Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Hal-beegga cawaanimada

W/Q: Khaalid Xasan
Aragtiyo 0
11.3k
·

6/24/2018

Hal-beegga cawaanimada

Ereyga cawaan waa erey af-qalaad ah lagana yaabo inuu ka micno duwan yahay
sida soomaalidu u adeegsato, ereygan soomaalidu waxay adeegsataa markay cid
ama qof liidayaan kuna liideyaan muuqiisa, aragtidiisa diimeed iyo hab-
dhaqankiisa bulsho, taana waxayaabo badan baa dhaliyey oo jahligu kow ka
yahay.

Soomaalidu waxay cawaan u taqaan dadka diirka madaw ee ay ka midka yihiin,
waxay sidoo kale cawaan u taqaan dhammaan dadka haysta diimaha kale ama
diinlaawayaasha ah ama dadka aan haysan dhaqan soomaaliga ee iyaga ka duwan.
Hadaba saw muhiim ma aha in aan soomalida lafteeda eegno sidoo kalana
bulshooyinka ay liideyaan ee cawaanka u yaqaaniin aan barbardhigno diinta iyo
dhaqanka soomaalidu inta badani ay haysato.

Related image

Muslim dhagax maamuusaya (credit: AP)

Qofka soomaaliga ahi marka uu cawaan ku sheegeyo dadka aaminsan diinta
Buudhiisamka ee dhagaxa caabuda wuxuu hilmaansan yahay ama indhaha iska
qabanayaa inuu sannad walba ku bixiyo kumanaan doolar siduu usoo booqan lahaa
uguna soo wareegi lahaa dhagaxa loo yaqaan Kabcada, sidoo kalena uu taallo
halkaas ka dhisan dhagax ula dhici lahaa isagoo aaminsan wax aan la arkayni
inay ku xidhan yihiin ama laba buurood marba dhinac u ordo isago aad moodo qof
aan maankiisu fayoobayn.

Qofka soomaaliga ahi wuxuu hilmaansan yahay inuu ogol yahay agtiisana ay caadi
ka tahay dadka in dhagax lagu dilo, gacmaha iyo lugaha isdhaaf loo gooyo,
caruurtana la guursan karo, wuxuu aaminsan yahay in Maxamed dameer baalal leh
uu samada sare ku tegey oo ilaahayna uu kulan midho dhal ah lasoo yeeshay,
wuxuu raali ka yahay is-addoonsiga, dhaca iyo kufsiga lagula kaco dadka aan ku
diinta ahayn, wuxuu kaloo aaminsan yahay in aanu afrikaan ahayn oo afrikaanku
agtiisa cawaan bay ka yihiin.

Wuxuu aad ula yaabaa hab-dhaqanka kala sarraynta dabaqadaha ee diinta
Hinduuska (Caste system) wuxuuna hilmaama cunsuriyadda iyo takoorka uu ku hayo
qayb dhan oo bulshada soomaaliyeed ka mida, wuxu kaloo aaminsan yahay carabi
inay dadka ka mudan tahay carabna uu yahay.

Wuxuu aaminsan yahay quraanku inuu ka saxan yahay kitaabka qudduuska ah
(Bible), caddaynta keliya uu haystaan waa in ay ku qoran tahay kitaabkiisa,
soomaaliya wuxuu rabaa in diinta lagu xukumo isaguse wuxuu rabaa inuu wadamada
cawaanka ku noolaado.

Wuxuu aad u neceb yahay kala duwanaanshah fikirka, wuxuuna aaminsan yahay qof
kasta oo soomaali ah ha ahaado masiixi diin-laawe ama shiici in aanu soomali
ahayn dalkana aanu xaq ku lahayn maadama uu diintiisi iibsadey (sida uu
aaminsan yahay) lacagna uu siistay wax walaba in la iibsan karo ayaa ka
dhaadhacsan, diinta ayuuna ka horreysiiyey soomaalinimada.

Soomaalidu waa dad qaawan oo arradan hadana aaminsan in dhar aanay sidan
laga xadayo.

Haddaba saw ma muuqato halbeegga aan ku eegeyno ama ku qeexeyno cawaannimada
inuu qaldan yahay, saw baahi wayn uma qabno in aan saxno halbeegga aan ku
eegeyno cawaannimada oo aan is waydiino yaa cawaan ah? maxaa cawaan lagu
noqdaa? Ma haboontahay ereygan in aan adeegsano? Waydiimahan iyo qaar kaloo
badani waa kuwo soomaali oo dhan u yaal mana jirto wax ay kaga haboontahay in
aan is aqbalno soona dhoweyno kala duwanaansha dhan walba ah waayo kala
duwanaanshuhu wuxu ka mid yahay waxyaabaha aadane ama dad inaga dhiga, ma
nihin aalad (robot) shirkadi soo saaratay oo isku wada mid ah.
Waxaa habboon in aan is ogolaanno maadaama ilaaha aad aaminsan tahay magacuu
doono ha lahaadee aanu soo degeyn ama godka kasoo baxayn si uu markhaatigaaga
kuugu furo inaad saxsan tahay.Waa in aan ogaanaa kala duwananshuhu inu qurux
yahay oo aan is aqbalnaa horena u soconaa sidoo kale waa inaad ogaataan cayda
iyo habaarku in aanay waxba kuu tarayn, murti soomaaliyeed baa ahayd “Adhi
la’laaya adhi la’ laayuU leeyahay”
.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...