Guuxaaga iyo garashada qaldan

W ida wadaadadu sheegeen ama qaacidooyinka ay u dajiyeen gaalnimada anigu
iyada ruuxeeda ayaan ku gaaloobay hasayeeshee in aan ilaahay agtiisa gaal ka
ahay aniga iyo isaga kaliya unbaa og.
Waxa aan rumeysanahay in Ilaahay rumeyntiisa la isaga dayan sidaas daraadeed
ayaan diidanahay in qofku rumeeyo wax aanuu aqoon u laheyn oo rumeynta alle la
mid tahay sida adiga oo shaqa lasoo bandhigay CV u gudubisaday balse markii ay
caddaatay in aysan islaheyn aqoontaada iyo shaqadu laguu diiday.
Waxa aan diidanahay in ilaahay laga dhigo mid wax yar naga gadisan kaasi oo
durbaba marka aad faallo yar ku qorto Facebook xanaaqaya ayna jiraan wax u
qarsan oo aqoontu dhibto.
Waxa aan rumeysnahay in wax baaristu xoojiso wax jiray awal dhaawacdana wax
dhutinayay. Waxa aan ogahay in islaamka aan ka dhex heley bulsho u badan
caammo kuna hadlin luqadda uu ku qorranyahay sidaasna ku ah 100% muslim kuna
heshay iyana islaam-ka dhaxaltooyo fursadna aan u helin loona siin in ay
isweydiiyaan waxa diintooda kaga gadisantahay diimaha kale waayo is weydiinta
kaliya oo ka maran shaki ayayba ka dhigeen gaalnimo haddii shaki yimaadana waa
murtadnimo geed aan loogu gabban ayay yiraahdeen.
Waxa inbadan aan idinkaga gadisanahay ayaa ah in qofku wax uu aaminsanyahay
100% uunan awoodin in uu arko saxa iyo qaladka ku jira, kumana sii jirto marka
ay la socoto handadaad iyo cabsiin u eg sidii in laga rabay hawshan xitaa
markuu ku jiray uurka hooyada; xaggeyga se anigu xeradaas waan ka tallaabay
cariiriga badan ee anigii oon wax ley barin leyga rabo wax walba, waxa aan
aaminsanahay in aan Naska akhriyo aniga oo aan sii huwin qaddaasa ii diidda in
aan xaqiiqdiisa garto, waayo sidaan horey u sheegayba wuu igala weynyahay
ilaahay in uu iga dalbado in aan rumeeyo wax aanan iska baarin garranna
guntooda oo ay timaaddo aniguna sidii in aanuu ogeyn qalbigeyga u cammirro ama
mujaamaleeyo oo afka ka iraahdo subxaanaka maa acdamaka!
Waxa aan rumeysnahay in yaqiintu ka dhalato cilmi iyo caqli iskaashaday sidaas
daraadeed waxa aanan ilaahay u quurin in la yiraahdo qof aanan carabigaba
qorin rumey diinta oo haddii ay ku dooddo ma aqaan ee maxaan rumeeyaa lagu
yiraahdo dadka raac haddii kale cadaab ayaad mudaneysaa.
Waxa aan u arkaa in ay ii furanatahay xaqna u leeyahay in aan wax walba su’aal
iska weydiiyo sida: ilaahay, anbiyada, iyo Qur’aanka oo inta wax baaristu
socoto iyo xitaa natiijada baarista aanay aheyn magacyo in la isugu bixiyo oo
xitaa natiijada uu gaaro qofka maskaxda dhalaaliyay waxa aan rumeysnahay in
aanuu ilaahay ugu carooneyn. Waxaa maangal ila ah sida aayaddani u hadleyso oo
ah in gaalnimaduba tahay (inkiraad) laba shay ayaana ka dhasha kaddib marka uu
rumeysto qofku qaldanaanta mawqifkiisa; ta hore waa kibir, ta labaadna madax
adayg.
(وجحدوا بها واستيقنتها انفسهم ظلما وعلوا …النمل)
Gabagabadii waxa aan arkayaa waxa asxaabteyda in badan ka dhex-guuxayaahi uu
yahay in ay igu eegayaan isla ookiyaalaha aan tuuray ee la xirnaa qarniya hore
isla markaana aan dayacay arigii aan wada ilaalin jirnay ee lahaa furta iyo
dacasha sidaas daraadeed magacyada ay iigu yeerayaan uu yahay oo kaliya Xoolo-
dabemar ayaad tahay oo u dhiganata ZINDIIQ ama MULXID waana labada kalimadood
ee ugu adeegsiga badan xagga marka ay timaaddo in la is-hiifo, tilmaantan ayaa
aheyd mid horay loogu yeeray culimadii waa weynaa ee islaam-ka sida; ibnu
Nafiis, Ibnu Rushdi iyo Ibnu Siina, halka xitaa kuwa madaahibta, dariiqooyinka
iyo jamaacaadku iskugu baacsan jireen sida xabbad Kaliile iyo Baas.
Aqoonta iyo caqligu waxa ay fura u yihiin is fahamka aadanaha lkn haddii aad
tiraahdo suuliga Jin ayaa ku jiree iska ilaali ee lagu yiraahdo waxba kuma soo
arag ku jira! raadso awgayow tabtii aad ku qancin laheyd qofka laakiin in
jawaabtu noqoto Zindiiq ayaad tahay diinta diiddan waxa ay keeneysaa in uu
raadsado qofku ookiyaalaha aad ku arragtay Jinka si uu uga badbaado Zindiiq
ama Mulxid.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida