo waxaa u asal ah xayawaanka wanaag iyo is kaalmaysi.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...