Halgankii cirbixiyeenka Galileo Galilei

G alileo wuxuu ahaa physicist, engineer iyo cir-dhugte u dhashay
talyaaniga. Wuxuu ahaa saynisyahan kaalin libaax ka soo qaatay cilmiga darajo
la gaarana kuweeda ugu sarsareeya ka gaaray. Waxaa loogu yeedhaa ‘Aabaha cir-
dhugashada!’.
Waxyaabaha lagu xasuusto waxaa kamid ahaa in uu ahaa ninkii ugu horreeyay ee
telescope cirka u jeedshay. Waa ninkii ugu horreeyay ee soo daah rogay in
dayaxu uu leeyahay buuro iyo togag iyo dalacyo sida dhulka oo kale.
Sidoo kale wuxuu ahaa ninkii soo helay afarta dayax ee ugu waawayn (Ganymede,
Callisto Europe, iyo Io) ee meeraha cir-jeex (Jupiter) ku wareega, isaga
ayaana afartaba loogu magac daray oo waxaa la isku dhahaa Galilean moons!
Waqtigii Galileo dadka badankoodu waxay aaminsanaayeen in dhulku uu yahay
bartamaha adduunka waxkastana ay isaga ku wareegtaan! Fikraddaa Galileo aad
buu ugaga soo horjeestay oo waxyaabaha uu caanka ku yahay waxaa ka mid ah la
dirirka fikraddaa.
Kiristaanku waagaa waxay aaminsanaayeen in aragtidaa dhulka ka dhigaysa
bartamaha dunida ay tahay aragti diimeed kutubtooda ugu xusan qofkii ka hor
yimaadana uu yahay faasiq ilaahay ka furtay umadana haligaya oo ay tahay in
nolosha lagu gubo!
Dhawr jeer baa Galileo loogaga digay in uu aragtidaa difaaco ama uu wax ka
qoro iyada oo si walba loogu goodinayo laakiin arrinkaa uu ka meer meeray
qalinkana uu dhigi waayay. 1616-kii marbaa la maxkamadeeyay Galileo oo lagu
qasbay in uu ka towbad keeno ra’yigaa mardambana laga maqlin!
1632-gii buu qoray haddana isla buug uu arrinkaa ugaga hadlayo loona arkay
waliba in uu ku durayo dadka aaminsan in qorraxdu dhulka ku wareegto!
Baadariyaashii ninka way u adkaysan waayeen markaa bay mar labaad maxkamad
saareen!
Galileo in nolosha lagu gubo wax yar buu ugaga baxsaday laakiin waxaa lagu
xukumay xabsi guri inta noloshiisa ka dhiman! Buugtiisa kulli waa la
mamnuucay, qalinkana waa laga qaaday oo mar dambe wax ma qori kartid baa la
yiri!
Waxyaabaha ugu cajiibsan ee uu sooyaalku ka xuso Galileo waxaa ka mid ah in
markii lagu qasbay inuu qaato aragtida dhahaysa dhulkaa taagan oo qoraxdaa
wareegata uu hoos u yiri; “ wali wuu wareegayaa! ” Isagoo ula jeeda i qasba
ama ha i qasbina dhulku wali qorraxda buu ku wareegayaa!
Cilmiga haddii la dhaho caqaa’idda bulshadiyo wadaad diimeedyada hala dabo
fadhiisiyo umaddu way curyaantaa, kuwooga caqligiyo cilmiga u saaxiibka ahna
noloshay ku cuntaa iyadoo cadow inay ku yihiin u haysta!
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida