Haweenka maxaa dhaxalka loogu dulmiyay?

D ulmiga iyo gabood falka diinta islaamku ku hayso haweenka maaha wax
lasoo koobi karo balse waxaa wax lala yaabo ah waxyaabaha ay qiilka uga
dhigaan dulmigaas.
Marka laga hadlayo dhaxalka iyo sida loo qaybsanayo waxaa jira xeer guud oo
odhanaya wiilku wuxuu qaadanayaa laba gabdhood waxay qaataan. Marka la
waydiiyo waxaa loo simi wayay xaqqa ay wiilka iyo gabadhu ka heleyaan hantidii
waalidkood uga dhintay, waxaa diyaar u ah jawaab odhanaysa “Gabadha wax
waajib ahi ma saarna oo iyadaa la quudinayaa, la guursaneyaa, meherna laga
bixinayaa “.
Ninku inuu badi qaato dhaxalka waxay sabab uga dhigeen in isaga meher laga
sugayo iyo inuu quudiyo reerkiisa, inaad reerkaaga quudisaa miyaanay ahayn
waajib ku saaran ninow? Gabadhase miyaan waajib ka saarnayn inay quudiso
ubadakay dhashay? Isagu hadduu aabbe yahay waajib saaran yahay iyadaba
miyaanay ahayn hooyo waajib saaran yahay?
Dulmiga haweenka lagu hayo hubka loo adeegsado waxaa ka mid ah meherka oo
raggu aaminsan yihiin inay haweenka iibsadeen maadaama ay hanti kala bexeen.
Gabadhu ma codsan iyadu in meher laga bixiyo si ay xaqqeeda u waydo mana jecla
raallina kama aha inay guriga fadhido oo aanay wax baran ama shaqo tegin balse
waa lagu qasbay inay guriga fadhido, markay yaraydna waxbarashada ayaa laga
ilaaliyey si ay jaahilnimo ugu waynaato uguna jilicsanaato dulmiga. Waxaa
jirta cabsi ah haddii ay waxbarato inay ka hoos bixi karto gumaysiga ninka,
gabadhu haddii ay aqoon yeelato kadibna shaqaysato uma baahna nin ku waabsada
inuu quudiyo ama hanti(meher) ka bixiyey kadibna dulmiya. Raggu iyagoo
adeegsaneya xeer diimeed ay qorteen ayay haweenka dullaysteen waxase nasiib
darro ah in haweenku ku qancaan raallina ka yihiin welibana difaacaan nidaam
iyo sharci iyaga xaqooda duudsiinaya.
Baahiyaha saw looma sinna? Qof waliba rag iyo haween saw uma baahna hanti uu
noloshiisa ku maareeyo? Maxaa keenay inay diintu ninka masuuliyaddiisa
dhaqaale u madax bannayso una fududayso dumarkana ay ninka hoos geyso gabal
yarna xaqoodii ka siiso?
Masuuliyad markay noqoto yaa hooyada ka masuuliyad badan? Gabadhu waa hooyadii
berri caloosheeda sagaal bilood ku qaadi lahayd noole. Korinta iyo
dhaqaalaynta ilmaha ma masuuliyad iyo hawl ka culus baa jirta? Haddii ninku
siddeed saacadood soo shaqeeyo saw ma wada ogin hooyadu maalin iyo habeen oo
dhan inay ilmeheeda dul taagan tahay iyadoo aan nasasho iyo fasax midna
qaadan? Ma gar baa in la yidhaahdo masuuliyad ma qaadi karto?
Waxaa ayaan darro ah in gabadha xaqeeda lagu duudsiyo iyadoo la leeyahay
haweeney baad tahay oo marka nin ku guursado ayuu lacag ku siin doona, sidaa
darteed hantidii aabahaa waxba kuma lihid. Waxaa is waydiin mudan haddii
meherku yahay xaq gabadhu leedahay ma gar baa inay ku waydo xaqqeedii kale ee
ay ku lahayd hantidii aabeheed? Xaq ka mid ah xuquuqda qofku leeyahay laguma
duudsiin karo xuquuqdaadaa badan ama haddii aad xaqqa maqalka haysatid waa in
xaqqa aragga lagaa qaada.
Dhaqanka carbeed ee cadaawadda nacaybka iyo cunsuriyadda ku dhisan maaha in
aan ku dhaqno haweenka Soomaaliyeed ee sharafta leh. Innagu Soomaali baynu
nahay ma nihin carab mana jirto sabab aan ugu dayano oo dumarkeena u dullayno.
Waxaa hubaal ah oo qoys kastoo Soomaaliyeed ogyahay in habluhu ka wax tar
badan yihiin ragga dhan walba. Ilmaha aad dhashay waalidoow yaan laguu yeedhin
sidaad ugu caddaalad samayn lahayd. Wiilka iyo gabadhaba adaa dhalay mana
jiraan wax kuu diideya inaad hantida aad u shaqaysay iyaga si siman ugu
qaybiso, ma jirto cid ku odhan doonto maxaad caruurtaada ugu cadaalad
samaysay?
Aakhiro lama hubo laakiin kol haddii aad dhimanayso hantidaadana la dhaxlayo
waxaa quman inaad ubadkaaga si siman oo caddaalad ah ugu qaybisid oo aan
lagugu qasbin inaad u kala eexato, Ma jirto sabab aad uga hiiliso hablaha aad
dashay oo inta badan kaaga naxariis badan ragga, mana jirto sabab aad
gabadhaada ugu dullayso nin ay guursan doonto oo aan la hubin jeebkiisa. Maxaa
ka wanaagsan in gabadhaadu ay guursato iyadoo dhaqaale ahaan isku fulin oo aan
cidna gacmaha u hoorsanayn?
Waxaan usoo jeedin lahaa waalidka Soomaaliyeed inay ubadkooda u caddaalad
sameeyaan dhinac walba gaar ahaan dahxalka oo caqligooda iyo damiirkooda
raacan. Ubadka idinkaa dhalay waana inay u sinnaadaan jacaylkiina,
daryeelkiinna, waxbarashada iyo hantidiinna. faca soo koreya waxaan kula talin
lahaa ubadka aad dhali doontaan u cadaalad sameeya haddii aydaan karayn inaad
u caddaalad samaysaan ha dhalinina adduunkanna ha kusoo lug-goynina ubad aad
ogthiin inay dhibane u noqon doontaan gabood falkan gaamuray, caqligiinana iyo
damiirkiina hoosana ha u seeta xirina waxyaabo ku qoran buugaag dad adduun
hore noolaa oo aydaan waxba wadaagin waqtigan la joogo.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida