Guurka caruurtii Aadam iyo Xaawo

A adam feertiisa ayaa looga dhanbaley xaaskiisii xaawo, caruurtoodiina waa
is guursadeen oo waa iska ilma dhaleen, waa sida ay diinta islaamka sheegeyso.
Diimaha kale ee Ibraahimiyada iyaguna sheeko ku dhow tan ayay soo wariyeen.
Dad badan oo muslimiin ah ayaa si un u dhibsadey
dhigaalkeygii walow
aysan doodo maangal ah oo ay iiga soo horjeedaan aysan keenin misna wayrax iyo
cargaagtan ayaa iiga muuqdey qoraalo ay il wadaageen iyo weliba kuwa isoo
wacey oo ila soo xiriirey.
Waxa ugu badan oo ay ka hadlayeena wuxuu ahaa ilmo Aadam oo walaalo ah sidey
isugu galmoodeen oo isaga ilma dhaleen. Sida iiga muuqateyna dad diintooda
yaqaan ma ahayn oo waxayba la yaaban yihiin ilmo Aadam oo is guursadey,
waxaysa ilowsan yihiin inuuba Aadam qayb jirkiisa ka mida naageystey oo ka
ilma dhaley waa sida diinta islaamka qabtee.
Waxaa aad iila doodey qoraal iyo maqaalba nin layiraah Ismacil Kaarshe
wuxuuna ku doodey ina aysan jirin quraan iyo xadiith sheegayo in ilmo adam is
guursadeen iyagoo walaala ah.
Xagee laga farcamey markaan irina waa meer-meerey wuxuuna igu yiri aragti ayaa
sheegeyso ilmo Aadam xuurul cayn ayaa jannada looga keeney.
Waxaan ku iri ilmo adam in xuural cayn jannada looga keeney aayad iyo xadiith
sheegaya miyaa jira? Maya ayuu iigu jawaabey, kolkaa sidee tayda ku beenisey
oo culimada ahlu-sunnaha badankoodu aaminsan yihiin taadana run ku noqotey
ayaan waydiiyey? Yaase ku yiri xageese ka keentey xuurul cayn ayaa ilmo
dhashoo farcanto ma aayad ama xadiith baad u haysaa?
Dood aad jilicsan oo aan cago ku taagneyn ayay iila muuqatey dooddii
saaxiibkey Ismaciil kana hor imaaneysa dhammaan taariikhda islaamka iyo
muslimiintaba qaabka ay u soo wariyeen sheekadan inkasta oo firqooyinka
Islaamka dhexdooda muran ku godaaman yahay masaladan balse sunniyiintu sidaan
hore u sheegay waxay qabaan in guurka walaaluhu waqtigaas xaaraan ahayn sidaa
darteedna caruurta Aadam mid waliba guursaday gabadha la mataanta ahayd
walaalka kale.
Dooddeyda waxay raad taariikheed ku leedahay dhammaan taariikhda muslimiinta
iyo weliba diinaha kale ee in Aadam laga soo farcamey dhigaya. Waa laga yaabaa
inay ku kala duwan yihiin arrinta taranka iyo heerarkuu soo marey, meesha
muslimiinta ka aaminsan yihiin ilmo aadamkii walaalaha ahaa isu galmoodeen si
ay u farcamaan balse faah-faahin dheeraada kama bixin karo dimaha kale
maadaama aqoon badan u lahayn.
Hadaba haddaan lahayn aayad ama xadiith sheegayo in ilmo aadam isu galmoodeen
si ay u farcamaan, culimada warkan guurka walaalaha qabtana la dhihi waa
ra’yigooda iyo tafsiirkooda aayadaha ama axaadiith aan sixadooda aan
wanaagsanayn oo muslimiintu ku kala jabsan yihiin, sidoo kale aanan lahayn
meel kale oo laga soo farcamey iyo wiilashii ilmo Aadam ahaa ciddey ka ilma
dhaleen ee dumarka ah. Waxa kaliya ee quraanka iyo axaadiithta ku qorane ay
yihiin Aadam iyo Xaawo iyo wiilashii markii danbe is diley!! Mala dhihi karaa
Aadam iyo wiilashiisaba waxay ka ilma dhaleen Ayeeyo xaawo?
Sababtoo ah nusuusta diiniga ah ayada unbaa ku qoran wax dumara, sidaa owgeed
maadaama Aaadam oo feertiisa laga dhanbaley uu ka ilma dhaley iyadana
wiilasheedaa ka sii ilma dhaley Aadam daba dii?
Mar haddii quraankii iyo axaadiithtii iyo ijmaacii iyo dhammaan masaadirtii
muslimiinta buuq badan ka aloosan yahay masaladan oolaga waayey waxay ka ilma
dhaleen oo nas cad ah. In layiraah wiilasha walaalahood ayay naageysteen iyo
in layiraah hooyadood ayay ka maarmi waayeen keebaa roon?. Runtii inaad diin
aamintaa waa in caqligaada la caayaa waayo malaayiin dad ah ayaa rumeysan in
laga soo farcamey walaalo isu galmoodey, iyadoo taas cilmi ahaan ay adag tahay
in labo qof dadka oo dhami ka farcamaan!! Iyo nin feertiisii u galmoodey waxay
ku tuseysaa quraafadka iyo sheeko xariirada haddii la iska dhaxlo inay dadku
lamid noqonayaan qof sarqaansan oo kale, oo wax walbaa uusan awoodin
caqligiisa inuu kala saaro.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida