Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Halgankii galaalo

W/Q: Cumar Cali
Sheeko Faneed 1
2.9k
·

8/29/2018

Halgankii galaalo

W axaa la isigu yimi gogoshii tacsida Macal-weyne. Macal-weyne wuxuu ahaa
wan afar jir ah, shilis, oo habeen hore marti lagu sooray. Cabbaar haddii
qoyskii Macal-weyne loo tacsiyadeeyay, waxaa hadalkii qaatay Dhukane oo ah
hogaamiyaha idaha ay xeraddu kulmisay.

Waxaa uu amaan kula dul dhacay mulkiilaha iyo qoyska dhaqday adhiga uu ka
midka yahay. Waxaa uu carabaabay, in qoysku ay si hagar la’aan ah u gutaan
xilka ka saaran adhiga, in biyo iyo baad ba ay ka haqab tireen, Dhurwaaga,
Dawacadda iyo bahal-duureedkana in ay ka dhiciyeen ayuu xusay.

Sidoo kale, Dhukane waxaa uu ka hadlay sharafta iyo karaamadda ku jirta
gawraca, waxaa uu aad ugu nuux-nuuxsaday laxdii iyo wankii gawrac labada
dhegood loogu simaa in ay yihiin kuwo la doortay oo nasiib u yeeshay derejo
aanay helin kuwa bestood u bakhtiya ee hilbahooda laga wiswisaa. Waxaa uu
sheegay idahana ku baraarujiyay, in ay ku dadaalaan sidii ay darajadda gawraca
u hanan lahaayeen. In ay cawska iyo doomaarta si joogto ah u daaqaan, si ay u
xaydhaystaan oo loo qasho, ayuu carabka ku adkeeyay.

Waxaa uu hadalkii ku soo gebogabeeyay in Macalweyne uu ahaa mid la doortay;
mid dhexda u xidhay hawsha daaqista iyo doomaar ruugga, jeer xaydhiisa iyo
hilbihiisa shilisi ay raalli geliyeen indhaha mulkiilayaasha, ugu danbayna
habeen barakaysan la go’aansaday in la isugu joogsado.

Galaalo oo ah sabeen saddex jirsatay, hadalka Dhukane na saluugtay, ayaa
idihii ka dhex kacday. Waxaa ay tidhi, mudane Dhukanoow, anigu ma doonayo in
la i qasho, ma doonayo in biyaha iyo baadka la i siiyaa ay ii horseedaan in
caanaha ubadkayga la iska listo; in ay ii horseedaan in mindi dhuuntayda lagu
kala jeexo oo si silic ah la ii dilo. Waxaa aan rabaa sida sagaarada iyo
deerooyinka in aan duurka ku noolaaddo, halkaas baan ka helayaa biyo iyo baad
aan la iigu mano sheeganayn, caanahayga lagu boobayn, gawracna aan la iigu
geysan doonin e. Waxaan rabaa in aanan noqon hantida nacabkayga oo maalmaha
nolosha iiga dhiman aan keynta xorriyad ugu noolaado.

Dhukane iyo badi idihii meesha fadhiyay hadalkaa Galaalo ka soo yeedhay wuxuu
ku noqday fajac iyo amakaag. Intoodda badan waxaa isla markiiba wejiyadooda
dabooshay cadho. Dhukane oo cadho la jiq ah oo aad moodo in naqasku ku dhegay
ayaa isla markiiba soo booday. Waxaa uu yidhi, ma adiga oo lagu sharfay, lagu
xanaaneeyay, awoowayaashaana duurjoogta laga doortay ayaa hadalkan deelqaafka
ahi kaa soo yeedhayaa? Miyaan lagu xanaanayn? Lagu dhaqaalayn oo hadh iyo
habeenba aan lagaa jirin nacab aadan iska dhicin karteen? Ma is weydiisay
sababta awoowayaashaa duurjoogta looga dhex doortay ee loo soo dhowaystay? Ma
waxaad doorbidaysaa in sida deeradda hilibkaaga iyo hilbaha dhalaankaagaba ay
dawacadu ka dheregto? Ama sida aad keynta u dhex wareegayso aad bakhtido oo
sidaa derejada gawracu kugu seegto? Galaalooy, waxa aad la timi wax aananu
dhaqan u lahayn, wax sharaftayadda iyo tan awoowayaashayo ba dhaawac ku ah.
Waxa aad la timi abaaldhac aan lagaa filanayn.

Waxaa ay tidhi, mudane, su’aalahaa oo idil waa aan is weydiiyay, waxse aan
dhaafsiin waayay sababta la ii dhaqaalaynayaa in aanay ahayn mid aniga dani
iigu jirto. Waxa aan ahay hanti noole kale dheefsado. Waxaan aan ahayn mid
dharaar aan fogayn si arxandaro ah dhiigeeda loo daadin doono. Keynta geeri
kaga badbaadi maayo oo geeridu waa mid ina wada haleeli. In mulkiilayaashu i
qashaan iyo in dawacadu i cuntaana isu ma key dhaamaan, ha yeeshee, dawacadu
inta ay bidixda biyo igu siiso midigta iguma gawrici doonto, caanaha ubadkayga
dharaar walba ma boobi doonto, haddii aan dawacadda iyo dhidarka ka badbaadana
duurka ayaan si xorriyad iyo nabadgelyo ah ugu dhiman doonaa.

Dhukane waxaa uu si cadho leh kor ugu dhawaaqay, cadhada mulkiilayaashu
korkooga ha ahaato. Dabadeedna waxaa uu u jeedsaday dhankii idaha waxaana uu
yidhi, waxaan idiinka dardaarmayaa kufriga iyo abaaldhaca ay Galaalo la timid.
Innagu ma nihin deerooyin iyo duurjoog aan lahayn hadaf ay u nool yihiin,
waxaa aynu nahay kuwo la doortay, abaal loo galay oo u heellan in ay abaal
gudaan.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...