Haweenoow xorriyadda caddaaladaa ka horraysa

W axaan akhriyey [maqaal](https://goobjoog.com/maqaal-dada-guurka-iyo-
baaluqa-carruurtu-waa-kala-laba/) ay qortay gabadh Soomaaliyeed oo ay kaga
hadlayso culimadii ka xanaaqay xeerka kufsiga iyadoo weliba u kala sharraxaysa
farqiga u dhexeeya da’da guurka iyo qaan-gaadhka. Aniga hadalkaa quruxda badan
ee gabadhaasi qortay waxaan u arkay inuu madax salaax u yahay ragga dooneya ee
difaacaneya inay kufsadaan caruurta Soomaaliyeed ee dhalan doonta kuwii hore
iyaga waxba kagamay tegine.
Sida dhaqanka iyo diintuba dhigayaan dumarka Soomaaliyeed waxaa masuul ka ah
ragga ehelkeeda ah oo aabaha dhalay ugu horreeyo. Masuuliyadda koowaad waxay
gacanta ugu jirtaa cid aan iyada ahayn, cimrigay doonto ha jirto haddey
doontana haba garasho dhaanto kuwa ka masuulka ahe maadaama ay haween tahay
masuul baa laga yahay.
Wilaayada haweenka waxaa iska leh ragga, iyaga ayaana haweenka guursada ee la
isma guursado waayo sinnaani ma jirto. Inta ay jirto wilaayada raggu masuulna
ay ka yihiin haweenka iyaguna (haweenku) ay raalli ka yihiin nidaamkan
wilaayada waxba isma bedeleyaan, maalintase la helo sinnaan ragga iyo dumarka
ah loona sinnaado waajibaadka iyo xuquuqda dhan walba waxbaa hagaageya,
haddase dhan baa wax waliba ka raran yihiin.
Wadaadkana ha la yaabin wuxuu dooneyaa oo kaliya wixii Illaahay u banneeyey
xaqqana u siiyey ee ahaa inuu caruur saqiira oo aanan jidh iyo caqli midna u
dhismin inuu guursado.
Anigu waxaan aaminsanahay inay khalad tahay raggu inay haweenka masuul ka
noqdaan, waxaana ila qurux badan haweenka in loo daayo farahana looga qaado
naftooda iyo siday ka yeeleyaan kol hadday miyir qabaan caruurna ayna ahayn.
Midhuhu geedkay kasoo go’een masuul kama noqon karaan.
Waxaa qurux badan in qofka haweeneyda ah faraha looga qaado cida ay dooranayo
si ay nolol ula wadaagto, qofku xoolo maaha marka la leeyahay hebel baa la
siiyey, iyadu Waa inay doorataa, raacdaa, nololna la dhisataa cidda ay rabto
iyada oo aan cidna fasax uga baahnayn, jidhkeeda iyada oo keliyaa leh iyadaana
xor u ah cida ay nolosha la qaybsanayso.
Haweenka Soomaaliyeed waa inay ogaadaan caddaaladda iyo daryeelka ay
raadineyaan waxaa ka horeeya inay ka xoroobaan amar ku taaglaynta ragga oo
ay noqdaan kuwa iyagu iska masuul ah. Qof aan xor ahayni caddaalad ma heleyo
inuu raadiyaana waa garasho xumo.
Gabadhaha Soomaaliyeed waxa hubaal ah inay ragga ka karti iyo caqli badan
yihiin dhan walbana ay kaga wanaagsan yihiin laakin waxa ay indhaha ka
qarsadaan wax badan oo lagu dulleeyo oo ay ugu wayntahay wilaayada naftooda oo
ragga gacanta ugu jirta. Sidee cid kale ugu doodi karta adigoo aan guursan
karin, dhoofi karin, waxna qabsan karin ilaa aad nin fasax ka haysato ninkaasi
wuxuu doono ha kuu ahaade?
Waxaa is waydiin mudan ilaa goormaad haweenow maxaabiis u ahaanaysaan ragga
iyo xeerarkooda oo aan idinka wax dan ahi idiinku jirin in la idinku dullaysto
mooyaane? Ninka dooneya gabadha yar ee sagaal jirka ah inuu guursado waxaa
siinaya nin la mid ah, hooyadii dhashayna way ag taagan tahay waana
daawanaysaa ilmihii ay dhashay oo bahal loo gacan gelinayo, maadama ay haween
tahay waxa laga dhaadhiciyey caruurta inay ninkan u dhashay oo ay ahayd calool
la kiraystay sidaa darteed waa iska aamusan tahay.
Guur iyo nolol xalaal ahi waxay iman doontaa oo keliya marka qofta haweenka
ahi iyadoo xor ah ay guursato qofka ay rabto iyada oo aan cidna wax ka
waydiin, cidina aanay iibsan oo jidhkeeda ka macaashin. Aabaha Soomaaliyeed ee
jaahilka ah waxaa maskaxdiisa kusoo dhacaysa markuu arko gabadhiisa yar tolow
ma kaa iibsameysaa? Kadibna waxbarashada ayuu ka reebeyaa isagoo u diyaarinaya
inay nin u dhaxdo isna uu lacag ka qaato.
Waalidka Soomaaliyeed waa inay hablaha wax baraan si la mid ah siday wiilasha
wax u baraan, doorka waalidka ee nolosha ubadku waa inuu noqdaa daryeel oo
keliya inta aanay qaan gaadhin oo isku filnaasho gaadhin, wixii intaa aan
ahayn ilmaha ayaa marka uu qaan gaadho go’aan ka gaadheya, waa gabood fal
waana xaaraan in ilmaha yar mustqabalkiisa go’aan laga sii gaadho.
Diinta meelna kagama jirto da’ cayiman oo lagu qaan gaadho, madaahibta diinta
islaamku waxay ka midaysan yihiin wax walba oo asal ah balse waxay isku
khilaafsan yihiin waxyaabo yar yar oo da’da qaan gaadhku ka mid tahay, hadii
Shaaficiyadu qabto in 14 lagu qaan gaadho hadalka Shaafici aayad iyo xadiis
midna maaha dawladuna waxay odhan kartaa oo sharci noqonaya da’da qaan-gaadhku
waa 20 sano.
Caruurta waa la kufsan doonaa inta hooyadu addoon u tahay xeerarka raggu
samaysteen, caddaaladna waxay heleyaan markay haweenku ka xoroobaan gumaysiga
ragga.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida